| |
Maraakiib Shisheeye oo lagu arkay Xeebta Magaalada Muqdisho
Arbaco, June 04, 2008(HOL): Maraakiib Shisheeye ayaa saaka waxay aad ugu soo dhawaadeen Xeebta Magaalada Muqdisho, iyadoo dad ku sugan Xeebaha Degmooyinka C/casiis, Shangaani iyo Xamarweyne ay arkeen Maraakiibtaas.
Dad ku sugan Xeebta Liido ayaa waxay sheegeen in Maraakiibtaas oo seddex ahaa ay ka babanayeen Calamada Mareykanka iyo Faransiiska, iyagoo intaas ku daray in Maraakiibtaas ay u jiheysnaayeen dhinaca Dekedda Muqdisho.
Lama oga in Markaakiibtan oo ah kuwo dagaal ay ka mid yihiin kuwo Xeebaha Soomaaliya u imaanaya in ay Burcad Badeedka la dagaalamaan iyo inay yihiin kuwo ilaalinayo Maraakiib Gargaar Mucaawino ah wada oo Dekedda Muqdisho ku xiran.
Dadkii arkay Maraakiibtan ayaa waxaa sheegeen in ay mararka qaarkood Maraakiibtaas ka dul kacayeen Diyaarado Helicopters, kuwaasi oo ugu muuqday kuwo Maraakiibta ilaalo ka hayay.
Maraakiibta saaka lagu arkay Xeebta Muqdisho ayaa waxay aragtidooda ku soo beegmeysaa iyadoo Isniintii aynu ka soo gudubnay uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyay qaraar ku saabsan in muddo lix bilood ah ay Xeebaha Soomaaliya ka howlgalaan Ciidamo Caalami ah, kuwaasi oo la dagaalami doona Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo Faransiis ah oo saarnaa Markab Dagaal ay ku soo degeen Xeebta Liido kadib muddo nus saac ah oo ay Xeebtaas joogeenna ay dib ugu noqdeen Markabkii ay ka soo degeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
Warbixin Shirka Jabuuti
04/06/2008 9:28 PM EST
Jabuuti (HOL) - Waxaa maanta halkiisii kasii socday kulankii fool kafoolka ahaa ee u dhexeeyay wafdiga dowaladda Soomaaliya iyo midka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya in kastoo ay Qaramada midoobay ugu yeerto kulankani Aqoon isweydaarsi.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|

|
|
 |
|
|
|
 |
Ottawa pressing Ethiopia on Canadian prisoner: MP
- Toronto Star
04/06/2008 11:07 PM EST
A Canadian citizen who has been imprisoned in Ethiopia for 18 months without being formally charged is being treated humanely and is in "good health", says the parliamentary secretary to Canada's Minister of Foreign Affairs, who was in Ethiopia earlier this year.
|
Alliance of Re-liberation of Somalia Walk Out of Djibouti Conference
- HOL
04/06/2008 9:48 PM EST
Djibouti (HOL) - Representatives from the ICU walked out of a discussion session with TFG facilitated by the UN after the Ethiopian Ambassador in Djibouti walked in. The session was taking place at the Djibouti National Hall of Djibouti. At the time UN Security Council representatives were giving presentations to members of the TFG and ICU.
|
Refugees farming Burlington plots
- AP
04/06/2008 8:37 AM EST
BURLINGTON, Vt. (AP) - Twenty-seven families of African refugees are going to be farming plots in Burlington's intervale this summer.
|
Red Cross ramps up Somalia aid efforts
- AFP
04/06/2008 8:33 AM EST
Geneva, Switzerland (AFP) - The international Red Cross said on Wednesday it plans to distribute food and relief aid to half-a-million Somalis in the coming weeks amid warnings the country faces its worst crisis for a decade.
|
Somalia in Worst Crisis in 10 Years
- Time
04/06/2008 8:29 AM EST
NAIROBI, Kenya (TIME) — Somalia is facing its worst humanitarian crisis in a decade, and the situation is deteriorating, an international aid agency said Wednesday.
|
Kenyan authorities hold five suspects over attack
- Xinhua
04/06/2008 8:19 AM EST
NAIROBI, June 4 (Xinhua) -- The Kenyan authorities said on Wednesday they are holding five suspects who were arrested over last Saturday's attack at a police station near the Kenyan-Somali border
|
Cabdulaahi Axmed Jamac (Ilkajiir): Musharax Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland
- HOL
04/06/2008 12:47 AM EST
Ruux waliba inta uu hamigiisu gaarsiisanyahay ayuu hantiyaa, hadaan dedaalkiisu hagran. Hogaankuna waa tayada iyo toosinta iyo saamayn ku yeelashada bulshada weynta guud. Waa awood, xirfad, haybad, iyo aqoon loo hibeeyo hanaan-wadaha wanaagsan ee umada horkaca.
|
|
| |
| |
Contact : webmaster@hiiraan.com |
 |
| |
|
|