3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 15, 2008
Abwaan Sangub iyo Koox Fannaaniin ah oo u horkacayo oo maanta gaaray Magaalada Boosaaso

Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub
Isniin, December 15, 2008(HOL): Wafdi isugu jiraa Abaawaano iyo Fannaaniin ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso, iyadoo ay soo dhaweyn heer sare ah u sameeyeen kooxaha fanka ee ka jira Puntland iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuumadda.

Waxaa Wafdigan horkacayay Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub, waxaana ay ka soo kicitimaan dalka Jibouti halkaasoo xarun u ahaa Kooxda Deegaan ee dalka Jibouti, iyadoo arinta ay u yimaadeen ay tahay in bandhig faneedyo ay ka sameeyeen meelo ka mid ah Puntland.

Fannaantii la  socotay Abwaanka waxaa ka mid ahaa Caasho Bisle iyo Majaajiliistaha caanka ah ee Caws,waxaana markii dambe loo galbiyay hotelka Panorama oo ay deganaanayaan inta ay joogaan Boosaaso.

Abwaan Maxamuud C/llaahi Sangub ayaa sheegay in uu aad ug faraxsan yahay imaansha Puntland, isagoo intaasi ku daray in hambalyo iyo salaan uu u dirayo dhamaan shacabka Puntland.

Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso iyana  dhawaan soo gaaray fannaaniinta kala ah Xasan Wado iyo C/laahi Mire Dacar Shey si ay uga qayb qaataan bandhigyada lagu wado in lagu qabto meelo ka mid ah Puntland.

Waa markii labaad oo uu  Abwaan Sangub soo gaaro gudaha Puntland laga soo bilaabo sanadkii 1973 markaasoo ay socotay Riwaayaddii Qabriigii Jacaylka,waxaana imaanshaha kooxdan ay ku soo beegmaysaa, iyadoo kooxda Walaalaha ee gobolka Bari ay dhawaan safar ku tageen Dalka Jibouti.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somalia













Click here
12/15/2008 5:37 PM EST
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Sheikh Adan Madoobi) oo ay (VOA) ka wareystay sidii xubnaha baarlamaanka ay maanta kalsooni buuxda u siiyeen Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

12/15/2008 5:35 AM EST
Isniin, December 15, 2008(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo ayaa wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

12/15/2008 5:30 AM EST
Isniin, December 15, 2008(HOL): Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka dhacayay banaanbaxyo looga soo horjeeday xil-ka-qaadistii uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku sameeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

12/15/2008 5:29 AM EST
Isniin, December 15, 2008(HOL): Wararka laga helayo Deegaanka Qoox oo ka tirsan Tuulada Moqokori ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen Ciidamo ka tirsan Maamulka Islaamiga Gobalka kadib markii dhawaan halkaas kooxo hubeysan ku dileen Dad Rayid ah.

12/15/2008 5:28 AM EST
Isniin, December 15, 2008(HOL): Inj. Axmed Abu bakar oo ah milkiilaha Universal TV iyo wariyaha caanka ah C/salaam Hereri ayaa sheegay in muhiimadda socdaalkoodu uu ahaa sidii loogu fufudeyn lahaa Soomaalida kumanaanka gaareeysa ee ku dhaqan dalkan Koofur Afrika in ay si toos ah u daawadaan TV-ga UNIVERSAL.

12/15/2008 5:25 AM EST
Isniin, December 15, 2008(HOL): Maamulka Degmada Boosaaso ayaa lagu eedeeyay in uu wax ka qaban waayay dhibaatooyin fara badan oo haysta dadka ku nool gudaha magaalada Boosaaso iyo daafaheeda, iyadoo ay jiraan baahiyo kala duwan oo soo wajahay Shacabka degmada.