Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2008


Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo jawaab ka bixiyay eedeyn uu u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye-Axmed Diiriye
Axad, February 03, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn uu u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo ahayd in dilkii afhayeennada Maamulka Gobolka Banaadir ay ka dambeeyeen Odayaasha Hawiye iyo Al-Shabaab.
 
Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in uu hadalkaas aad ula yaabay, isal markaana aysan jirin wax ku xambaari kara in ay dilaan dad aan waxba ka galabsan, “Aniga markii la dilayay Maxamed Muxyaddiin Xabsi ayaan ku jiray, Cabaas Galeyr-na wuxuu ahaa nin walaalkey ah, mana jirin wax aan u dilo”ayuu yiri Axmed Diirye Cali oo sheegay in Maxamed Dheere uu ka dambeeyay xariggii loo geystay.

Afhayeenka Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu intaas ku daray in Maxamed Dheere uu golahooda eedeynayo kadib markii uu wax ka qaban waayay dadka dagaalka kala soo horjeeda, isagoo caddeeyay in ay taasi tahay mid ay cid kasta fahmi karto.

“Maxamed waa nin uu warka ka dhintay oo aan aqoonin wax uu ku hadlo, wuxuuna doonayaa in uu daboolo dhibaatadii uu dadka u geystay”ayuu yiri Axmed Diiriye oo sheegay in Maxamed Dheere uu amar ku bixiyay in la dhameeyo dad ka barakacay magaalada Muqdisho oo uu Al-Qaacidda ku tilmaamay.

“Markii horeba wixii loo soo magacaabay Maxamed Dheere waxay ahaayeen in uu dadka dhameeyo, hadana howshii ayuu hayaa”ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Diiriye Cali.

Ugu dambeyntiina, Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in Maxamed Dheere uu doonayo in uu carqaladeeyo dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ay waddo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ee ay ku dooneyso in ay  isku soo dhaweyso Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Jendayi Frazer oo booqasho ku tagtay Magaalada Hargeysa

2/3/2008 7:29 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Waxaa booqasho hal maalin ah ku tagay Magaalada Hargeysa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Jendayi Frazer iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in ay Dalalka Midowga Afrika ballanqaadeen in la kordhinayo Ciidamada Amsiom ee Soomaaliya jooga

2/3/2008 7:12 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo u waramayay Laanta Afka Soomaalig ee BBC-da ayaa sheegay in dalalka Midowga Afrika ay ballanqaadeen in la kordhinayo Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo cambaareeyay Shirkii Midowga Afrika ee lagu qabtay Magaalada Addis Ababa

2/3/2008 4:47 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Xaruntiisa dhexe ay tahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa cambaareeyay Shir madaxeedkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

8 Ruux oo ku geeriyootay Miino ku qaraxday Gaari ay saarnaayeen oo marayay agagaarka Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Magaalada Muqdisho

2/3/2008 3:32 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): 8 Ruux ayaa geeriyootay 7 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii ay Miino la kacday Gaari Mini Bus ah oo ay saarnaayeen Ganacsato Qaadka ka baayac-mushtarta oo marayay agagaarka Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi.

Shirkii Midowga Afrika oo waxyaabihii looga hadlay ay ugu sahlanaatay Arrinta Soomaaliya

2/3/2008 3:26 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Shirkii Midowga Afrika ee shalay lagu soo gebagebeeyay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa arrimihii looga hadlay waxaa ugu roonaatay Xaaladda Soomaaliya oo qudheeda aan la yareysan karin.

Taliyihii Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Beledweyne oo xalay toogasho lagu dilay

2/3/2008 3:21 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Koox hubeysan ayaa habeenimadii xalay ku toogtay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaaladda Beledweyne Taliyihii Ciidamadda Nabad-sugidda Degmadda Beledweyne Col. C/qaasim Ibraahim Xili uu ku sii jeeday Gurigiisa.

Askari xalay lagu dilay Degmada Wadajir iyo Suuqa Degmadaas oo Miino lagu aasay lagu arkay

2/3/2008 3:18 AM EST
Axad, February 03, 2008(HOL): Deegaanka Qurac Bun-jebshe ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa.



Top US diplomat for Africa meets Somaliland leader -Reuters

2/3/2008 12:59 PM EST
HARGEISA, Somalia, Feb 3 (Reuters) - The top U.S. diplomat for Africa met with the leader of the breakaway Somali republic on Sunday to discuss security in the war-wracked Horn of Africa region, the highest ranking U.S. delegation to visit Somaliland.

McGuinty should veto black schools -Toronto Star

2/3/2008 4:49 AM EST
Dalton McGuinty either thinks black-focused schools are a bad idea or he does not. If he believes what he says, that Toronto school trustees are fundamentally mistaken in their decision to set up a so-called Africentric school, then he should kill it. He has the power. He also has the responsibility.

Tyson layoffs: For families, the shock brings tears, confusion -CJOnline

2/3/2008 4:31 AM EST
EMPORIA — Fear and uncertainty are common emotions these days in Emporia.Since Tyson Foods announced Jan. 25 that it was eliminating 1,500 jobs with the closure of its local slaughter operations, company employees have been trying to figure out what their next step will be.

AU summit ends in shadow of conflict -AFP

2/3/2008 4:19 AM EST
Addis Ababa, Ethiopia (AFP) - African Union leaders condemned the latest unrest in Chad and Kenya on Saturday at the close of a summit overshadowed by new crises on the continent and which saw little headway achieved on older ones.

Roadside bomb kills 8 people riding in minibus in Somali capital -AP

2/3/2008 4:15 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) -- A roadside bomb killed eight civilians and wounded nine others when it exploded near a minibus full of passengers in the war-ravaged Somali capital on Sunday, witnesses and hospital staff said.

Ship with Russians aboard seized off Somalia -Interfax

2/3/2008 4:09 AM EST
MOSCOW/YUZHNO-SAKHALINSK. Feb 3 (Interfax) - A ship with Russian citizens aboard has been seized off Somalia.

Kenya's Rift Valley burns despite talk of peace -Reuters

2/3/2008 3:57 AM EST
KERICHO, Kenya (Reuters) - Tribal gangs burned homes and tea plantations in Kenya's Rift Valley on Saturday, sending residents fleeing with all they could carry, despite an agreement between feuding politicians to end weeks of bloodshed.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter