| |
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Sh/hoose oo beeniyay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Isniin, March 17, 2008(HOL): Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa jawaab ka bixiyay hadal saxaafadeed uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere). Maxamed Dheere ayaa hadal saxaafadeedka uu bixiyay wuxuu ku sheegay in weerar dhawaan lagu qaaday Siinka Dheer iyo Deegaannada Ceel Carfiid iyo Caliyaale laga soo abaabulay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo sheegay in uu Deegaankaas gabaad u yahay kooxaha la dagaalama dowladda Federaalka Soomaaliya. Nuuriye Cali Faarax waxaa uu sheegay in hadalka Maxamed Dheere uu ula muuqdo mid uu ujeeddo ka lahaa, isla markaana uu ku doonayo in uu mar kale ku sii barakiciyo dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha oo markoodiihore ka soo qaxay Magaalada Muqdisho. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax waxaa uu sheegay in Maxamed Dheere laga doonayo in uu caddeyn buuxda u keeno hadalka uu sheegay ee ah in deegaanka Ceelasha Biyaha ay ku dhuuntaan Kooxaha la dagaalama Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Maxamed Dheere haddii uu run sheegayo muxuu u dhihi waayay dagaalkii lagu qaaday Ex Koontarool Balcad iyo Warshaddii Baastada waxaa laga soo abaabulay Galgalato”ayuu yiri Nuuriye Cali Faarax oo sheegay in Nuuriye Cali Faarax waxaa uu intaas ku daray in Maxamed Dheere uu yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markaana uusan ahayn Ra’iisal Wasaare ka hadli kara arrimaha Gobollada Dalka Soomaaliya guud ahaan. Si kastaba Arrintu ha ahaatee, maamullada Gobolka Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ayaa dhowr jeer oo hore waxay iskula dhaceen arrimo ku saabsan xuduudka labada gobol iyo weliba canshuur ka qaadista Gaadiidka labada gobol ee isu tallaaba, iyadoo xitaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose uu gaaray in uu joojiyo in ay gaadiidka wata sumadda Gobolka Banaadir ay u tallaabaan dhinaca Gobolka Shabeelaha Hoose. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo
17/03/2008 12:31 PM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): 9 Ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ku dhexmaray labo maleeshiyo Beeleed Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay xallinta khilaafaadka Guddiga Doorashooyinka
17/03/2008 5:43 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu guddi saddex xubnood ah u magacaabay khilaafka u dhexeeya xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadib markii Guddoomiyaha Komishanku dhowaan u gudbiyey Madaxweynaha qoraal uu ku dalbanayo in la soo beddelo xubin ka mid ah Komishanka oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Lixda xubnood ee kale ee Komishanku ay isku raaceen in aanay wada shaqayn karin xubintaas.
|
|

|
|
 |
|
|
|
 |
Nine Somalis killed in land clashes
- AFP
17/03/2008 7:11 PM EST
MOGADISHU (AFP) — At least nine people were killed and 18 wounded in central Somalia when two clans fought Monday over land, hospital and local officials said.
|
Puntland O&G industry to Receive Significant Benefit From Visit to Australia by Ministry Representatives
- Oil Voice
17/03/2008 10:42 AM EST
The emerging oil and gas industry in the autonomous state of Puntland, northern Somalia, is set to receive a significant boost as a result of a one month visit to Western Australia by three ministry representatives of the Puntland Government.
|
AU is Gradually Growing Teeth to Bite Errant Leaders
- The East African Standard
17/03/2008 10:41 AM EST
Long perceived as a toothless bulldog, the African Union (AU) appears to be finally shedding this tag in response to attempts by some African leaders to undermine democracy on the continent.
|
SOMALIA: New IRIN podcast of Somali drama series
- IRIN
17/03/2008 10:27 AM EST
NAIROBI, 17 March 2008 (IRIN Radio) - "Lama Huraan" is a gripping story set in the fictitious Somali village of Tub Ano, where villagers try to rebuild amid the turmoil of conflict, displacement and poverty.
|
Somaliland President and the US Military Base in Berbera
- HOL
17/03/2008 9:40 AM EST
The President of the breakaway Republic of Somaliland Mr. Dahir Riyale kahin declared that he he has invited the Americans to use Berbera port as a military base, pointing out that the Americans used to have a base there previously. President Riyale told that he would welcome America and wished success in their elections.
|
Terror made in Somalia: Why Kenya is in the line of fire
- Nation Media
17/03/2008 9:35 AM EST
THE BORDER BETWEEN KENYA and Somalia is a long strip of land. Somalia has a long history of chaos and civil war. Kenya, on the other hand, is trying to maintain its national security against constant threats of terrorism spilling over from its neighbour.
|
UNHCR proposes another refugee camp for Yemen
- Yemen Times
17/03/2008 8:57 AM EST
SANAA, March 16 — A UN official said on Thursday that Yemen will still receive an influx of African immigrants for many years to come, whether or not there is political stability in the horn of Africa.
|
|
| |
| |
Contact : webmaster@hiiraan.com |
 |
| |
|
|