World Remit
 
February-09-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2008

 

Shiikh Yuusuf Indha-cadde oo sheegay in Xoogagga Al-Shabaab kaligood aysan la wareegin gacan ku heynta magaalada Kismaayo  


Sabti, August 23, 2008(HOL): Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo dhinaca Gaashaandhigga u qaabilsanaa Maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin in Xoogagga Al-shabaab ay kaligood la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.

Shiikh Yuusuf oo la hadlayay Idaacadda Horn Afrik ayaa wuxu sheegay in gacan ku heynta magaalada Kismaayo ay si wadajir ah ula wareegeen Maxkamadaha Islaamka, Jabhatul Islaamiya iyo Al-shabaab, wuxuuna caddeeyay in haatan ay Xoogagga seddexdaas qeybood ay ku wada sugan yihiin magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sheegay Shiikh Yuusuf in maamul islaami ah loo sameyn doono Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo nabadgelyo ku soo dabaali doona gobolkaas oo uu sheegay in ay dhawaanahan ka jireen falal nabadgelyo darro ah.

Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde waxaa uu sheegay in dhinacyada wadajirka ula wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ay yihiin kuwo ku mideysan jhaadka iyo difaacidda Kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulka, isagoo xusay in aysan jirin wax gaar ah oo ay ku kala duwan yihiin.

Mar wax laga weydiiyay cabsi ay ka qabaan in Magaalada Kismaayo ay weerar ku soo qaadaan xoogag dibadda uga yimaada ayuu sheegay in aysan taasi wel wel ku heynin, wuxuuna caddeeyay in aysan marka horeba nabad iyo wanaag ka sugeynin cid kasta oo ku soo duusha Soomaaliya.

Hadalka uu sii daayay Shiikh Yuusuf Indha-cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gacan ku heynta magaalada Kismaayo lagala wareegay Maleeshiyo beeleedyo in muddo ah gacanta ku hayay, kuwaasi oo magaalada ay farahooda ka baxday kadib dagaal seddex maalmood socday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia




Wariyayaal Ajnabi iyo Soomaali isugu jira oo lagu qafaashay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye
23/08/2008 12:37 PM EST

Sabti, August 23, 2008(HOL): Wariyayaashan oo u kala dhashay dalalka Somalia, Canada iyo Australia ayaa waxaa laga qafaashay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Qaramada Midoobay oo cambaareysay Dad rayid ah oo lagu dilay Dagaalladii Kismaayo ka dhacay
23/08/2008 10:55 AM EST

Sabti, August 23, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa ka hadlay dagaalkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Kismaayo, wuxuuna cambaareeyay dil loo geystay dad aan waxba galabsan oo dagaalladaas ku dhintay.
Todobaadka iyo Siyaasadda Soomaaliya
23/08/2008 10:17 AM EST

Todobaakan iyo Siyaasadda Soomaliya waa barnaamij ay si wadajir ah iskaga kaashadeen Radio Dalmar iyo Hiiraan Online. Waxaa todobaakan marti noogu ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah madaxa ergada Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliay oo heshiiska la gashay dowladda.
Xaaladda Magaalada Kismaayo oo degan
23/08/2008 5:09 AM EST

Sabti, August 23, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in xaaladda magaaladaas ay maanta degan tahay kadib dagaallo seddex maalmood oo xiriir ah ka socday.
Fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin magaalada Baydhabo oo xalay la weeraray
23/08/2008 4:56 AM EST

Sabti, August 23, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay weerar lagu qaaday fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Magaaladaas, iyadoo weerarkaasina uu ku dhintay qof rayid ah.

 
Canadian journalist reported abducted in Somalia  -CBC  

23/08/2008 8:06 PM EST  
A freelance journalist from Alberta is believed to have been abducted at gunpoint near Somalia's capital Mogadishu, a family member said Saturday.

Somali gunmen kidnap 2 Western journalists  -Reuters  

23/08/2008 10:35 AM EST  
MOGADISHU (Reuters) - Gunmen kidnapped two Western journalists on Saturday near Somalia's capital Mogadishu, residents and a security source said.

UN Envoy deplored civilians killed in Kismayo  -UNPOS  

23/08/2008 9:40 AM EST  
Nairobi (UNPOS) - The UN Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, has deplored the recent killings of innocent victims and the resulting displacement of people in Kismayo.

Pirates fail to hijack Japanese ship off Somalia  -AP  

23/08/2008 9:30 AM EST  
KUALA LUMPUR, Malaysia (AP) - Pirates fired on a Japanese-operated cargo ship off Somalia on Saturday and attempted to board the vessel but failed to seize it, an international maritime watchdog said.

Female Australian journalist 'abducted in Somalia'  -AFP  

23/08/2008 9:26 AM EST  
Two journalists, an Australian woman and a Canadian man, have been abducted by unidentified armed men near Mogadishu, police and a witness have said.

Somalia port town calm after days of fighting  -AFP  

23/08/2008 9:05 AM EST  
MOGADISHU (AFP) — Somalia's southern Kismayo port was calm Saturday, residents said, after Islamists regained control following three days of bloody battles with militias that left over 40 people dead.

UN condemns civilian deaths as Somali insurgents seize major town  -DPA  

23/08/2008 8:53 AM EST  
NAIROBI/MOGADISHU - The United Nations Special Representative for Somalia Ahmedou Ould-Abdallah on Saturday condemned the killing of civilians, as Islamic insurgents seized a major town after a bloody battle.

Pirates fire on Japanese ship  -AFP  

23/08/2008 8:48 AM EST  
Kuala Lumpur - Heavily-armed Somali pirates shot at a Japanese cargo ship in a bid to hijack it in the Gulf of Aden Saturday amid an intensification of attacks off the Somali coast, a maritime watchdog said.

Denver coroner's ruling of suicide 'doesn't add up,' family says  -Ottawa Citizen  

23/08/2008 2:32 AM EST  
OTTAWA - The family of the Ottawa man who died of cyanide poisoning in a Denver hotel room is disputing autopsy findings that the man committed suicide, a family spokesman said.

Mohamed aims for bigger things at SIU  -The Southern  

23/08/2008 2:22 AM EST  
CARBONDALE - Mohamed Mohamed, a standout cross country runner for Southern Illinois University, moved to the United States at the age of 8 from Somalia.

Obama picks Joe Biden as VP candidate  -CNN  

23/08/2008 2:10 AM EST  
Sen. Barack Obama has picked Delaware Sen. Joe Biden to be his running mate, multiple Democratic sources tell CNN.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com