Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2008


Qaramada Midoobay oo cambaareysay Dad rayid ah oo lagu dilay Dagaalladii Kismaayo ka dhacay

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah
Sabti, August 23, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa ka hadlay dagaalkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Kismaayo, wuxuuna cambaareeyay dil loo geystay dad aan waxba galabsan oo dagaalladaas ku dhintay.

Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid salka ku hayay gacan ku heynta Dekedda Kismaayo oo ah il dhaqaale, wuxuuna meesha ka saaray in dagaalkaas uu siyaasad iyo arrimo kale la xiriiray.

Wuxuu ka murugooday Dajire Ahmedou Ould-Abdallah dad badan oo sidoo kale lagu dilay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo uu xusay in si aan kala sooc lahayn loogu dilay weerarro ka dhacay wadada isku xirta Magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho.

Dhinacyada ay u dhaxeeyaan dagaallada ka socda Soomaaliya ayuu Ould-Abdallah ugu baaqay in ay xurmeeyaan Baaqyada Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka Caalamiga, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in ay u istaagaan sidii ay uga dhabeyn lahaayeen Heshiiskii ay Jibouti ku gaareen.

Ugu dambeyntiina Dajire Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu xusuusiyay dhinacyada Soomaaliya ku dagaallamaya in lagula xisaabtami doono dembiyada ay gelayaan ee ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka Caalamiga ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Wariyayaal Ajnabi iyo Soomaali isugu jira oo lagu qafaashay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

8/23/2008 12:37 PM EST
Sabti, August 23, 2008(HOL): Wariyayaashan oo u kala dhashay dalalka Somalia, Canada iyo Australia ayaa waxaa laga qafaashay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Todobaadka iyo Siyaasadda Soomaaliya

8/23/2008 10:17 AM EST
Todobaakan iyo Siyaasadda Soomaliya waa barnaamij ay si wadajir ah iskaga kaashadeen Radio Dalmar iyo Hiiraan Online. Waxaa todobaakan marti noogu ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah madaxa ergada Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliay oo heshiiska la gashay dowladda.

Xaaladda Magaalada Kismaayo oo degan

8/23/2008 5:09 AM EST
Sabti, August 23, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in xaaladda magaaladaas ay maanta degan tahay kadib dagaallo seddex maalmood oo xiriir ah ka socday.

Shiikh Yuusuf Indha-cadde oo sheegay in Xoogagga Al-Shabaab kaligood aysan la wareegin gacan ku heynta magaalada Kismaayo

8/23/2008 5:00 AM EST
Sabti, August 23, 2008(HOL): Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo dhinaca Gaashaandhigga u qaabilsanaa Maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin in Xoogagga Al-shabaab ay kaligood la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.

Fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin magaalada Baydhabo oo xalay la weeraray

8/23/2008 4:56 AM EST
Sabti, August 23, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay weerar lagu qaaday fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Magaaladaas, iyadoo weerarkaasina uu ku dhintay qof rayid ah.




Canadian journalist reported abducted in Somalia -CBC

8/23/2008 8:06 PM EST
A freelance journalist from Alberta is believed to have been abducted at gunpoint near Somalia's capital Mogadishu, a family member said Saturday.

Somali gunmen kidnap 2 Western journalists -Reuters

8/23/2008 10:35 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Gunmen kidnapped two Western journalists on Saturday near Somalia's capital Mogadishu, residents and a security source said.

UN Envoy deplored civilians killed in Kismayo -UNPOS

8/23/2008 9:40 AM EST
Nairobi (UNPOS) - The UN Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, has deplored the recent killings of innocent victims and the resulting displacement of people in Kismayo.

Pirates fail to hijack Japanese ship off Somalia -AP

8/23/2008 9:30 AM EST
KUALA LUMPUR, Malaysia (AP) - Pirates fired on a Japanese-operated cargo ship off Somalia on Saturday and attempted to board the vessel but failed to seize it, an international maritime watchdog said.

Female Australian journalist 'abducted in Somalia' -AFP

8/23/2008 9:26 AM EST
Two journalists, an Australian woman and a Canadian man, have been abducted by unidentified armed men near Mogadishu, police and a witness have said.

Somalia port town calm after days of fighting -AFP

8/23/2008 9:05 AM EST
MOGADISHU (AFP) — Somalia's southern Kismayo port was calm Saturday, residents said, after Islamists regained control following three days of bloody battles with militias that left over 40 people dead.

UN condemns civilian deaths as Somali insurgents seize major town -DPA

8/23/2008 8:53 AM EST
NAIROBI/MOGADISHU - The United Nations Special Representative for Somalia Ahmedou Ould-Abdallah on Saturday condemned the killing of civilians, as Islamic insurgents seized a major town after a bloody battle.

Pirates fire on Japanese ship -AFP

8/23/2008 8:48 AM EST
Kuala Lumpur - Heavily-armed Somali pirates shot at a Japanese cargo ship in a bid to hijack it in the Gulf of Aden Saturday amid an intensification of attacks off the Somali coast, a maritime watchdog said.

Denver coroner's ruling of suicide 'doesn't add up,' family says -Ottawa Citizen

8/23/2008 2:32 AM EST
OTTAWA - The family of the Ottawa man who died of cyanide poisoning in a Denver hotel room is disputing autopsy findings that the man committed suicide, a family spokesman said.

Mohamed aims for bigger things at SIU -The Southern

8/23/2008 2:22 AM EST
CARBONDALE - Mohamed Mohamed, a standout cross country runner for Southern Illinois University, moved to the United States at the age of 8 from Somalia.

Obama picks Joe Biden as VP candidate -CNN

8/23/2008 2:10 AM EST
Sen. Barack Obama has picked Delaware Sen. Joe Biden to be his running mate, multiple Democratic sources tell CNN.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter