advertisements

Shir looga hadlayo Dhaqaalaha Soomaaliya oo Nairobi ka furmay

fiogf49gjkf0d

 

Sabti, Mar 29, 2008 (HOL) -  Hotelka Windsor oo ku yaala duleelka magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa  shalay ka furmaya shir looga hadlayo dhaqaalaha Soomaaliya, kaasi oo ay wada jir u soo  qabanqaabiyeen Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka (World Bank).

 

Shirkani oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Axmed Ould-Abdallah, Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wakiil ka socday Bangiga Adduunka, kuwaasi oo si weyn uga hadlay Xaaladda  Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya. PM Nuur Cadde ayaa waxaa wafigiisa ka mid ahaa wasiirada Arrimaha Dibadda Cali Jaamac Jungle, Howlaha Guud iyo Dajinta, Nur Idow Byle, Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamed Cali Xaamud iyo Warfaafinta ahna PM ku-xigeenka Axmed Cabdisalaam Adan.

 

Marka laga soo tago hadallo soo dhaweyn ah oo ay shirka ka jeediyeen Wakiillada UN-ka iyo Bangiga Adduunka Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa shirka ka jeediyay warbixin ku saabsan Xaaladda Dalka Soomaaliya, wuxuuna soo hadal qaaday qorshe howleedyo u degsan dowladdiisa oo ay dooneyso inay wax uga qabato dhibaatada ka Soomaaliya

 

 

Wuxuu sheegay in ay Dowladdiisa ku dadaaleyso sidii ay wax uga qaban lahayd ammaanka Soomaaliya, inkastoo uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin ka heysta sidii ay nabadda u hanan lahayd, wuxuu kaloo sheegay in ay dhawaan Baarlamaanka horkeeni doonaan miisaaniyad ay dejisay Xukuumaddiisa, sidoo kalena wuxuu sheegay in ay tababareen wakiillo u howlgeli doona qaabkii canshuurta loo uruurin lahaa.

 

Waxaa halkaas khutbada xiisa leh ka jeediyry W/arrimaha Dibadda ee Kenya Hon. Moses Wetangula oo ugu horeyn  Ammaanay barnaamijka dowladda KMG iyo nabadeynta uu horkacayo PM Nuur Cadde, kadibna waxaa uu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan Xad dheer iyo Dano walaaltinimo iyo mid dhaqaale wuxuuna sheegay in dowladdiisu  ku tala jirto soo dadajin  dhismo Waddo isku xirta Gaarisa iyo Kismaayo si markaas Xamar iyo Nairobi uu ganacsigooda isugu xirmo. Wasiirka arrimah dibadda ee Kenya wuxuu intaa ku daray in dowladda KMG ah laga sugayo  sida dastuurka ku qoran, doorasho dhacda 2009 iyo waliba tirakoob doorasha ka horeysa. Wasiirka ayaa dowladda KMG ah ku martiqaaday in ay ciidamada iyo booliska Soomaaliyeed tababar ku qaadan karaan Xerooyinka Miltary iyo kuwa Booliska ee dalka Kenya.

 

Waxaa isna halkaas ka hadlay madaxweynihii hore ee Nigeria Nigeria General Olusegun Obasanjo oo sheegay  in Qaaradda Afrika ay ceeb weyn ku tahay in ay Soomaaliya  faraha ka laabtaan, wuxuuna  wax laga xumaado ku tilmaamay erayga Soomaaliya loo adeegsado ee ah "Failed State", intaas kadibna wuxuu codsaday in in mar kasta wada tashiga lagu daro Aqoonyahanada, Dumarka iyo Dhallinyarda Soomaaliyeed.

 

"Soomaaliya arrinteeda shir-shir waa ka tagtay ee wax la qabta haddii kale sanadka soo socda sidaan oo kale ayaa arrimaha Soomaaliya uga sheekeysan doonnaa:"ayuu yiri madaxweynihii hore ee Nigeria Nigeria General Olusegun Obasanjo oo sheegay  in Wadankiisa ay Ciidamo u direen Dalka Liberia, halkaasi oo ay joogeen ilaa uu wadankaas xasilooni ka helay uuna gaaray heer doorashooyin xor ah.

 

Sida qorshuhu yahay shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ku saabsan Nabadda iyo Dhaqaalaha  Soomaaliya, Maalgelinta Wadamada Afrika ee aan weli tabareysan, Shaqaaleynta Dhalinyarada, Shaqo abuurista iyo weliba Arrimo ku saabsan Bani'aadannimada.

 

Waxaa ka soo qeybgalay shirka Madaxweynihii hore ee Nigeria General Olusegun Obasanjo, Madaxweynihii hore ee Burundi Major Pierre Buyoya iyo Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Danjire Princeton Lyman. Sidoo kale kulanka ayaa wuxuu isu keeni doonaa ka qeybgalayaal ka socda Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, IGAD, Hoggaamiyayaal Ganacsato oo isugu jira kuwo Caalami ah iyo kuwo Soomaali ah, Diblumaasiyiin iyo weliba Khubarro ka faalooda Arrimaha Soomaaliya.

 

Ahmed Gure,Hiiraan Online

Windsor Hotel, Nairobi, Kenya