May-21-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2008
Banaanbax lagu taageerayay xil ka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye

Arbaco, July 30, 2008(HOL): Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku nool inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lagu taageerayay xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Dadka banaanbaxan ka qeybgalay oo u badan Dumar iyo Caruur ayaa qaarkood oo saxaafadda la hadlay waxay sheegeen in ay si weyn u taageersan yihiin xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Dadkani ayaa sababta ay u taageerayaan xil ka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Banaadir waxay ku sheegeen iyadoo sida ay yiraahdeen uu Maxamed Dheere ka soo barakiciyay Guryahooda oo ku yaala Magaalad Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa waxay sheegeen in ay haatan dib ugu noqonayaan Guryahooda haddiiba ay yiraahdeen xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir laga qaaday Maxamed Dheere.

Horay waxaa loo arki jiray banaanbaxyo lagu taageerayo mas’uul xil loo magacaabay balse haatan waxay sheekadu taagan tahay in la taageero mas’uul xil ka qaadis lagu sameeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia



30/07/2008 5:47 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Saaka barqanimada ayaa Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho waxaa isku rasaaseeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya.

30/07/2008 4:02 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu magacaabay Guddi ka shaqeyn doona maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

30/07/2008 4:01 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Afhayeenno u kala hadlay maxkmadaha Islaamka iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegay in uu socdo qorshe uu Mareykanka dib ugu soo nooleynayo Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada.

30/07/2008 4:01 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in uu soo dhaweynayo xil-ka-qaadista lagu sameeyay, isal markaana uu diyaar u yahay inuu xilka Guddoomiyenimada Gobolka ku wareejiyo qof kasta oo loo soo magacaabo.

30/07/2008 4:00 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shir ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxayna shirkoodaas ka soo saareen go’aan ay ku gaareen in ay la dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

30/07/2008 3:59 AM EST
Arbaco, July 30, 2008(HOL): Waxaa sii xogeysanaya cabashada la xiriirta Xaaladda Nolasha dadkii dhawaan ka barkacay dagaaladii ka dhacay Magaalada Beledweyne oo wararku sheegayaan in ay mareyso meel aad u hooseysa.