SomaliVOA
 
February-12-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Arbaco, Jun 4 , 2008

 

Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka baxday Seminaar ka socday Guriga Umadda Jibouti (Sababtu Maxay tahay?)  


Arbaco, June 04, 2008(HOL): Ergooyinka Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya uga qeybgelaya wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee Jibouti ka socda ayaa waxay ka baxeen Hoolka Guriga Umadda Jibouti, kadib markii uu Hoolka shirka soo galay Safiirka Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti.

Ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo dhegeysanayay Khudbooyin ay u jeedinayeen wakiillo ka socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa Hoolka shirka soo galay Safiirka Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti, waxayna kadib Ergada Isbaheysiga ka codsadeen Wakiilladii Qaramada Midoobay ka joogay Shirka, iyadoo kadibna uu Safiirka ku adkeystay in uusan bixin.

Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ah Ergooyinka Isbaheysiga Dib u xoreynta uga qeybgelaya wada hadallada ayaa sheegay in markii uu Safiirka Itoobiya diiday in uu Hoolka ka baxo ay iyaguna madashii ka tageen, iyagoo diidayay in uu goob-joog ka ahaado Wada hadallada u socday Ergooyinka Soomaalida.

“Waxaan diidnay in aan meel isla fadhinno Safiir ka socda Itoobiya oo Taangiyadeeda iyo Ciidamadeeda ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, shirkana sidaas ayaan uga soo baxnay”ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble oo sheegay in uusan kala ogeyn in uu meesha ku yimid Safiirka Itoobiya casuumaad ay Qaramada Midoobay u fidisay iyo in uu iskiis isaga yimid.

Waxaa socda dadaallo diblumaasiyadeed oo Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta lagu qancinayo, isla markaana lagu sii amba qaadayo Seminaarka labada dhinac u socday , walow Afhayeenka Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta oo lagu magacaabo Daahir MAxamuud Geelle uu sheegay in aysan hor-fariisaneynin Safiir ay Ciidamada Dalkiisa dileen Shacab badan oo Soomaaliyeed, sidoo kalena ay barakiciyeen Dad kale oo aad u badan.

Saaka ayay ahayd markii ugu horeysay oo ay Qaramada Midoobay ku guuleysato  in ay meel isugu keento Ergooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, waxaana kulankii oo socda soo galay Safiirka Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti, kaasi oo sababay in  uu hakado seminaarkii labada dhinac u socday

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia




Warbixin Shirka Jabuuti
04/06/2008 9:28 PM EST

Jabuuti (HOL) - Waxaa maanta halkiisii kasii socday kulankii fool kafoolka ahaa ee u dhexeeyay wafdiga dowaladda Soomaaliya iyo midka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya in kastoo ay Qaramada midoobay ugu yeerto kulankani Aqoon isweydaarsi.
Maraakiib Shisheeye oo lagu arkay Xeebta Magaalada Muqdisho
04/06/2008 8:12 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Maraakiib Shisheeye ayaa saaka waxay aad ugu soo dhawaadeen Xeebta Magaalada Muqdisho, iyadoo dad ku sugan Xeebaha Degmooyinka C/casiis, Shangaani iyo Xamarweyne ay arkeen Maraakiibtaas.
Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo cambaareeyay dilkii Muqdisho loogu geystay Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir
04/06/2008 8:10 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maanta Shir jaraa’id qadka Taleefoonka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu cambaareeyay dilkii shalay Muqdisho loogu geystay Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Marxuum Cabaas Maxamed Ducaale.
Ganacsatada G/Hiiraan oo wax laga xumaado ku tilmaamtay eedeyn uu dhawaan u soo jeediyay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
04/06/2008 8:09 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Kadib markii dhawaan Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagaweyne uu ka sheegay qalabka warbaahinta in dhibaatada amni xumo ee ka taagan Gobalka Hiiraan ay ka danbeeyaan Ganagsatada Gobalka, ayaa waxaa arintaa siweyn uga xumaaday qaar ka mid ah Ganacsatada oo warkaasi ku tilmaamay mid aan loo fiirsan islamarkaana dhaawacaya wada shaqeyn dhaxmarta Maamulka cusub iyo Ganacsatada.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo tegay Madasha Shirka Jibouti, sheegayna in uu xoojinayo Wadad Hadallada
04/06/2008 7:29 AM EST

Arbaco, June 04, 2008(HOL): Waxaa saaka gaaray Magaalada Djibouti Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), kaasi oo saaka aroortii ka dhoogay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 
Ottawa pressing Ethiopia on Canadian prisoner: MP  -Toronto Star  

04/06/2008 11:07 PM EST  
A Canadian citizen who has been imprisoned in Ethiopia for 18 months without being formally charged is being treated humanely and is in "good health", says the parliamentary secretary to Canada's Minister of Foreign Affairs, who was in Ethiopia earlier this year.

Alliance of Re-liberation of Somalia Walk Out of Djibouti Conference  -HOL  

04/06/2008 9:48 PM EST  
Djibouti (HOL) - Representatives from the ICU walked out of a discussion session with TFG facilitated by the UN after the Ethiopian Ambassador in Djibouti walked in. The session was taking place at the Djibouti National Hall of Djibouti. At the time UN Security Council representatives were giving presentations to members of the TFG and ICU.

Refugees farming Burlington plots  -AP  

04/06/2008 8:37 AM EST  
BURLINGTON, Vt. (AP) - Twenty-seven families of African refugees are going to be farming plots in Burlington's intervale this summer.

Red Cross ramps up Somalia aid efforts  -AFP  

04/06/2008 8:33 AM EST  
Geneva, Switzerland (AFP) - The international Red Cross said on Wednesday it plans to distribute food and relief aid to half-a-million Somalis in the coming weeks amid warnings the country faces its worst crisis for a decade.

Somalia in Worst Crisis in 10 Years  -Time  

04/06/2008 8:29 AM EST  
NAIROBI, Kenya (TIME) — Somalia is facing its worst humanitarian crisis in a decade, and the situation is deteriorating, an international aid agency said Wednesday.

Kenyan authorities hold five suspects over attack  -Xinhua  

04/06/2008 8:19 AM EST  
NAIROBI, June 4 (Xinhua) -- The Kenyan authorities said on Wednesday they are holding five suspects who were arrested over last Saturday's attack at a police station near the Kenyan-Somali border

Cabdulaahi Axmed Jamac (Ilkajiir): Musharax Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland  -HOL  

04/06/2008 12:47 AM EST  
Ruux waliba inta uu hamigiisu gaarsiisanyahay ayuu hantiyaa, hadaan dedaalkiisu hagran. Hogaankuna waa tayada iyo toosinta iyo saamayn ku yeelashada bulshada weynta guud. Waa awood, xirfad, haybad, iyo aqoon loo hibeeyo hanaan-wadaha wanaagsan ee umada horkaca.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com