5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2008
Inta badan Xubnaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo la ogaaday in ay wataan Baasaboorro Ajnabi ah

Arbaco, January 23, 2008(HOL): Xubnaha Xubnaha Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa u badan yihiin kuwo heysta dhalashada wadamo kale oo ay qaxooti ku ahaayeen ka hor intii aysan ka mid noqon Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirrada ku jira Xukuumadda cusub ayaa waxay badankood yihiin Muwaadiniin heysta dhalashada Wadanka Britain, halka ay jiraan kuwo aan heysta dhalashada wadamo kale oo ay ka mid yihiin Australia, Canada iyo Finland.

Laakin waxaa jira Xubno tiro yar oo iyagu weliga heysta Baasaboorkii Cagaarnaa ee Soomaaliya ama midka cusub ee casriga ah, kuwaasi oo aan fursad u helin in ay dalka ka baxaan, isla markaana ay soo qaadaan Jinsiyadda Wadamada kale, waxayna kuwaasi yihiin kuwo laga keenay gudaha Baarlamaanka.

Marka ay intaas taagan tahay ayaa dad badan oo Soomaaliyeed waxay su’aal ka ka keenayaan sida ay wax u qaban karto Xukuumad ay Xubnaheeda labo Baasaboorlayaal yihiin iyo sida ay ugu damqan karaan dadka ku nool gudaha dalka Soomaaliya ee aan iyagu dalka ka bixi karin haddii ay ka baxaana ay qaxooti ku noqonayaan dalka ugu soo horeeya oo ay tagaan.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horay loo sheegi jiray in ay xubnahiisa ku jiraan kuwo sidoo kale labo Baasaboorlayaal ah, kuwaasi oo marka ay cabaar ka qeybgalaan fadhiyada Baarlamaanka kadb dib ugu noqda dalalka ay Jinsiyaddooda heystaan, halkaasna ay isaga soo meyraan wixii walaac ahaa ee ay ka qaadeen dhibaatooyinka aan dhamaadka lahayn ee  ka jira dalka Soomaaliya.

WASIIRRADA

1- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow = Ra’isu wasaare ku xigeen, ahna wasiirka Garsoorka =Austarlia

2-Xildhibaan Ceydiid C/llahi Ilka Xanaf =  Ra’isu wasaare ku xigeen  ahna Wasiirka Waxbarasahada iyo hiddaha = Britain.

3-Axmed C/salaan  Aadan = Ra’isu wasaare ku xigeen  ahna Wasiirka Warfaafinta, Arrimaha dhalinyarada iyo Isboortiga=Canada 

4-Muxiyidiin Max’ed Xaaji Ibraahim =Wasiirka Gaashaandhiga=Gudaha

5-Xidhibaan Xuseen Ceelabe Faahiye =Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska =Gudaha bale Ilmahiisa degan Britain 

6-Max’ed Cali Xaamud = Wasiirka Maaliyada iyo Qorshaynta= Austarlia.

7-Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade =Wasiirka Gaadiidka, Duulimaadka iyo Dekadaha=Gudaha.

8-Xildhibaan Muuse Nuur  Amiin = Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka = Britain.

9-Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jengeli =Wasiirka Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga =Kanada balse degan Britain.

10-Max’ed Cali Saalax Kaange = Wasiirka Macdanta iyo Tamarta = Britain.

11-Xildhibaan Mustaf Sh. Cali Dhuxulow= Wasiirka Beeraha Biyaha iyo Hormarinta Dhulka= Britain.

12-Nuur Iidow Beyle = Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Kaabiyaasha = Britain.

13-C/risaaq Ashkir Cabdi = Wasiirka Dib u heshiisiinta, hormarinta Gobolada iyo Arrimaha Federalka=Holan balse degan Britain.

14-Xildhibaan Cabdi Max’ed Tarax=Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta =Filand.

15-Xildhibaan Khadiijo Max’ed Diiriye =Wasiirka Horumarinta haweenka iyo Arrimaha Qoyska= Gudaha.
 
WASIIR KU XIGEENNADA
 
1-Xildhibaan C/kariin Axmed Cali =Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga =Gudaha.

2-Xildhibaan Carab Cali Diiriye  = Wasiirka Dib u heshiisiinta, hormarinta Gobolada iyo Arrimaha Federalka= Gudaha .

3-Xildhibaan Cali Muumin Ismaaciil = Wasiirka Maaliyada iyo Qorshaynta =Gudaha.

 4-Xildhibaan Fahma  Axmed Nuur  = Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka= Sweden

5-Xildhibaan C/kaafi Macalin Xasan= Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Kaabiyaasha =Sweden.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la eegayaa halka ay iyana ka imaan doonaan Seddex Wasiir oo uu dhawaan soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, kuwaasi oo ka harsan Xukuumadda tiradeeda la soo yareeyay ee 18-ka Wasiir ka kooban.

Hiiraan Online News Desk