|
|
Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo si axmaqnimo ah u garaacay Weriye
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Qaar ka tirsan Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa shalay duhurkii siday u garaacayeen dhulka ugu tuuray Wariye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, kaasoo xiligaas oo uu baxayay Madaxweyne Rayaale, halkaas u tagay gudashada waajibaad shaqo oo la xidhiidhay safarka Madaxweynaha.
“Waxaan idiin sheegayaa hadaad tihiin saxaafadda, in aanu jirin wax hadal ah (war ah) oo uu bixinayo Madaxweynuhu, maxaa yeelay safarkani waxa weeye mid deg deg ah oo Madaxweynuhu si lama filaan ah ayuu marti-qaad uga helay dawladda Jabuuti, keliya waxa laydiin ogol yahay inaad sawiro qaadataan oo qofkii u baahani sawir wuu qaadan karaa. waxaana jiri doona Warsaxaafadeed aanu emaila-diina idiinku soo diri doono.” Sidaas waxaa ku wargeliyay wariyayaasha afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge. Ka hor intii aanu Madaxweynuhu ka bixin Madaxtooyada ee diyaar-garawga amba bixiisu socday, waxaa dhismaha Madaxtooyada hortiisa isa soo dhoobay koox haween oo la horyimi halkaas cabasho la xidhiidha gunooyin ay sheegeen inay wasaarada daakhiligu siin jirtay, balse ay ku doodeen inaan la siin dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay. Sidaa aawadeed qaybo ka mid ahaa wariyayaashii Madaxtooyada joogay ayaa dareenkoodu u jeestay haweenkaa cabanayay. Islamarkaana sawiro iyo xog-waraysiyo la xidhiidhay cabashadooda ayay ka qaadeen. Saacadu intaa way Is riixaysay, waxaana la gaadhay xiligii waftiga Madaxweynuhu ka baxayay Madaxtooyada. Mar kale, ayay wariyayaashu u dhaqaaqeen sawir qaadasho waftiga Madaxweynaha.
Ma jirin dhibaato ay wariyayaashu u geysteen ilaalada madaxtooyada, hase ahaatee, sabab la’aan waxay u egtahay inay mar kale soo celiyeen dhaqamadii xumaa ee astaanta u ahaa ilaalada hogaamiyayaasha kali-taliska ah. “Waxay soo tureen wariye ka socday wargeyska Saxansaxo oo aanu isku xignay. Naga daaya markii aan idhina, Mar kaliya ayaa labada indhood waxba ka arki waayay ka dib markii uu Dhirbaaxo xoog leh oo aanan ogayn inay igu soo maqan-tahay uu wajiga igaga dhuftay, mid ka mid ah ilaaladu.” Sidaa waxaa yidhi wariye Cabdifataax.
Xiligaa wariyuhu wuxuu ka qaadayay sawiro waftiga Madaxweynaha oo markaa soo baxayay, laakiin, waxaa ku dhacay waxaanu filayn. Waa dabeecadda Ilaalada Madaxtooyada inay mar kaliya Askartu isugu tagaan qofka, iyagoon eegin ama aan is weydiinin qofku muxuu sameeyay. Tani waa dhaqan jaahilnimo oo aanu lahayn Askariga Anshax ahaan iyo aqoon ahaanba u dhisan ilaalinta xuquuqda dadku. Kani wuxuu garanayaa oo kaliya qofka uu ilaalinayo, xitaa ma garanayo ciqaabta uu ka mudan doono falalka noocan oo kale ah, marka uu caddaalada soo hor-maro. “Annigoo dhirbaaxadii la dawakhay, ayaa waxaa ii xigtay inay wadda jir dhawr Askari laad iyo qori dabadii iigu garaacaan, ilaa aan dhulka ku dhacay.” Ayuu yidhi wariye Cabdi-fataax.
Garaacistaa aan loo miidaan deyin ee Askartu gaysatay, waxaa ka soo gaadhay wariyaha dhaawacyo kala duwan, kuwaasoo ka gaadhay feedhaha, dhabarka, lugaha, balse waxa dhaawaca ugu weyni ka gaadhay gacanta bidix. Dhamaanba qalabkii uu wariyuhu sitay ee ku hawl-galayay oo ka daatay-na waxa bururiyay Askartaa ku tumatay.
Falkaa ay Askarta Ilaalada madaxtooyadu kula kaceen wariyaha waxa ka xumaaday oo ku qayliyay qaar badan oo ka mid ahaa dadkii marayay dariiqa madaxtooyada hor mara wakhtigaa. “Waar ka daaya!!! Maxaa Weriyaha lagu dilayaa. Meesha ma waxa laydiin dhigay inaydun weriyeyaasha aan waxba galabsan cadaalad-darro ku laysaan? Hadday sinaan iyo cadaaladi jirto waa in wax laga qabto oo sharci la mariyo Labadan Askari ee Weriyaha sida arxan darada ah u garaacay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa dadkii gaadiidka wadada ku marayay oo intuu gaadhigiisii Baarkinka dhigay ka soo dagay.
Haweenkii cabashada la hortaagnaa madaxtooyada ayaa iyana ku qayliyay askartii falkaa samaysay. “Waanu arkaynay oo si bilaa naxariis ah ayaa loo garaacay Weriyaha, dadka xaq-darada lagu laynayaana wax kale maaha ee waa anaa dirays xidhan oo kaa xoog roon.” Sidaa waxa tidhi Hooyo ka mid ahayd haweenkaa cabashada la hortaagnaa Madaxtooyada.
Iyadoo uu falkaa wariyaha lagula kacay uu weli socdo ayaa gaadiidkii Madaxweynaha siday ku soo beegmay oo madaxtooyada ka soo baxay.
Wariyahan Ogaal ka tirsani maaha kii ugu horeeyay ee Ilaalada Madaxtooyadu sidaa ulla dhaqanto, balse waxaa jiray wariyayaal tiro badan oo ka hawl-gala saxaafada madaxa banaan oo sidan oo kale ay ula dhaqmeen. Laakiin, waxa lagu tilmaami karaa falkan shalay Axmaq-nimadii ugu weynayd.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeysa, Somaliland
 |
 |
 |
|
|
|
6/23/2008 10:27 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Saakay Aroornimadii ayaa lagu waabaristey Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Booliska Dalkan South Africa iyo Koox Tuugo ah oo ku hubeysnaa Bistoolado.
Dagaalkan ayaa socdey qadar daqiiqo ah oo xabado la is-dhaf saday. Kooxdan Burcadda ah oo watay 2 gaari ayaysan u suura galin in ay fakadaan maadaama ay Policeku u yerteen Ciidamo Gurmad ah iyo Diyaaradaha Helicopters-ka. |
|
|
6/23/2008 10:14 AM EST
|
|
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ku-simaha Madaxweynaha Somalilnad ,ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku dhaqangelinayo lifaaqa wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka ee xeerka Lambar 37/2007, oo toddobaadkan gudihiisa ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland. |
|
|
6/23/2008 9:54 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu weeraray Madaafiic Hoobiyayaal ah, kuwaasi oo ay qaarkood gudaha u galeen Garoonka. |
|
|
6/23/2008 5:52 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hoggaamiye sare oo ka tirsan Ururka Al-Qaacidda ayaa ugu baaqay Xoogagga Dagaalka kala soo horjeeda CIidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya in ay dagaalka sii wadaan, ilaa ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya la dhiso Dowlad Islaami ah. |
|
|
6/23/2008 5:52 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero UNHCR ayaa waxay dalbatay in si shuruud la'aan loo sii daayo Sarkaal u shaqeynayay oo qaabilsan Xafiiskeeda Muqdisho. |
|
|
6/23/2008 5:51 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Xaafadda Buulo-Jaan ee ku taala Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa habeenki xalay ahaa waxaa ka dhacay dil aan horay loo arag, kaasi oo loo adeegsaday Fallaaro, waxaana dilkaas loo geystay Nin caan ka ahaa Magaaladaas. |
|
|
6/23/2008 5:50 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hal Ruux ayaa geeriyooday Afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Shineemo ay ku jireen oo ku taala Magaalada Marka lagu tuuray Bambo Gacmeed. |
|
|
6/23/2008 5:49 AM EST
|
|
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta socdaal aan hore loo sii shaacin ugu kicitimay Dalka Jabuuti. |
|
|
6/23/2008 5:48 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Qoraal ah oo ay si weda jir ah ay u soo saareen Hay'addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa ka shaqeeya Samafalka ayaa siweyn loogu canbaareeyay dilkii maalintii shalay kooxo hubeysan u geysteen Madaxii Xaruta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe Eng. Max'ed Xasan Kulmiye oo maanta lagu aasay duleedka Magaalada Beledweyne. |
|
|
6/23/2008 5:47 AM EST
|
|
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ardayda Jaamacada Hargeysa ayaa is-hortaagay Munaasibad la doonayay in lagu xuso Maalinta Muusigga Adduunka oo loo qoondeeyay in lagu qabto Hool Jaamacadda Hargeysa.
Munaasibaddan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa baaqatay ka dib markii ay Ardayda Jaamacaddu Isu-soo bax salmi ah oo ka dhacay isla Jaamacadda Hargeysa ku hor-joogsadeen Xuskan. Iyaga oo ardaydu rafacay ama guray Kuraastii Hoolka Jaamacadda, isla markaana fujiyay Sawiradii loogu talo galay Munaasibaddan. “Waxaanu diidanahay oo aanu ka soo horjeednaa wixii dhaqankeena iyo diinteena ka soo horjeeda. |
|
|
|
 |
 |
 |
|
|
6/23/2008 3:23 PM EST
|
|
On the second day following the abduction of Mr Hassan Mohamed Ali ‘Keynan’, the UN Resident Humanitarian Coordinator for Somalia calls for his immediate and safe release. |
|
|
6/23/2008 12:12 PM EST
|
|
Mogadishu, Somalia (HOL) - A senior Al-Qaeda officern has called upon the forces that are opposed to the Transitional Federal Government (TFG) and the presence of Ethiopian troops in Somalia to continue their struggle until Ethiopian troops withdraw from Somalia and an Islamic government is set up in Somalia. |
|
|
6/23/2008 11:52 AM EST
|
|
Mogadishu, Somalia (HOL) - Adam Ade International Airport in Mogadishu has come under heavy mortar shelling today. Some of the shelling landed inside the airport while several others landed nearby areas such as the former Mogadishu Technical School. So far one person has died and four other were wounded as a result of the shelling. |
|
|
6/23/2008 11:45 AM EST
|
|
CAIRO, Egypt (AP) - An al - Qaida spokesman has urged militants in Somalia to fight a United Nations peacekeeping force slated to be deployed there. |
|
|
6/23/2008 11:41 AM EST
|
|
SANA'A, June 23 (Saba)- President Ali Abdullah Saleh received on Monday a letter from Somali President Abdullah Yosuf on current situation in Somalia and efforts of reconciliation among Somalia factions as well as bilateral relations between the tow countries. |
|
|
6/23/2008 11:33 AM EST
|
|
TALL tales come from men of all sizes. But this man's horrific stories have to be heard to be believed. Hussein Bassad, who is the second tallest man in the world at 7ft 8.9ins, was in Swindon to promote a National Refugee Week event at Swindon's Pilgrim Centre.
|
|
|
6/23/2008 11:26 AM EST
|
|
Hargeisa (QARAN) - Ahmed Mohamed Hassan, a former Somalia Air Force pilot who refused an order to bomb the civilian residents of Hargeisa in 1988 and instead decided to defect to Djibouti returned to Hargeisa after 20 years overseas. The following are excerpts of an interview Ahmed Mohamed gave to Ogaal newspaper recently whilst staying at Imperial Hotel in Hargeisa. |
|
|
|