Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2008


Banaanbaxyo lagu taageerayo sii deynta Xubnihii ka xirnaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka dhacay Muqdisho iyo Cadaado

Isniin, January 28, 2008(HOL): Banaanbaxyo lagu taageerayo sii deynta xubno ka xirnaa Golaha Dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye oo ay ka mid ahaayeen Axmed Diiriye Cali, Shiikh Axmed Cali Gees iyo C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa maanta waxay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado.

Banaanbax ka dhacay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa waxay banaanbaxooda ku soo dhaweynayeen sii deynta ay shalay sii deysay Dowladda Federaalka Soomaaliya Xubnaha ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye, waxayna dadkaasi ku dhawaaqayeen ereyo ay ku sheegayeen in ay si weyn u soo dhaweynayaan tallaabada ay qaaday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu sii daayay raggaas.

Dadkii isugu soo baxay Isgoyska KM4 ayaa waxaa la hadashay gabar uu dhalay Axmed Diiriye Cali oo lagu magacaabo Luul Axmed Diiriye, taasi oo u mahadcelisay dadkii isugu soo baxay soo dhaweynta sii deynta Aabaheed iyadoo kadibna u mahadcelisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay sheegtay in iyadoo la tixgelin waayay oo la dhegeysan waayay uu u soo baxay, isla markaana uu sii daayay Aabaheed iyo Rag kale oo la xirnaa, “Alle ayaa mahad leh marka hore, Ra’iisal Wasaarahana waa mahadsan yahay, waxaana Allaah uga baryeynaa in uu Ajir ka siiyo tallaabada uu qaaday”ayay tiri Luul Axmed Diiriye.

Banaanbax kale oo ka dhacay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa isna waxaa lagu soo dhaweynayay sii deynta xubnahan oo qarkood horay loo sheegay in la dilay oo ay dhinteen, waxayna dadkani sidoo kale ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayaan tallaabada ay qaaday Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Maxamed Muxumed Cabdi oo banaanbaxaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay dadka ku dhaqan magaalada Cadaado ay aad ugu faraxsan yihiin in ay  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya qaaday tallaabo muhiim u ah dib u heshiisiin ka dhacda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado waxaa kale oo uu sheegay in Dadka Banaanbaxayay ay bogaadinayeen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo iyagu si weyn isugu howlay in la sii daayo xubnaha ka xirnaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha  Hawiye.

Sidoo kalena, sii deynta xubnahan waxaa soo dhaweeyay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibaddiisa iyo weliba xubno ka tirsan maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo sheegay  in tallaabada lagu sii daayay raggaas ay tahay mid fure u noqon karta isu soo dhawaansho dhexmara dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

WAR DEG DEG AH. Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Hiiraan oo goor dhaw lagu tuugtay magaalada Beled Weyne.

1/28/2008 5:18 PM EST
Isniin, 28, 2008 (HOL) Taliyihii Ciidamadda Nabad-sugidda Gobalka Hiiraan ayaa Goor dhaw dhaw Nin bastoolad ku hubeysan ku toogtay Ilinka hore ee Hotel Beer-lula ee Magaalada Beledweyne sida HOL ay u xaqiijiyeen Goob joogayaal ka ag dhawaa goobta lagu dilay Taliyaha.

Dhaqaatiir u shaqeynayay Hay’adda MSF-Holland oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

1/28/2008 7:09 AM EST
Isniin, January 28, 2008(HOL): Qarax goor dhaweyd ka dhacay magaalada Kismayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku geeriyooday afar ruux oo isugu jiray 2 dhaqtar oo ka tirsan Hay’adda MSF-Holland oo lagu magacaabayay Victor (Kenya) iyo Daniel (France) , Darawalkoodii oo lagu magacaabi jiray Maxamed Bidhaan iyo Wariye lagu magacaabi jiray Xasan Kaafi Xareed oo ka tirsanaa Wariyayaasha Magaalada Kismaayo.

Odayaal iyo Waxgarad ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo xoogga saaraya sidii loo joojin lahaa Colaadda ka taagan xadka u dhaxeeya Labada Gobol

1/28/2008 7:07 AM EST
Isniin, January 28, 2008(HOL): Odayaal iyo Wax-garad ka kala tirsan Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa bilaabay dadaalo lagu joojinayo Coladda la sheegay in ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah Deegaanada Goballlada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

AXMED DIIRIYE CALI: “Soomaali oo dhan haddii la isu keeno waxaa ku filan kheyraadka yaala inta u dhaxeysa Jowhar iyo Marka, marka waxaan leeyahay Soomaaliyey heshiiya”

1/28/2008 5:20 AM EST
Isniin, January 28, 2008(HOL): Afhayeen Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo saxaafadda la hadlay kadib markii uu shalay dib u helay xoriyaddiisa kagadaal muddo 80 cisho ah oo uu xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ka waramay sidii loola dhaqmay iyo halka lagu hayay intii uu xirnaa.

Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo kiiskiisa loo wareejiyay Maxkamadda Gobolka Bay

1/28/2008 5:13 AM EST
Isniin, January 28, 2008(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in kiiska guddoomiyihii Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore la xiran oo la yiraahdo Maxamed Nuur Sheegow loo wareejiyay Maxkamadda Gobolka Bay.

Wefti ka socda Hay’adda Interpeace oo Madaxweyne Daahir Rayaale kala hadlay arrinta Doorashooyinka

1/28/2008 5:12 AM EST
Isniin, 28 January 2008 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xalay qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda hay’add qaabilsan Nabadaynta iyo hir gelinta Dimuqraadiyada ee Inter Peace Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge.

Dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera iyo Sanadkii tegay ee 2007

1/28/2008 5:11 AM EST
Isniin, 28 January 2008 (HOL)- Maareeyaha Dekada Magaalada Berbera Eng: Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor) ayaa sheegay in badeecadaha ka soo dega iyo xoolaha ka dhoofa dekeda Berbera ay kordheen sanadkii tagay ee 2007.



Africa Cup of Nations : Group A Table -

1/28/2008 5:04 PM EST

Somalia blast kills four including two aid workers -Reuters

1/28/2008 7:31 AM EST
KISMAYU, Somalia, Jan 28 (Reuters) - Two Somalis and two foreign aid workers from the Dutch arm of Medecins Sans Frontieres were killed by a roadside bomb on Monday near the southern Somali port of Kismayu, witnesses said.

Uganda: Museveni Advises On Aids Fight -New Vision

1/28/2008 5:31 AM EST
Kampala (New Vision) - THE fight against HIV/AIDS should focus on vulnerable groups including refugees, internally displaced persons, fishing communities, truck drivers, sex workers and the disabled, President Yoweri Museveni has said

Kenya's Rift Valley burns, gangs face off -Reuters

1/28/2008 4:26 AM EST
NAIVASHA, Kenya, Jan 28 (Reuters) - Protests erupted in west Kenya and machete-wielding mobs faced off in the Rift Valley on Monday after dozens died in ethnic violence that complicated mediation efforts by former U.N. boss Kofi Annan.

Language barrier still in the way -Columbus Dispatch

1/28/2008 4:10 AM EST
He's hiding around the corner," the Mexican woman tried to tell the police officers. "Just around the corner."

Refugee mental services at risk -Tennessean

1/28/2008 3:54 AM EST
At first glance, the session looked a lot like any other Saturday afternoon seminar about family dynamics and coping with stress.

Somali soldiers storm central bank -Press TV

1/28/2008 3:11 AM EST
Somali soldiers loyal to the authorities of the semi-autonomous Puntland region have seized the central bank demanding their salaries.

Mortar hits Uganda base in Somalia -New Vision

1/28/2008 3:06 AM EST
Mogadishu (News Vision) - TWO more Ugandan peacekeepers were injured yesterday as a mortar hit their base at Mogadishu International Airport.

Kenya's Rift Valley burns, protests erupt -Reuters

1/28/2008 2:41 AM EST
NAIVASHA, Kenya, Jan 28 (Reuters) - Protests erupted in west Kenya on Monday over a weekend of horrific ethnic violence in the Rift Valley that left dozens dead and complicated efforts by former U.N. boss Kofi Annan to mediate a month-long crisis.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter