SomaliVOA
 
February-09-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2008

 

Wariyayaal Ajnabi iyo Soomaali isugu jira oo lagu qafaashay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye  


Sabti, August 23, 2008(HOL): Wariyayaashan oo u kala dhashay dalalka Somalia, Canada iyo Australia ayaa waxaa laga qafaashay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Wariyayaashan oo ah kuwo si madax-bannaan u shaqeysta ayaa la sheegay in ay rag hubeysan ka qafaasheen inta u dhaxeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Afgooye, iyagoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halkii ay la aadeen kooxihii qafaashay.

Labada Wariye ee Ajnabiga ah ayaa lagu magacaabaa Amanda, waana Gabar u dhalatay Dalka Canada, halka Ninka Australia u dhashay lagu magacaabo Nigel. Wariyaha kale ee Soomaaliga ah oo Sawir-qaade ahaana waxaa lagu magacaabaa C/fataax Maxamed Cilmi.

Sida ay sheegeen dad la socday dhaqdhaqaaqa Wariyayaashan waxa ay doonayaan Wariyayaashu in ay warbixin ka soo sameeyaan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ay ku nool yihiin Dad kumaan kun ah oo ka barakacay dagaallada iyo nabadgelyo darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Af-duubka wariyayaashan loo geystay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay dalka Soomaaliya af-duub loogu geystay dad badan oo Ajaaniib ah, kuwaasi oo badankood la sheegay in ay howlo samafal ah u tageen Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia




Qaramada Midoobay oo cambaareysay Dad rayid ah oo lagu dilay Dagaalladii Kismaayo ka dhacay
23/08/2008 10:55 AM EST

Sabti, August 23, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa ka hadlay dagaalkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Kismaayo, wuxuuna cambaareeyay dil loo geystay dad aan waxba galabsan oo dagaalladaas ku dhintay.
Todobaadka iyo Siyaasadda Soomaaliya
23/08/2008 10:17 AM EST

Todobaakan iyo Siyaasadda Soomaliya waa barnaamij ay si wadajir ah iskaga kaashadeen Radio Dalmar iyo Hiiraan Online. Waxaa todobaakan marti noogu ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah madaxa ergada Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliay oo heshiiska la gashay dowladda.
Xaaladda Magaalada Kismaayo oo degan
23/08/2008 5:09 AM EST

Sabti, August 23, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in xaaladda magaaladaas ay maanta degan tahay kadib dagaallo seddex maalmood oo xiriir ah ka socday.
Shiikh Yuusuf Indha-cadde oo sheegay in Xoogagga Al-Shabaab kaligood aysan la wareegin gacan ku heynta magaalada Kismaayo
23/08/2008 5:00 AM EST

Sabti, August 23, 2008(HOL): Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo dhinaca Gaashaandhigga u qaabilsanaa Maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin in Xoogagga Al-shabaab ay kaligood la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.
Fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin magaalada Baydhabo oo xalay la weeraray
23/08/2008 4:56 AM EST

Sabti, August 23, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay weerar lagu qaaday fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Magaaladaas, iyadoo weerarkaasina uu ku dhintay qof rayid ah.

 
Canadian journalist reported abducted in Somalia  -CBC  

23/08/2008 8:06 PM EST  
A freelance journalist from Alberta is believed to have been abducted at gunpoint near Somalia's capital Mogadishu, a family member said Saturday.

Somali gunmen kidnap 2 Western journalists  -Reuters  

23/08/2008 10:35 AM EST  
MOGADISHU (Reuters) - Gunmen kidnapped two Western journalists on Saturday near Somalia's capital Mogadishu, residents and a security source said.

UN Envoy deplored civilians killed in Kismayo  -UNPOS  

23/08/2008 9:40 AM EST  
Nairobi (UNPOS) - The UN Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, has deplored the recent killings of innocent victims and the resulting displacement of people in Kismayo.

Pirates fail to hijack Japanese ship off Somalia  -AP  

23/08/2008 9:30 AM EST  
KUALA LUMPUR, Malaysia (AP) - Pirates fired on a Japanese-operated cargo ship off Somalia on Saturday and attempted to board the vessel but failed to seize it, an international maritime watchdog said.

Female Australian journalist 'abducted in Somalia'  -AFP  

23/08/2008 9:26 AM EST  
Two journalists, an Australian woman and a Canadian man, have been abducted by unidentified armed men near Mogadishu, police and a witness have said.

Somalia port town calm after days of fighting  -AFP  

23/08/2008 9:05 AM EST  
MOGADISHU (AFP) — Somalia's southern Kismayo port was calm Saturday, residents said, after Islamists regained control following three days of bloody battles with militias that left over 40 people dead.

UN condemns civilian deaths as Somali insurgents seize major town  -DPA  

23/08/2008 8:53 AM EST  
NAIROBI/MOGADISHU - The United Nations Special Representative for Somalia Ahmedou Ould-Abdallah on Saturday condemned the killing of civilians, as Islamic insurgents seized a major town after a bloody battle.

Pirates fire on Japanese ship  -AFP  

23/08/2008 8:48 AM EST  
Kuala Lumpur - Heavily-armed Somali pirates shot at a Japanese cargo ship in a bid to hijack it in the Gulf of Aden Saturday amid an intensification of attacks off the Somali coast, a maritime watchdog said.

Denver coroner's ruling of suicide 'doesn't add up,' family says  -Ottawa Citizen  

23/08/2008 2:32 AM EST  
OTTAWA - The family of the Ottawa man who died of cyanide poisoning in a Denver hotel room is disputing autopsy findings that the man committed suicide, a family spokesman said.

Mohamed aims for bigger things at SIU  -The Southern  

23/08/2008 2:22 AM EST  
CARBONDALE - Mohamed Mohamed, a standout cross country runner for Southern Illinois University, moved to the United States at the age of 8 from Somalia.

Obama picks Joe Biden as VP candidate  -CNN  

23/08/2008 2:10 AM EST  
Sen. Barack Obama has picked Delaware Sen. Joe Biden to be his running mate, multiple Democratic sources tell CNN.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com