Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2008


Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo cambaareeyay Shirkii Midowga Afrika ee lagu qabtay Magaalada Addis Ababa

Axad, February 03, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Xaruntiisa dhexe ay tahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa cambaareeyay Shir madaxeedkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkaas lagu qabtay dal jebiyay shuruucda u  taalla Ururka, kuna xadgudbay Qarannimada iyo Midnimada Soomaaliya oo Midowga Afrika xubin ka ah.

 “Waxaa wax laga xumaada ah in madaxda Afrika ku kulanto Ethiopia  oo ku soo duushay dalka Soomaaliya, gumaad, burburin, barakicin iyo  boob hantiyeedna u gaysatay shacabka Soomaaliyeed, arrintaasoo ka soo horjeeda Axdiga & Shuruucda Midowga Afrika “ ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Sidoo kalena Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in Itoobiya lagu amaano  qabsashada iyo dembiyada dagaal ee ay ka geysatay Soomaaliya, iyadoo taasi macnaheeda uu yahay in lagu taageero ujeeddooyinkeeda guracan ee ah in aysan Soomaaliya marnaba helin nabad iyo xasilooni, waa sida Warsaxaafadeedka ku xusane.

“Buubuuninta kooxda Baydhabo & ku sheegista  wax aysan ahayn  xal uma aha shacabka Soomaaliyeed, ee xalku  waxa uu ku jiraa in uu shacabaka Soomaaliyeed ka tashado aayihiisa isagoo madax banaan isla markaana sida ugu dhaqsiyaha  badan caddawga dalka  ku soo duulay looga saaro” ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga oo uu HOL soo gaarsiiyay Cusmaan Libaax oo ka tirsan Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Isbaheysiga.

Sidoo kalena Isbaheysiga waxaa uu diiday in Ciidamo shisheeye dalka Soomaaliya la geeyo iyadoo aaney shacabka Soomaaliyeed Heshiis ku ahayn, iyadoo sidoo kalena  uu Midowga Afrika ka dalbaday in uu joojiyo dibindaabyada looga soo maleegayo shirarkiis Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan Midnimadooda, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan sidii loo xoreyn lahaa Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Jendayi Frazer oo booqasho ku tagtay Magaalada Hargeysa

2/3/2008 7:29 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Waxaa booqasho hal maalin ah ku tagay Magaalada Hargeysa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Jendayi Frazer iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in ay Dalalka Midowga Afrika ballanqaadeen in la kordhinayo Ciidamada Amsiom ee Soomaaliya jooga

2/3/2008 7:12 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo u waramayay Laanta Afka Soomaalig ee BBC-da ayaa sheegay in dalalka Midowga Afrika ay ballanqaadeen in la kordhinayo Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

8 Ruux oo ku geeriyootay Miino ku qaraxday Gaari ay saarnaayeen oo marayay agagaarka Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Magaalada Muqdisho

2/3/2008 3:32 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): 8 Ruux ayaa geeriyootay 7 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii ay Miino la kacday Gaari Mini Bus ah oo ay saarnaayeen Ganacsato Qaadka ka baayac-mushtarta oo marayay agagaarka Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi.

Shirkii Midowga Afrika oo waxyaabihii looga hadlay ay ugu sahlanaatay Arrinta Soomaaliya

2/3/2008 3:26 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Shirkii Midowga Afrika ee shalay lagu soo gebagebeeyay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa arrimihii looga hadlay waxaa ugu roonaatay Xaaladda Soomaaliya oo qudheeda aan la yareysan karin.

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo jawaab ka bixiyay eedeyn uu u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

2/3/2008 3:23 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn uu u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo ahayd in dilkii afhayeennada Maamulka Gobolka Banaadir ay ka dambeeyeen Odayaasha Hawiye iyo Al-Shabaab.

Taliyihii Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Beledweyne oo xalay toogasho lagu dilay

2/3/2008 3:21 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Koox hubeysan ayaa habeenimadii xalay ku toogtay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaaladda Beledweyne Taliyihii Ciidamadda Nabad-sugidda Degmadda Beledweyne Col. C/qaasim Ibraahim Xili uu ku sii jeeday Gurigiisa.

Askari xalay lagu dilay Degmada Wadajir iyo Suuqa Degmadaas oo Miino lagu aasay lagu arkay

2/3/2008 3:18 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Deegaanka Qurac Bun-jebshe ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Top US diplomat for Africa meets Somaliland leader -Reuters

2/3/2008 12:59 PM EST
HARGEISA, Somalia, Feb 3 (Reuters) - The top U.S. diplomat for Africa met with the leader of the breakaway Somali republic on Sunday to discuss security in the war-wracked Horn of Africa region, the highest ranking U.S. delegation to visit Somaliland.

McGuinty should veto black schools -Toronto Star

2/3/2008 4:49 AM EST
Dalton McGuinty either thinks black-focused schools are a bad idea or he does not. If he believes what he says, that Toronto school trustees are fundamentally mistaken in their decision to set up a so-called Africentric school, then he should kill it. He has the power. He also has the responsibility.

Tyson layoffs: For families, the shock brings tears, confusion -CJOnline

2/3/2008 4:31 AM EST
EMPORIA — Fear and uncertainty are common emotions these days in Emporia.Since Tyson Foods announced Jan. 25 that it was eliminating 1,500 jobs with the closure of its local slaughter operations, company employees have been trying to figure out what their next step will be.

AU summit ends in shadow of conflict -AFP

2/3/2008 4:19 AM EST
Addis Ababa, Ethiopia (AFP) - African Union leaders condemned the latest unrest in Chad and Kenya on Saturday at the close of a summit overshadowed by new crises on the continent and which saw little headway achieved on older ones.

Roadside bomb kills 8 people riding in minibus in Somali capital -AP

2/3/2008 4:15 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) -- A roadside bomb killed eight civilians and wounded nine others when it exploded near a minibus full of passengers in the war-ravaged Somali capital on Sunday, witnesses and hospital staff said.

Ship with Russians aboard seized off Somalia -Interfax

2/3/2008 4:09 AM EST
MOSCOW/YUZHNO-SAKHALINSK. Feb 3 (Interfax) - A ship with Russian citizens aboard has been seized off Somalia.

Kenya's Rift Valley burns despite talk of peace -Reuters

2/3/2008 3:57 AM EST
KERICHO, Kenya (Reuters) - Tribal gangs burned homes and tea plantations in Kenya's Rift Valley on Saturday, sending residents fleeing with all they could carry, despite an agreement between feuding politicians to end weeks of bloodshed.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter