SomaliVOA
 
February-12-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Arbaco, Jun 4 , 2008

 

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo tegay Madasha Shirka Jibouti, sheegayna in uu xoojinayo Wadad Hadallada  


Arbaco, June 04, 2008(HOL): Waxaa saaka gaaray Magaalada Djibouti Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), kaasi oo saaka aroortii ka dhoogay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa la dejiyay Hotelka Kempiski ee ay wada degan yihiin Ergooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, haalkasi oo uu haatan ku sugan yahay.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in uu Ra’iisal Wasaaraha kulamo gooni gooni kula yeeshay Hotelka Kempiski Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, walow wararkaas ay yihiin kuwo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo hadal kooban siiyay Warbaahinta Dalka Jibouti ayaa wuxuu sheegay in uu tegay Jibouti in uu xoojiyo wada hadallada xalka loogu raadinayo Mushkiladda Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ergada Dowladda Federaalka uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan Xaaji Aadan.

Horay waxaa Dalka Jibouti u gaaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo halkaas kula soo kulmay Safiirro ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu madax ka yahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la rumeysan yahay in markii la soo magacaabay kadib ay la timid dadaallo mushkiladda Soomaaliya  xal loogu raadinayo, iyadoo loo marayo qaab dib u heshiisiin iyo wada hadal ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia




Warbixin Shirka Jabuuti
04/06/2008 9:28 PM EST

Jabuuti (HOL) - Waxaa maanta halkiisii kasii socday kulankii fool kafoolka ahaa ee u dhexeeyay wafdiga dowaladda Soomaaliya iyo midka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya in kastoo ay Qaramada midoobay ugu yeerto kulankani Aqoon isweydaarsi.
Maraakiib Shisheeye oo lagu arkay Xeebta Magaalada Muqdisho
04/06/2008 8:12 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Maraakiib Shisheeye ayaa saaka waxay aad ugu soo dhawaadeen Xeebta Magaalada Muqdisho, iyadoo dad ku sugan Xeebaha Degmooyinka C/casiis, Shangaani iyo Xamarweyne ay arkeen Maraakiibtaas.
Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo cambaareeyay dilkii Muqdisho loogu geystay Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir
04/06/2008 8:10 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maanta Shir jaraa’id qadka Taleefoonka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu cambaareeyay dilkii shalay Muqdisho loogu geystay Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Marxuum Cabaas Maxamed Ducaale.
Ganacsatada G/Hiiraan oo wax laga xumaado ku tilmaamtay eedeyn uu dhawaan u soo jeediyay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
04/06/2008 8:09 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Kadib markii dhawaan Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagaweyne uu ka sheegay qalabka warbaahinta in dhibaatada amni xumo ee ka taagan Gobalka Hiiraan ay ka danbeeyaan Ganagsatada Gobalka, ayaa waxaa arintaa siweyn uga xumaaday qaar ka mid ah Ganacsatada oo warkaasi ku tilmaamay mid aan loo fiirsan islamarkaana dhaawacaya wada shaqeyn dhaxmarta Maamulka cusub iyo Ganacsatada.
Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka baxday Seminaar ka socday Guriga Umadda Jibouti (Sababtu Maxay tahay?)
04/06/2008 7:04 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Ergooyinka Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya uga qeybgelaya wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee Jibouti ka socda ayaa waxay ka baxeen Hoolka Guriga Umadda Jibouti, kadib markii uu Hoolka shirka soo galay Safiirka Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti.

 
Ottawa pressing Ethiopia on Canadian prisoner: MP  -Toronto Star  

04/06/2008 11:07 PM EST  
A Canadian citizen who has been imprisoned in Ethiopia for 18 months without being formally charged is being treated humanely and is in "good health", says the parliamentary secretary to Canada's Minister of Foreign Affairs, who was in Ethiopia earlier this year.

Alliance of Re-liberation of Somalia Walk Out of Djibouti Conference  -HOL  

04/06/2008 9:48 PM EST  
Djibouti (HOL) - Representatives from the ICU walked out of a discussion session with TFG facilitated by the UN after the Ethiopian Ambassador in Djibouti walked in. The session was taking place at the Djibouti National Hall of Djibouti. At the time UN Security Council representatives were giving presentations to members of the TFG and ICU.

Refugees farming Burlington plots  -AP  

04/06/2008 8:37 AM EST  
BURLINGTON, Vt. (AP) - Twenty-seven families of African refugees are going to be farming plots in Burlington's intervale this summer.

Red Cross ramps up Somalia aid efforts  -AFP  

04/06/2008 8:33 AM EST  
Geneva, Switzerland (AFP) - The international Red Cross said on Wednesday it plans to distribute food and relief aid to half-a-million Somalis in the coming weeks amid warnings the country faces its worst crisis for a decade.

Somalia in Worst Crisis in 10 Years  -Time  

04/06/2008 8:29 AM EST  
NAIROBI, Kenya (TIME) — Somalia is facing its worst humanitarian crisis in a decade, and the situation is deteriorating, an international aid agency said Wednesday.

Kenyan authorities hold five suspects over attack  -Xinhua  

04/06/2008 8:19 AM EST  
NAIROBI, June 4 (Xinhua) -- The Kenyan authorities said on Wednesday they are holding five suspects who were arrested over last Saturday's attack at a police station near the Kenyan-Somali border

Cabdulaahi Axmed Jamac (Ilkajiir): Musharax Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland  -HOL  

04/06/2008 12:47 AM EST  
Ruux waliba inta uu hamigiisu gaarsiisanyahay ayuu hantiyaa, hadaan dedaalkiisu hagran. Hogaankuna waa tayada iyo toosinta iyo saamayn ku yeelashada bulshada weynta guud. Waa awood, xirfad, haybad, iyo aqoon loo hibeeyo hanaan-wadaha wanaagsan ee umada horkaca.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com