5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 17, 2008
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo rajo ka muujiyay in ay mushkiladda Soomaaliya soo af-jaranto

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin

Khamiis, January 17, 2008(HOL): Faarax Macallin oo dhawaan loo doortay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu dhow yahay mushkiladda dalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheegay in dhacdooyinka ka dhacay Soomaaliya ay yihiin kuwo soo shaac-bixinaya waxyaabo la qarin jiray oo ah midnimda iyo dowladnimada Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in aan haatan kadib la qarin karin.

“Sanad iyo labo sano kadib waxaan aaminsanahay in xaaladda Soomaaliya ay wax iska bedeli doonaan oo la gaari doono heer afkaar iyo midnimo lagu hoggaamiyo shacabka oo aan qasab iyo Cadaw shisheeye lagu hoggaamin karin”ayuu yiri Faarax Macallin oo sheegay in ay qasab tahay in ay markaas baxaan Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya jooga.

Faarax Macallin waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka qeyb-qaato wada hadallo lagu heshiisiinayo dhinacyada isku haya Soomaaliya, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in haddii arriintaas la wajaho lagu guuleysan karo.

“Qasab waaye waa ay baxayaan Ciidamada Shisheeyaha, qasab waxay noqon doontaa in la helo ciidamo aan dhib u geysaneyn Umadda Soomaaliyeed oo mudada yar ee KMG ah u diyaarin doona in ay dadka Soomaaliyeed gaaraan heer ay is-doortaan iyagoo aaney Odayaal dhaqameedyo wax u soo xuleynin sida xiligii Hoggaamiye Kooxeedyada”ayuu yiri Faarax Macallin oo intaas ku daray in haddii ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ka baxaan la heli karo Ciidamo kale oo Afrikaan ah oo nabadda suga.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin oo laga soo doorto Gobolka W/Bari Kenya ayaa wuxuu yahay Siyaasi si gaar ah ula socdaa arrimaha dalka Soomaaliya, wuxuuna mar booqasho ku tegay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho xiligii ay Maxkamadaha Islaamka ka talinayeen Deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia