Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2008


Xaaladda Magaalada Kismaayo oo degan

Sabti, August 23, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in xaaladda magaaladaas ay maanta degan tahay kadib dagaallo seddex maalmood oo xiriir ah ka socday.

Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxay bilaabeen in ay dib u furtaan goobahooda ganacsiga oo ku xirmay dagaalladii ka dhacay Magaalada Kismaayo oo ahaa kuwo xooggan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Marka laga soo tago dadkii dagaalka ku dhintay oo 50 ruux kor u dhaafayay waxaa dagaalladaas ku dhaawacmay dad gaaraya 148 qofood, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, waa sida ay ku warameen dhaqaatiirta Isbitaalkaas ka howlgasha.

Dhanka kalena, Deegaanka Janaay Cabdalla oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo waramayaa in uu dagaal ku dhexmaray Maleeshiyooyinkii shalay laga saaray Magaalada Kismaayo iyo Xoogaggii Islaamiyiinta ahaa ee la dagaallamay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Maleeshiyooyinkii shalay laga saaray magaalada Kismaayo iyo saraakiishii hoggaamineysay ay u baqooleen dhinaca Gobolka Gedo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Wariyayaal Ajnabi iyo Soomaali isugu jira oo lagu qafaashay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

8/23/2008 12:37 PM EST
Sabti, August 23, 2008(HOL): Wariyayaashan oo u kala dhashay dalalka Somalia, Canada iyo Australia ayaa waxaa laga qafaashay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Qaramada Midoobay oo cambaareysay Dad rayid ah oo lagu dilay Dagaalladii Kismaayo ka dhacay

8/23/2008 10:55 AM EST
Sabti, August 23, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa ka hadlay dagaalkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Kismaayo, wuxuuna cambaareeyay dil loo geystay dad aan waxba galabsan oo dagaalladaas ku dhintay.

Todobaadka iyo Siyaasadda Soomaaliya

8/23/2008 10:17 AM EST
Todobaakan iyo Siyaasadda Soomaliya waa barnaamij ay si wadajir ah iskaga kaashadeen Radio Dalmar iyo Hiiraan Online. Waxaa todobaakan marti noogu ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah madaxa ergada Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliay oo heshiiska la gashay dowladda.

Shiikh Yuusuf Indha-cadde oo sheegay in Xoogagga Al-Shabaab kaligood aysan la wareegin gacan ku heynta magaalada Kismaayo

8/23/2008 5:00 AM EST
Sabti, August 23, 2008(HOL): Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo dhinaca Gaashaandhigga u qaabilsanaa Maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin in Xoogagga Al-shabaab ay kaligood la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.

Fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin magaalada Baydhabo oo xalay la weeraray

8/23/2008 4:56 AM EST
Sabti, August 23, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay weerar lagu qaaday fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Magaaladaas, iyadoo weerarkaasina uu ku dhintay qof rayid ah.




Canadian journalist reported abducted in Somalia -CBC

8/23/2008 8:06 PM EST
A freelance journalist from Alberta is believed to have been abducted at gunpoint near Somalia's capital Mogadishu, a family member said Saturday.

Somali gunmen kidnap 2 Western journalists -Reuters

8/23/2008 10:35 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Gunmen kidnapped two Western journalists on Saturday near Somalia's capital Mogadishu, residents and a security source said.

UN Envoy deplored civilians killed in Kismayo -UNPOS

8/23/2008 9:40 AM EST
Nairobi (UNPOS) - The UN Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, has deplored the recent killings of innocent victims and the resulting displacement of people in Kismayo.

Pirates fail to hijack Japanese ship off Somalia -AP

8/23/2008 9:30 AM EST
KUALA LUMPUR, Malaysia (AP) - Pirates fired on a Japanese-operated cargo ship off Somalia on Saturday and attempted to board the vessel but failed to seize it, an international maritime watchdog said.

Female Australian journalist 'abducted in Somalia' -AFP

8/23/2008 9:26 AM EST
Two journalists, an Australian woman and a Canadian man, have been abducted by unidentified armed men near Mogadishu, police and a witness have said.

Somalia port town calm after days of fighting -AFP

8/23/2008 9:05 AM EST
MOGADISHU (AFP) — Somalia's southern Kismayo port was calm Saturday, residents said, after Islamists regained control following three days of bloody battles with militias that left over 40 people dead.

UN condemns civilian deaths as Somali insurgents seize major town -DPA

8/23/2008 8:53 AM EST
NAIROBI/MOGADISHU - The United Nations Special Representative for Somalia Ahmedou Ould-Abdallah on Saturday condemned the killing of civilians, as Islamic insurgents seized a major town after a bloody battle.

Pirates fire on Japanese ship -AFP

8/23/2008 8:48 AM EST
Kuala Lumpur - Heavily-armed Somali pirates shot at a Japanese cargo ship in a bid to hijack it in the Gulf of Aden Saturday amid an intensification of attacks off the Somali coast, a maritime watchdog said.

Denver coroner's ruling of suicide 'doesn't add up,' family says -Ottawa Citizen

8/23/2008 2:32 AM EST
OTTAWA - The family of the Ottawa man who died of cyanide poisoning in a Denver hotel room is disputing autopsy findings that the man committed suicide, a family spokesman said.

Mohamed aims for bigger things at SIU -The Southern

8/23/2008 2:22 AM EST
CARBONDALE - Mohamed Mohamed, a standout cross country runner for Southern Illinois University, moved to the United States at the age of 8 from Somalia.

Obama picks Joe Biden as VP candidate -CNN

8/23/2008 2:10 AM EST
Sen. Barack Obama has picked Delaware Sen. Joe Biden to be his running mate, multiple Democratic sources tell CNN.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter