Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2008


8 Ruux oo ku geeriyootay Miino ku qaraxday Gaari ay saarnaayeen oo marayay agagaarka Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Magaalada Muqdisho

Axad, February 03, 2008(HOL): 8 Ruux ayaa geeriyootay 7 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii ay Miino la kacday Gaari Mini Bus ah oo ay saarnaayeen Ganacsato Qaadka ka baayac-mushtarta  oo marayay agagaarka Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi.

Dadkii saarnaa Gaarigaas ay Miinada la qaraxday oo tiradooda gaareysay 20 ruux ayaa waxaa kaliya ka badbaaday 5 ruux oo uu ku jiray Darawalkii gaariga kaxeynayay, halka 8-da ruux ee geeriyootay oo uu hilibkooda isku darsamay ay isugu jireen rag iyo dumar, halka 7 Ruux oo kalena dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Madiina.

Goob-jooge ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay oo dul-tegay gaarigii ay Miinada ku qaraxday ayaa wuxuu sheegay in uu arkay wax uu fiirin waayay oo ahaa dad uu qaraxa jar-jaray oo uu hilibkooda isku darsamay.

Daqiiqado markii uu qaraxa dhacay ayaa waxaa goobta tegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dadka kala ceyrinayay, iyadoo dhinaca kalena dadkii dhaawaca ahaa Isbitaal loola cararay, halka la isku soo uruuriyay 8dii ruux ee geeriyootay oo uu hilibkooda isku darsamay.

Wadada hor-marta Dugsigii 21-ka Oktoobar ee isku xirta Isgoyska KM4 iyo Dugsigii sare ee Booliska ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Qaraxyo Miino oo midkii kan ka horeeyay loo dhigay Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo qaraxaas ay seddex Askari kaga dhaawacantay.

Wuxuu ahaa Qaraxii seddexaad oo haleela gaari ay dad rakaab ah saaran yihiin, waxayna qaraxyo midkan la mid ah oo khasaare geystay ay ka dhaceen Isgoysyada Fagax iyo Afarta Jardiino ee Degmada Yaaqshiid.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya Qaraxyada ka dhasha Miinooyinka Dhulka lagu aaso, kuwaasi oo qaarkood lala beegsado gaadiidka ay la socdaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, halka kuwo kalena ay haleelaan Gaadiidka Dadweynaha sida midkii saaka oo kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Jendayi Frazer oo booqasho ku tagtay Magaalada Hargeysa

2/3/2008 7:29 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Waxaa booqasho hal maalin ah ku tagay Magaalada Hargeysa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Jendayi Frazer iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in ay Dalalka Midowga Afrika ballanqaadeen in la kordhinayo Ciidamada Amsiom ee Soomaaliya jooga

2/3/2008 7:12 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo u waramayay Laanta Afka Soomaalig ee BBC-da ayaa sheegay in dalalka Midowga Afrika ay ballanqaadeen in la kordhinayo Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo cambaareeyay Shirkii Midowga Afrika ee lagu qabtay Magaalada Addis Ababa

2/3/2008 4:47 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Xaruntiisa dhexe ay tahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa cambaareeyay Shir madaxeedkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Shirkii Midowga Afrika oo waxyaabihii looga hadlay ay ugu sahlanaatay Arrinta Soomaaliya

2/3/2008 3:26 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Shirkii Midowga Afrika ee shalay lagu soo gebagebeeyay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa arrimihii looga hadlay waxaa ugu roonaatay Xaaladda Soomaaliya oo qudheeda aan la yareysan karin.

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo jawaab ka bixiyay eedeyn uu u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

2/3/2008 3:23 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn uu u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo ahayd in dilkii afhayeennada Maamulka Gobolka Banaadir ay ka dambeeyeen Odayaasha Hawiye iyo Al-Shabaab.

Taliyihii Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Beledweyne oo xalay toogasho lagu dilay

2/3/2008 3:21 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Koox hubeysan ayaa habeenimadii xalay ku toogtay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaaladda Beledweyne Taliyihii Ciidamadda Nabad-sugidda Degmadda Beledweyne Col. C/qaasim Ibraahim Xili uu ku sii jeeday Gurigiisa.

Askari xalay lagu dilay Degmada Wadajir iyo Suuqa Degmadaas oo Miino lagu aasay lagu arkay

2/3/2008 3:18 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Deegaanka Qurac Bun-jebshe ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa.



Top US diplomat for Africa meets Somaliland leader -Reuters

2/3/2008 12:59 PM EST
HARGEISA, Somalia, Feb 3 (Reuters) - The top U.S. diplomat for Africa met with the leader of the breakaway Somali republic on Sunday to discuss security in the war-wracked Horn of Africa region, the highest ranking U.S. delegation to visit Somaliland.

McGuinty should veto black schools -Toronto Star

2/3/2008 4:49 AM EST
Dalton McGuinty either thinks black-focused schools are a bad idea or he does not. If he believes what he says, that Toronto school trustees are fundamentally mistaken in their decision to set up a so-called Africentric school, then he should kill it. He has the power. He also has the responsibility.

Tyson layoffs: For families, the shock brings tears, confusion -CJOnline

2/3/2008 4:31 AM EST
EMPORIA — Fear and uncertainty are common emotions these days in Emporia.Since Tyson Foods announced Jan. 25 that it was eliminating 1,500 jobs with the closure of its local slaughter operations, company employees have been trying to figure out what their next step will be.

AU summit ends in shadow of conflict -AFP

2/3/2008 4:19 AM EST
Addis Ababa, Ethiopia (AFP) - African Union leaders condemned the latest unrest in Chad and Kenya on Saturday at the close of a summit overshadowed by new crises on the continent and which saw little headway achieved on older ones.

Roadside bomb kills 8 people riding in minibus in Somali capital -AP

2/3/2008 4:15 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) -- A roadside bomb killed eight civilians and wounded nine others when it exploded near a minibus full of passengers in the war-ravaged Somali capital on Sunday, witnesses and hospital staff said.

Ship with Russians aboard seized off Somalia -Interfax

2/3/2008 4:09 AM EST
MOSCOW/YUZHNO-SAKHALINSK. Feb 3 (Interfax) - A ship with Russian citizens aboard has been seized off Somalia.

Kenya's Rift Valley burns despite talk of peace -Reuters

2/3/2008 3:57 AM EST
KERICHO, Kenya (Reuters) - Tribal gangs burned homes and tea plantations in Kenya's Rift Valley on Saturday, sending residents fleeing with all they could carry, despite an agreement between feuding politicians to end weeks of bloodshed.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter