3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 6 , 2008
Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah oo Somaliland u ogolaaday kharashka Diiwaangelinta Doorashooyinka


Axad, 05 July (HOL): Wefti ka socda deeq-bixiyayaasha Caalamiga ee Somaliland ka taageeraya doorashooyinka soo socda oo shalay dalka yimid, ayaa kulan ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka la yeesheen, waxay Soaliland ugu ogolaadeen, isla markaana ugu fasaxeen kharashka ku baxaya Diiwaan-gelinta doorashooyinka soo socda oo ay iyagu bixinayaan.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Komishanka ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay toddobada xubnood ee Komishanka iyo sidoo kale saddex xubnood oo ka tirsan Deeq-bixiyayaasha caalamiga ah. Waxaanay labada dhinac kulankaa kaga hadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin, dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta Doorashooyinka iyo sidoo kale arrimo ku saabsan qaddiyadda iyo Siyaasadda Somaliland.

Kulankan ka dib oo aan goobtii uu Shirku ka socday kula kulmay xubnaha Komishanka, ayaa waxa aan wax ka waydiiyay wixii ay ka wada hadleen labada dhinac. Xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo u muuqday kuwo aan diyaar u ahayn inay shaaciyaan dhammaan waxyaabihii ay kala hadleen deeq-bixiyayaasha, ayaa waxa si wada-ji ah xog-waran kooban HOL u siiyay Guddoomiyaha iyo Guddoomiy-xigeenka Komishanka Doorashooyinka. “Waxaanu isla garanay oo ay noo fasaxeen, noona ogolaadeen lacagtii iyo kharashka diiwaangelinta. Wada hadallo ayaana wali noo socda, shirkayaga maantuna taas ayuu u badnaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaba-weyne).

Guddoomiye xigeenka Komishanka Mr. Cali Maxamed Cabdille (Biikalo), ayaa isna ka hadlay ujeedada socdaalka Weftigan iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen kulankan. “Horta kulankayagan maanta (shalay) waxaa ka qayb galay toddbadayada xubnood ee Komishanka. Kulankani wuxuu daba socday safarkayagii Nairobi oo aanu isku soo aragnay deeq-bixiyayaasha, ballan baana noo dhaxeeyay ahaa inay noo yimaaddaan.” Ayuu yidhi Guddoomiye xigeenku.

Mar aan waydiiyay waqtiga ay filayaan inay lacagtaasi soo gaadho, ayaa waxa uu guddoomiye-xigeenka Komishanku ku jawaabay, “Arintaasi way dhamaatay oo imika way dhan tahay.”

Waxa kale oo uu Guddoomiye-xigeenku ka hadlay waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen deeq-bixiyayaasha. “Kollay waxa kale oo ay inaga caawinayaan arimo  siyaasadeed oo waxyaabo badan la iska waydiinayaa. Tusaale ahaan, waxaan kuu sheegayaa inay aad ula dhaceen oo ay ugu qanceen heshiiskii ay Axsaabta Qaranka, Xukuumadda iyo Komishanku gaadheen  iyo jawaabihii ka soo baxay. Wixii hadda ka danbeeyana waa mid la eegayo tallaabooyinka aynu qaadayno oo iyana qiimayntooda leh, loona baahan yahay in is-fahamkaa la soo dhiraan-dhiriyay la isla meel dhigay halkaa laga sii wado, oo aan muran danbe iman. cid kasta oo danaynaynaysa qaddiyadeena iyo dimuqraadiyadeenuna waa mid  ay eegayaan hadba sida uu u socdo isfahamkaasi.” Ayuu yidhi Mr. Cali Maxamed.

Guddoomiye-xigeenka oo sidoo kale ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa, waqtiga ay bilaabayaan hawsha Diiwaangelinta Doorashooyinka oo fadhiid ahayd, ayaa waxa uu yidhi, “Wixii ay sharciyaddu na farayso iyo arrimo farsamo wixii aan ahayn, hadda laga bilaabo waxaanu gudo galaynaa arimihii diiwaan galinta, shaqadiina way bilaabmaysaa.”

Mar aan wax ka waydiiyay muddada ay Weftigan Deeq-bixiyayaashu dalka ku sugnaan doonaan iyo cidda kale ee ay la kulmayaan, ayaa waxa uu Guddoomiye xigeenka Komishanku ku jawaabay, “Madaxweynaha, Axsaabta iyo Masuuliyiin kale oo dawlada ka tirsan ayay la kulmayaan, waxayna dalka ku sugnaanayaan muddo saddex maalmood ah.”

Weftigan Deeq-bixiyayaasha waxa shalay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa kaga hor tegay oo ku soo dhaweeyey Wasiirka Qorshaynta Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare). Waxaanu Wasiirku Saxaafadda u sheegay inuu Weftagan oo fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddada ay joogaan ay Xukuumadda ka wada hadli doonaan qaabka loo wajahayo deeqaha sanadkan Somaliland loogu talo galay. Sidoo kale isla shalay waxay Weftagani la kulmeen Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda Somaliland Siciid Maxamed Nuur.
 
Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
7/6/2008 12:31 PM EST
Axad, 6, July, 2008 (HOL) Waxaa ugu dambeyntii guul daro ku soo dhamaaday kulan ay wada qaateen Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee jooga duleedka Magaalada Beledweyne gaar ahaan Xeradda Jante-kuundisho.

7/6/2008 8:07 AM EST
Axad, July 06, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in aysan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofi doonin kana soo degi doonin cid aan tallaal qabin.

7/6/2008 7:40 AM EST
Axad, July 06, 2008(HOL): Seddex Ruux ayaa geeriyootay Shan kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu saaka dagaal ka dhacay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

7/6/2008 7:39 AM EST
Axad, July 06, 2008(HOL): Wararka ka imaanaya Deegaanka Buurta ee Gobolka Sanaaga ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Maanta Rasaaas aad u xoog badan ay dhaxmartay Ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Shacabka Gobolkaasi Sanaag, kuwaasi oo isku khilaafay sida laga yeelayo dad ajaanib ah oo Af-duub loogu haysto Deegaanka Calmadaw ee Gobolka Sanaag.

7/6/2008 2:40 AM EST
Axad, July 06, 2008(HOL): Dhinacyada is-khilaafsan ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa maanta waxay isku soo hor-fariisanayaan Magaalada Sanca ee Dalka Yemen, iyadoo labada dhinacna ay ka wada hadlayaan khilaafaad soo kala dhexgalay.

7/6/2008 2:39 AM EST
Axad, July 06, 2008(HOL): Abaare Saacaddu markey aheyd xalay 1:00 am waxaa mar kaliya laga wada maqlay Xaafadaha Magaalada Beledweyne Qarax aad u weyn oo ka dhashay Miino xalay Kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya ku xireen goob ganacsi oo u tiilay Magaalada Beledweyne.

7/6/2008 2:38 AM EST
Axad, July 06, 2008(HOL): Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah Xoghayah Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sheegay in uu sii socon doono dagaalka ay kala soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya.

7/6/2008 2:37 AM EST
Axad, July 06, 2008(HOL): Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Maxamuud Cilmi ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo Boolis ah oo u joogay Deegaanka Yaaq-biri-weyne ay weerar ku qaadeen Ciidamo Mileteri ahoo ka tirsan Guutada 17aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.