World Remit
 
February-12-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Arbaco, Jun 4 , 2008

 

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo cambaareeyay dilkii Muqdisho loogu geystay Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir  


Arbaco, June 04, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maanta Shir jaraa’id qadka Taleefoonka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu cambaareeyay dilkii shalay Muqdisho loogu geystay Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Marxuum Cabaas Maxamed Ducaale.

“Waxaan uga tacsiyeyneynaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Midowga  Ganacsatada Gobolka Banaadir dilkii loo geystay Walaalkeen Cabaas Maxamed Ducaale, Alle ayaa oofsaday, laakin waxaan muujineynaa in ka xun nahay dilkii loo geystay”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) waxaa uu sheegay in wixii dilay uu Alle ogyahay balse ay tuhmayaan in ay dileen sida uu u yiri cadawga Umadda Soomaaliyeed, “Shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay arrintaas ka feejignaadaan, isla markaana ay ilaaliyaan Dad wax-galka ah”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Sidoo kalena, Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo isna tacsi u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka geeriyooday Cabaas Maxamed Ducaale ayaa sheegay in dilka marxuumka ay ka dambeeyeen wax uu ugu yeeray cadawga dalka qabsaday iyo kuwa daba-dhilifka u ah, kuwaasi oo uu sheegay in ay horay dilal u geysan jireen.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo sheegay in Dadkii ka dambeeyay dilka Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale  baaritaan lagu sameyn doono, haddii la soo helana sharciga la hor-geyn doono , “Indhaha ayay naga rideen kuwii dilay Cabaas Maxamed Ducaale, waxaanse leenahay Alle ha u naxariisto Jannadiina Alle haka waraabiyo”ayuu yiri Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere).

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia




Warbixin Shirka Jabuuti
04/06/2008 9:28 PM EST

Jabuuti (HOL) - Waxaa maanta halkiisii kasii socday kulankii fool kafoolka ahaa ee u dhexeeyay wafdiga dowaladda Soomaaliya iyo midka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya in kastoo ay Qaramada midoobay ugu yeerto kulankani Aqoon isweydaarsi.
Maraakiib Shisheeye oo lagu arkay Xeebta Magaalada Muqdisho
04/06/2008 8:12 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Maraakiib Shisheeye ayaa saaka waxay aad ugu soo dhawaadeen Xeebta Magaalada Muqdisho, iyadoo dad ku sugan Xeebaha Degmooyinka C/casiis, Shangaani iyo Xamarweyne ay arkeen Maraakiibtaas.
Ganacsatada G/Hiiraan oo wax laga xumaado ku tilmaamtay eedeyn uu dhawaan u soo jeediyay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
04/06/2008 8:09 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Kadib markii dhawaan Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagaweyne uu ka sheegay qalabka warbaahinta in dhibaatada amni xumo ee ka taagan Gobalka Hiiraan ay ka danbeeyaan Ganagsatada Gobalka, ayaa waxaa arintaa siweyn uga xumaaday qaar ka mid ah Ganacsatada oo warkaasi ku tilmaamay mid aan loo fiirsan islamarkaana dhaawacaya wada shaqeyn dhaxmarta Maamulka cusub iyo Ganacsatada.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo tegay Madasha Shirka Jibouti, sheegayna in uu xoojinayo Wadad Hadallada
04/06/2008 7:29 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Waxaa saaka gaaray Magaalada Djibouti Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), kaasi oo saaka aroortii ka dhoogay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka baxday Seminaar ka socday Guriga Umadda Jibouti (Sababtu Maxay tahay?)
04/06/2008 7:04 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Ergooyinka Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya uga qeybgelaya wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee Jibouti ka socda ayaa waxay ka baxeen Hoolka Guriga Umadda Jibouti, kadib markii uu Hoolka shirka soo galay Safiirka Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti.

 
Ottawa pressing Ethiopia on Canadian prisoner: MP  -Toronto Star  

04/06/2008 11:07 PM EST  
A Canadian citizen who has been imprisoned in Ethiopia for 18 months without being formally charged is being treated humanely and is in "good health", says the parliamentary secretary to Canada's Minister of Foreign Affairs, who was in Ethiopia earlier this year.

Alliance of Re-liberation of Somalia Walk Out of Djibouti Conference  -HOL  

04/06/2008 9:48 PM EST  
Djibouti (HOL) - Representatives from the ICU walked out of a discussion session with TFG facilitated by the UN after the Ethiopian Ambassador in Djibouti walked in. The session was taking place at the Djibouti National Hall of Djibouti. At the time UN Security Council representatives were giving presentations to members of the TFG and ICU.

Refugees farming Burlington plots  -AP  

04/06/2008 8:37 AM EST  
BURLINGTON, Vt. (AP) - Twenty-seven families of African refugees are going to be farming plots in Burlington's intervale this summer.

Red Cross ramps up Somalia aid efforts  -AFP  

04/06/2008 8:33 AM EST  
Geneva, Switzerland (AFP) - The international Red Cross said on Wednesday it plans to distribute food and relief aid to half-a-million Somalis in the coming weeks amid warnings the country faces its worst crisis for a decade.

Somalia in Worst Crisis in 10 Years  -Time  

04/06/2008 8:29 AM EST  
NAIROBI, Kenya (TIME) — Somalia is facing its worst humanitarian crisis in a decade, and the situation is deteriorating, an international aid agency said Wednesday.

Kenyan authorities hold five suspects over attack  -Xinhua  

04/06/2008 8:19 AM EST  
NAIROBI, June 4 (Xinhua) -- The Kenyan authorities said on Wednesday they are holding five suspects who were arrested over last Saturday's attack at a police station near the Kenyan-Somali border

Cabdulaahi Axmed Jamac (Ilkajiir): Musharax Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland  -HOL  

04/06/2008 12:47 AM EST  
Ruux waliba inta uu hamigiisu gaarsiisanyahay ayuu hantiyaa, hadaan dedaalkiisu hagran. Hogaankuna waa tayada iyo toosinta iyo saamayn ku yeelashada bulshada weynta guud. Waa awood, xirfad, haybad, iyo aqoon loo hibeeyo hanaan-wadaha wanaagsan ee umada horkaca.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com