Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2008


Dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera iyo Sanadkii tegay ee 2007

Isniin, 28 January 2008 (HOL)- Maareeyaha Dekada Magaalada Berbera Eng: Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor) ayaa sheegay in badeecadaha ka soo dega iyo xoolaha ka dhoofa dekeda Berbera ay kordheen sanadkii tagay ee 2007.

Maareeyaha dekada Berbera oo shir Jaraa’id ku qabtay shalay xafiiskiisa Dekeda Magaalada Berbera, ayaa waxa uu faahfaahin kaga bixiyay dhaqdhaqaaqa dekada ee Sanadkii aynu soo dhaafnay, isaga oo tilmaamay in sanadkii ina dhaafay ee 2007  marka la barbar dhigo sanadkii ka horeeyay ee 2006 ay ku kordheen Albaabta ka soo degtay dekada Berbera 1300 oo Koontiinar halka bagaashka dekada ka soo degayna ay kaga kordhey sida uu sheegay 80,000tn.

Cali Xoor-xoor waxa uu sheegay oo kale in dhoolaha ka dhoofay Dekada sanadkii dhamaaday ay ku korodhay tiro gaadhaysa, hal Milyan, boqol iyo sagaal iyo sagaashan kun oo neef marka la barbar dhigo tirada xoolaha sanadkii ka horeeyay ee 2006 ka dhoofay.

Shirka Jaraa’id ee maareeyuha dekada Berbera kaga xog-warmay, dhaqdhaqaaqa Dekadaasi ayaa ah warbixin sanad le ah oo Cali Xoor-xoor sanad kasta bilowgiisa kaga waramo xaalada Dekada Berbera,  Islamarkaana waxa uu warbixintiisan ku xusay Maareeyuhu inay sanadkan dekeda meelo ka mid ah ku kordhiyeen dhismooyin cusub, una soo iibiyeen qalab dhan 600,000 waxaanu xusay inay sanadkan u qorshaysan tahay inay dekeda u soo iibiyaan laba wish oo waaweyn.

Mar uu ka hadlayey Eng Cali Xoor-Xoor alaabaha ay ganacsatada Itoobiya kala soo degaan dekada Magaalada Berbera ayuu sheegay inuu hoos u dhac weyni ku yimid oo aanay sidii hore ahayn, balse waxa uu xusay inay jiraan ganacsato Itoobiyaan ah oo badeecado kala duwan kala soo dega dekeda Berbera.

 Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay cabasho inta badan laga sheego inay isku milmeen Masuulka Dekeda iyo Maamulka kastamka dekada Berbera oo dhalisa inuu hakad galo shaqo maalmeedka dekada, ayuu Cali Xoor-Xoor sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo dadka kaga yimaada dhinaca labada waaxood ee kastamka iyo dekeda iyo shaqaaliha toona.
 
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland

 

WAR DEG DEG AH. Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Hiiraan oo goor dhaw lagu tuugtay magaalada Beled Weyne.

1/28/2008 5:18 PM EST
Isniin, 28, 2008 (HOL) Taliyihii Ciidamadda Nabad-sugidda Gobalka Hiiraan ayaa Goor dhaw dhaw Nin bastoolad ku hubeysan ku toogtay Ilinka hore ee Hotel Beer-lula ee Magaalada Beledweyne sida HOL ay u xaqiijiyeen Goob joogayaal ka ag dhawaa goobta lagu dilay Taliyaha.

Dhaqaatiir u shaqeynayay Hay’adda MSF-Holland oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

1/28/2008 7:09 AM EST
Isniin, January 28, 2008(HOL): Qarax goor dhaweyd ka dhacay magaalada Kismayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku geeriyooday afar ruux oo isugu jiray 2 dhaqtar oo ka tirsan Hay’adda MSF-Holland oo lagu magacaabayay Victor (Kenya) iyo Daniel (France) , Darawalkoodii oo lagu magacaabi jiray Maxamed Bidhaan iyo Wariye lagu magacaabi jiray Xasan Kaafi Xareed oo ka tirsanaa Wariyayaasha Magaalada Kismaayo.

Odayaal iyo Waxgarad ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo xoogga saaraya sidii loo joojin lahaa Colaadda ka taagan xadka u dhaxeeya Labada Gobol

1/28/2008 7:07 AM EST
Isniin, January 28, 2008(HOL): Odayaal iyo Wax-garad ka kala tirsan Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa bilaabay dadaalo lagu joojinayo Coladda la sheegay in ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah Deegaanada Goballlada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Banaanbaxyo lagu taageerayo sii deynta Xubnihii ka xirnaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka dhacay Muqdisho iyo Cadaado

1/28/2008 5:22 AM EST
Isniin, January 28, 2008(HOL): Banaanbaxyo lagu taageerayo sii deynta xubno ka xirnaa Golaha Dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye oo ay ka mid ahaayeen Axmed Diiriye Cali, Shiikh Axmed Cali Gees iyo C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa maanta waxay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado.

AXMED DIIRIYE CALI: “Soomaali oo dhan haddii la isu keeno waxaa ku filan kheyraadka yaala inta u dhaxeysa Jowhar iyo Marka, marka waxaan leeyahay Soomaaliyey heshiiya”

1/28/2008 5:20 AM EST
Isniin, January 28, 2008(HOL): Afhayeen Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo saxaafadda la hadlay kadib markii uu shalay dib u helay xoriyaddiisa kagadaal muddo 80 cisho ah oo uu xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ka waramay sidii loola dhaqmay iyo halka lagu hayay intii uu xirnaa.

Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo kiiskiisa loo wareejiyay Maxkamadda Gobolka Bay

1/28/2008 5:13 AM EST
Isniin, January 28, 2008(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in kiiska guddoomiyihii Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore la xiran oo la yiraahdo Maxamed Nuur Sheegow loo wareejiyay Maxkamadda Gobolka Bay.

Wefti ka socda Hay’adda Interpeace oo Madaxweyne Daahir Rayaale kala hadlay arrinta Doorashooyinka

1/28/2008 5:12 AM EST
Isniin, 28 January 2008 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xalay qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda hay’add qaabilsan Nabadaynta iyo hir gelinta Dimuqraadiyada ee Inter Peace Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge.



Africa Cup of Nations : Group A Table -

1/28/2008 5:04 PM EST

Somalia blast kills four including two aid workers -Reuters

1/28/2008 7:31 AM EST
KISMAYU, Somalia, Jan 28 (Reuters) - Two Somalis and two foreign aid workers from the Dutch arm of Medecins Sans Frontieres were killed by a roadside bomb on Monday near the southern Somali port of Kismayu, witnesses said.

Uganda: Museveni Advises On Aids Fight -New Vision

1/28/2008 5:31 AM EST
Kampala (New Vision) - THE fight against HIV/AIDS should focus on vulnerable groups including refugees, internally displaced persons, fishing communities, truck drivers, sex workers and the disabled, President Yoweri Museveni has said

Kenya's Rift Valley burns, gangs face off -Reuters

1/28/2008 4:26 AM EST
NAIVASHA, Kenya, Jan 28 (Reuters) - Protests erupted in west Kenya and machete-wielding mobs faced off in the Rift Valley on Monday after dozens died in ethnic violence that complicated mediation efforts by former U.N. boss Kofi Annan.

Language barrier still in the way -Columbus Dispatch

1/28/2008 4:10 AM EST
He's hiding around the corner," the Mexican woman tried to tell the police officers. "Just around the corner."

Refugee mental services at risk -Tennessean

1/28/2008 3:54 AM EST
At first glance, the session looked a lot like any other Saturday afternoon seminar about family dynamics and coping with stress.

Somali soldiers storm central bank -Press TV

1/28/2008 3:11 AM EST
Somali soldiers loyal to the authorities of the semi-autonomous Puntland region have seized the central bank demanding their salaries.

Mortar hits Uganda base in Somalia -New Vision

1/28/2008 3:06 AM EST
Mogadishu (News Vision) - TWO more Ugandan peacekeepers were injured yesterday as a mortar hit their base at Mogadishu International Airport.

Kenya's Rift Valley burns, protests erupt -Reuters

1/28/2008 2:41 AM EST
NAIVASHA, Kenya, Jan 28 (Reuters) - Protests erupted in west Kenya on Monday over a weekend of horrific ethnic violence in the Rift Valley that left dozens dead and complicated efforts by former U.N. boss Kofi Annan to mediate a month-long crisis.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter