|
|
Hay'adda UNHCR oo dalbatay in la sii daayo Sarkaalka u shaqeynayay oo habeen hore la af-duubtay
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero UNHCR ayaa waxay dalbatay in si shuruud la'aan loo sii daayo Sarkaal u shaqeynayay oo qaabilsan Xafiiskeeda Muqdisho.
Madaxa Hay'adda UNHCR Antonio Guterres ayaa wuxuu sheegay in af-duubashada Saraakiisha Hay'adaha Samafalka ay uga sii dareyso xaaladda Bani'aadannimo ee ka taagan Dalka Soomaaliya, isla markaana ay adkaaneyso in gargaar Bani'aadannimo la gaarsiiyo Dad gaaraya Hal Milyan oo Qofood oo gudaha Soomaaliya ku barkacay.
"UNHCR waa mid aan cidna u xaglin oo aan wax lug ah ku lahayn siyaasad, isla markaana ay howsheedu tahay in ay diiradda saarto xaaladaha adag ee ay ku jiraan Dadka aan waxba galabsan ee dhibaatadu heyso, Annaga waxaan nahay shacab, ma hubeysnin, waxaan nahay dad bani'aadannimada ka shaqeeya, kuwaasi oo ay ka go'an tahay in ay u qidmeeyaan dadka baahan, sidaas darteed waa wax aan macquul ahayn in la bartilmaameedsado dadkii isku dayayay in ay wax u qabtaan Dadka dhibaateysan"ayuu yiri Antonio Guterres.
Xasan Maxamed Cali oo muddo dheer uga shaqeynayay Hay'adda UNHCR Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu yahay Nin ku caan ah u doodista Xuquuqda Aadanaha iyo u samafalidda dadka dhibaateysan, wuxuuna qudhiisa ka mid ahaa dad fara badan oo ka cararay magaalada Muqdisho kadib markii ay dagaallada ka bilowdeen sanadkii hore, waxayna isaga iyo Qoyskiisa ku noolaayeen Deegaanka Ceelasha Biyaha oo habeen hore ay kooxo hubeysan ka qafaasheen.
Dhanka kalena, waxaa cambaareeyay Af-duubka loo geysto shaqaalaha samafalka Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan sax ahayn in la af-duubto dadka howlaha samafalka u wada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, wuxuuna ku baaqay in la sii daayo Shaqaalaha Samafalka ee la heysto.
Sidoo kalena, Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa wuxuu wax aad looga xumaado ku tilmaamay af-duubka loo geystay Xasan Maxamed Cali, wuxuuna caddeeyay in af-duubka ninkaas uu yahay mid sawir aan wanaagsaneyn u diraya hay'adaha samafalka, isagoo weliba farta ku fiiqay in ay dhici karo in af-duubyada loo geysanayo Shaqaalaha Hay'adaha Samafalka ay keenaan in ay waayaan cid u soo gurmata Dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
 |
 |
 |
|
|
|
6/23/2008 10:28 AM EST
|
|
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Qaar ka tirsan Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa shalay duhurkii siday u garaacayeen dhulka ugu tuuray Wariye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, kaasoo xiligaas oo uu baxayay Madaxweyne Rayaale, halkaas u tagay gudashada waajibaad shaqo oo la xidhiidhay safarka Madaxweynaha. |
|
|
6/23/2008 10:27 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Saakay Aroornimadii ayaa lagu waabaristey Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Booliska Dalkan South Africa iyo Koox Tuugo ah oo ku hubeysnaa Bistoolado.
Dagaalkan ayaa socdey qadar daqiiqo ah oo xabado la is-dhaf saday. Kooxdan Burcadda ah oo watay 2 gaari ayaysan u suura galin in ay fakadaan maadaama ay Policeku u yerteen Ciidamo Gurmad ah iyo Diyaaradaha Helicopters-ka. |
|
|
6/23/2008 10:14 AM EST
|
|
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ku-simaha Madaxweynaha Somalilnad ,ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku dhaqangelinayo lifaaqa wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka ee xeerka Lambar 37/2007, oo toddobaadkan gudihiisa ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland. |
|
|
6/23/2008 9:54 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu weeraray Madaafiic Hoobiyayaal ah, kuwaasi oo ay qaarkood gudaha u galeen Garoonka. |
|
|
6/23/2008 5:52 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hoggaamiye sare oo ka tirsan Ururka Al-Qaacidda ayaa ugu baaqay Xoogagga Dagaalka kala soo horjeeda CIidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya in ay dagaalka sii wadaan, ilaa ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya la dhiso Dowlad Islaami ah. |
|
|
6/23/2008 5:51 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Xaafadda Buulo-Jaan ee ku taala Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa habeenki xalay ahaa waxaa ka dhacay dil aan horay loo arag, kaasi oo loo adeegsaday Fallaaro, waxaana dilkaas loo geystay Nin caan ka ahaa Magaaladaas. |
|
|
6/23/2008 5:50 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hal Ruux ayaa geeriyooday Afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Shineemo ay ku jireen oo ku taala Magaalada Marka lagu tuuray Bambo Gacmeed. |
|
|
6/23/2008 5:49 AM EST
|
|
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta socdaal aan hore loo sii shaacin ugu kicitimay Dalka Jabuuti. |
|
|
6/23/2008 5:48 AM EST
|
|
Isniin, June 23, 2008(HOL): Qoraal ah oo ay si weda jir ah ay u soo saareen Hay'addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa ka shaqeeya Samafalka ayaa siweyn loogu canbaareeyay dilkii maalintii shalay kooxo hubeysan u geysteen Madaxii Xaruta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe Eng. Max'ed Xasan Kulmiye oo maanta lagu aasay duleedka Magaalada Beledweyne. |
|
|
6/23/2008 5:47 AM EST
|
|
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ardayda Jaamacada Hargeysa ayaa is-hortaagay Munaasibad la doonayay in lagu xuso Maalinta Muusigga Adduunka oo loo qoondeeyay in lagu qabto Hool Jaamacadda Hargeysa.
Munaasibaddan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa baaqatay ka dib markii ay Ardayda Jaamacaddu Isu-soo bax salmi ah oo ka dhacay isla Jaamacadda Hargeysa ku hor-joogsadeen Xuskan. Iyaga oo ardaydu rafacay ama guray Kuraastii Hoolka Jaamacadda, isla markaana fujiyay Sawiradii loogu talo galay Munaasibaddan. “Waxaanu diidanahay oo aanu ka soo horjeednaa wixii dhaqankeena iyo diinteena ka soo horjeeda. |
|
|
|
 |
 |
 |
|
|
6/23/2008 3:23 PM EST
|
|
On the second day following the abduction of Mr Hassan Mohamed Ali ‘Keynan’, the UN Resident Humanitarian Coordinator for Somalia calls for his immediate and safe release. |
|
|
6/23/2008 12:12 PM EST
|
|
Mogadishu, Somalia (HOL) - A senior Al-Qaeda officern has called upon the forces that are opposed to the Transitional Federal Government (TFG) and the presence of Ethiopian troops in Somalia to continue their struggle until Ethiopian troops withdraw from Somalia and an Islamic government is set up in Somalia. |
|
|
6/23/2008 11:52 AM EST
|
|
Mogadishu, Somalia (HOL) - Adam Ade International Airport in Mogadishu has come under heavy mortar shelling today. Some of the shelling landed inside the airport while several others landed nearby areas such as the former Mogadishu Technical School. So far one person has died and four other were wounded as a result of the shelling. |
|
|
6/23/2008 11:45 AM EST
|
|
CAIRO, Egypt (AP) - An al - Qaida spokesman has urged militants in Somalia to fight a United Nations peacekeeping force slated to be deployed there. |
|
|
6/23/2008 11:41 AM EST
|
|
SANA'A, June 23 (Saba)- President Ali Abdullah Saleh received on Monday a letter from Somali President Abdullah Yosuf on current situation in Somalia and efforts of reconciliation among Somalia factions as well as bilateral relations between the tow countries. |
|
|
6/23/2008 11:33 AM EST
|
|
TALL tales come from men of all sizes. But this man's horrific stories have to be heard to be believed. Hussein Bassad, who is the second tallest man in the world at 7ft 8.9ins, was in Swindon to promote a National Refugee Week event at Swindon's Pilgrim Centre.
|
|
|
6/23/2008 11:26 AM EST
|
|
Hargeisa (QARAN) - Ahmed Mohamed Hassan, a former Somalia Air Force pilot who refused an order to bomb the civilian residents of Hargeisa in 1988 and instead decided to defect to Djibouti returned to Hargeisa after 20 years overseas. The following are excerpts of an interview Ahmed Mohamed gave to Ogaal newspaper recently whilst staying at Imperial Hotel in Hargeisa. |
|
|
|