4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 6 , 2008
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in aaney Garoonka Muqdisho ka dhoofi karin, kana soo degi karin qof aan Tallaal qabin

Guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir ee Dhinaca Arrimaha Bulshada- Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur)
Axad, July 06, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in aysan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofi doonin kana soo degi doonin cid aan tallaal qabin.
 
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Talaadada soo socota  aan la ogolaan doonin in ay ka dhoofto, kana soo degto Garoonka Aadan Cadde cid aan tallaalneyn, “Qofka dibadda ka imaanaya wuxuu keenayaa haddii uu wato caddeymo muujinaya halka uu tallaaka ka soo qaatay, qofkii aanan tallaal qabinna waa la tallaalayaa”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur.
 
“Dhoofayaasha sharafta leh waxaan ka codsaneynaa in ay seddex maalmood ka hor ay tallaalka qaataan, ciddii ka dhego adeygto baaqa aan jeedineyno  ee aan tallaalkaas qaadan-na wixii dibu dhac ah ee ku yimaada duulimaadkeeda iyada ayaa mas’uul ka ah”ayuu mar kale  yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo sheegay in amarka tallaalka ah ee ay soo rogeen uu yahay mid caalami ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, waxaa uu intaas ku daray in howsha tallaalka ay fulineyso Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir, taasi oo uu sheegay in lagala xiriirayo arrimaha tallaalka la xiriira.

Amarkan tallaalka ah ee lagu soo rogay Dhoofayaasha iyo soo degayaasha ayaa waxaan la ogeyn in ay wax ka ogtahay Wasaaradda Caafimadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena la is-weydiin karo dawada qofka la tallaalayo lagu mudayo tiiyoo la ogyahay in Soomaaliya xiligan ayasan oolin dawo leh tayo si heer sare ah loo baaray (high quality control medicine), isla markaana dawada taala ay tahay mid ay ganacsato keensadaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia