Wararka Maanta- Isniin, Jun 23, 2008


Hoggaamiye sare oo Ururka Al-Qaacidda ka tirsan oo ugu baaqay Xoogagga dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya in ay dagaalka sii wadaan

Isniin, June 23, 2008(HOL): Hoggaamiye sare oo ka tirsan Ururka Al-Qaacidda ayaa ugu baaqay Xoogagga Dagaalka kala soo horjeeda CIidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya in ay dagaalka sii wadaan, ilaa ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya la dhiso Dowlad Islaami ah.

"Ha aqbalina wax aan ka ahayn in Dalka Soomaaliya ay ka hirgasho Dowlad Islaami ah oo madax-bannaan, hana aqoonsanina sharcinimada shuruucda Caalamka"ayuu yiri Abu Yahya Al-Libi.

Hoggaamiyahan oo lagu magacaabo Abu Yahya Al-Libi oo Cajalad Video ah soo dhigay mid ka mid ah Website-yada taageerada Ururka Al-Qaacidda ayaa wuxuu ammaanay Wadaado ka soo horjeestay heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku wada saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kaasi oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in ay Ciidamada Itoobiya SOomaaliya uga baxaan muddo 120 maalmood ah iyo in xabadda la joojiyo.

"Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee SOomaaliya iyo in lagu bedelo Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika ama magac kasta oo loo bixiyo Ciidamadaas waxba kama bedeli doonaan xaaladda SOomaaliya"ayuu yiri Abu Yahya Al-Libi.

Heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxaa ka soo horjeestay Hoggaamiyayaal ka tirsan Maxkamadihii Islaamka oo kala ah Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Turki) iyo Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, waxayna sheegeen in uusan heshiiskaas xal u keeni karin Soomaaliya.

ilaa iyo horaantii sanadkii 2007 Xoogagga Muqaawamada waxay maalin kasta ku qaadaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya Weerarro u qaabeysan sida kuwa Ciraaq ka socda ee u dhaxeeya Xoogag wax iska caabin ah iyo Ciidamada Isbaheystay ee uu Mareykanka hoggaamiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo si axmaqnimo ah u garaacay Weriye

6/23/2008 10:28 AM EST
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Qaar ka tirsan Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa shalay duhurkii siday u garaacayeen dhulka ugu tuuray Wariye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, kaasoo xiligaas oo uu baxayay Madaxweyne Rayaale, halkaas u tagay gudashada waajibaad shaqo oo la xidhiidhay safarka Madaxweynaha.

Dagaal dhaxmaray Police iyo Burcad South African ah oo ka dhacay Xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Mayfair

6/23/2008 10:27 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Saakay Aroornimadii ayaa lagu waabaristey Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Booliska Dalkan South Africa iyo Koox Tuugo ah oo ku hubeysnaa Bistoolado. Dagaalkan ayaa socdey qadar daqiiqo ah oo xabado la is-dhaf saday. Kooxdan Burcadda ah oo watay 2 gaari ayaysan u suura galin in ay fakadaan maadaama ay Policeku u yerteen Ciidamo Gurmad ah iyo Diyaaradaha Helicopters-ka.

Digreeto uu soo saaray ku-simaha Madaxweynaha Somaliland

6/23/2008 10:14 AM EST
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ku-simaha Madaxweynaha Somalilnad ,ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku dhaqangelinayo lifaaqa wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka ee xeerka Lambar 37/2007, oo toddobaadkan gudihiisa ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland.

Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

6/23/2008 9:54 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu weeraray Madaafiic Hoobiyayaal ah, kuwaasi oo ay qaarkood gudaha u galeen Garoonka.

Hay'adda UNHCR oo dalbatay in la sii daayo Sarkaalka u shaqeynayay oo habeen hore la af-duubtay

6/23/2008 5:52 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero UNHCR ayaa waxay dalbatay in si shuruud la'aan loo sii daayo Sarkaal u shaqeynayay oo qaabilsan Xafiiskeeda Muqdisho.

Nin Fallaaro ku hubeysay oo xalay Nin Rayid ah ku dilay Magaalada Marka

6/23/2008 5:51 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Xaafadda Buulo-Jaan ee ku taala Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa habeenki xalay ahaa waxaa ka dhacay dil aan horay loo arag, kaasi oo loo adeegsaday Fallaaro, waxaana dilkaas loo geystay Nin caan ka ahaa Magaaladaas.

Bambo gacmeed lagu tuuray Shineemo ku taala Magaalada Baydhabo oo dhimasho iyo dhaawac sababtay

6/23/2008 5:50 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hal Ruux ayaa geeriyooday Afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Shineemo ay ku jireen oo ku taala Magaalada Marka lagu tuuray Bambo Gacmeed.

Madaxweyne Rayaale oo safar kedis ah ugu kicitimay Jabuuti

6/23/2008 5:49 AM EST
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta socdaal aan hore loo sii shaacin ugu kicitimay Dalka Jabuuti.

Canbaareyn loo jeediyay kooxihii ka danbeeyay dilkii Magaalada Beledweyne loogu geystay Madaxii Xarunta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe.

6/23/2008 5:48 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Qoraal ah oo ay si weda jir ah ay u soo saareen Hay'addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa ka shaqeeya Samafalka ayaa siweyn loogu canbaareeyay dilkii maalintii shalay kooxo hubeysan u geysteen Madaxii Xaruta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe Eng. Max'ed Xasan Kulmiye oo maanta lagu aasay duleedka Magaalada Beledweyne.

Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo is-hortaagay Xuska Maalinta Muusigga Adduunka ee Somaliland

6/23/2008 5:47 AM EST
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ardayda Jaamacada Hargeysa ayaa is-hortaagay Munaasibad la doonayay in lagu xuso Maalinta Muusigga Adduunka oo loo qoondeeyay in lagu qabto Hool Jaamacadda Hargeysa. Munaasibaddan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa baaqatay ka dib markii ay Ardayda Jaamacaddu Isu-soo bax salmi ah oo ka dhacay isla Jaamacadda Hargeysa ku hor-joogsadeen Xuskan. Iyaga oo ardaydu rafacay ama guray Kuraastii Hoolka Jaamacadda, isla markaana fujiyay Sawiradii loogu talo galay Munaasibaddan. “Waxaanu diidanahay oo aanu ka soo horjeednaa wixii dhaqankeena iyo diinteena ka soo horjeeda.




UN Somalia Calls for Immediate Release of UNHCR Staff -UNHCR

6/23/2008 3:23 PM EST
On the second day following the abduction of Mr Hassan Mohamed Ali ‘Keynan’, the UN Resident Humanitarian Coordinator for Somalia calls for his immediate and safe release.

Senior Al-Qaedi Member Calls on Somalia Islamists to Continue their Struggle -HOL

6/23/2008 12:12 PM EST
Mogadishu, Somalia (HOL) - A senior Al-Qaeda officern has called upon the forces that are opposed to the Transitional Federal Government (TFG) and the presence of Ethiopian troops in Somalia to continue their struggle until Ethiopian troops withdraw from Somalia and an Islamic government is set up in Somalia.

Mogadishu Airport Under Mortar Attacks -HOL

6/23/2008 11:52 AM EST
Mogadishu, Somalia (HOL) - Adam Ade International Airport in Mogadishu has come under heavy mortar shelling today. Some of the shelling landed inside the airport while several others landed nearby areas such as the former Mogadishu Technical School. So far one person has died and four other were wounded as a result of the shelling.

Al-Qaida urges militants to fight planned UN forces in Somalia -AP

6/23/2008 11:45 AM EST
CAIRO, Egypt (AP) - An al - Qaida spokesman has urged militants in Somalia to fight a United Nations peacekeeping force slated to be deployed there.

Yemen President receives letter from Somalia leader -Saba

6/23/2008 11:41 AM EST
SANA'A, June 23 (Saba)- President Ali Abdullah Saleh received on Monday a letter from Somali President Abdullah Yosuf on current situation in Somalia and efforts of reconciliation among Somalia factions as well as bilateral relations between the tow countries.

Meet the world's second tallest man -SwindonAdvertiser

6/23/2008 11:33 AM EST
TALL tales come from men of all sizes. But this man's horrific stories have to be heard to be believed. Hussein Bassad, who is the second tallest man in the world at 7ft 8.9ins, was in Swindon to promote a National Refugee Week event at Swindon's Pilgrim Centre.

Former Somali Air Force Pilot, Who refused to bomb civilians in Hargiesa -Qaran

6/23/2008 11:26 AM EST
Hargeisa (QARAN) - Ahmed Mohamed Hassan, a former Somalia Air Force pilot who refused an order to bomb the civilian residents of Hargeisa in 1988 and instead decided to defect to Djibouti returned to Hargeisa after 20 years overseas. The following are excerpts of an interview Ahmed Mohamed gave to Ogaal newspaper recently whilst staying at Imperial Hotel in Hargeisa.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter