
Guddoomiyaha Jabhadda Xoreynta ee ONLF & qaar ka mid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee OHIO
Guddoomiyaha ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee ONLF mudane Abdiraxmaan Mahdi ayaa ku sugan dalka Maraykanka. Waxayna kulamo la yeesheen Jaalliyadaha Somalida Ogaadenya ee ku nool cariga Maraykanka. Wafdigu waxay hore u soo mareen magaalooyinka
Hadaba Axaddii September 16, 2007 ayaa shir balaadhan oo aad loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay
Kabib, waxaa hadlkii qaatay gudoomiyaha ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan, oo jaaliyadda u sheegay in uu mudo bil u dhow uu ku sugnaa carigan Mareykanka, ujeedda socdaalkiisuna ahaa in uu la kulmo shacabka Ogadenya ee ku nool Mareykanka si aan warbixin u siino halka uu halgankayagu marayo iyo in aan la kulano dawladda Mareykanka ayuu yiri gudoomiyaha ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar. Waxa uu warbixin ka bixiyay halganka uu ururkiisu soo maray iyo halka uu hadda marayo. Mar wax laga waydiiyey xidhiidhka ka dhaxeeya ururkiisa iyo Makxamadihii Islaamiga ahaa ee laga saaray Muqdisho, wuxuu sheegay in aysan wax xidhiidh ah ka dhaxaynin. Wuxuu kaloo sheegay in halganka lagu xoraynayo Somalida Ogaadenya uu ka madax bannaan yahay siyaasadda iyo colaadda ka jirta Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ayna jeclaan lahaayeen in umadda Soomaaliyeed ay iyadu dhibaatadooda xalisto iyadoo aan dibadda laga soo fara galinin, waxa uu inta raaciyay hadii ay manta Ogaadeeniya xor ahaan laheeyd Itoobiya Somaliya kuma duusheen.
Sidoo kaloo mar wax laga waydiiyey in ururkiisu uu diyaar u yahay in nabad lagu xaliyo colaadda geeska Afrika, wuxuu sheegay inay wada hadal uu yahay sida ugu fiican ee wax lagu xallin karo, ONLF-na ay diyaar u tahay wada hadal aan shuruud ku xidhnayn inay la yeelato dawladda Itoobiya. Itoobiya ayuu ku eedeeyey inay iyadu tahay midda aan doonayn in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatada Ogaadenya.
Wuxuu Admiral Maxamed Cumar Cismaan u mahadnaqay dadwaynaha Soomaliyeed ee deggan gobolada kala duwan ee jamhuuriyuadda Soomliyeed oo uu sheegay inay taageero hiil iyo hooba ay la garab istaageen halganka ay kula jiran gumeysiga Itoobiya.

Waxaa sidoo kale goobtaa ka hadlay odayo iyo waxgarad ka socda jaaliyadda Sooomaliyeed ee deggan magaalada
Dr. Xassan Cali Mire
Suldan Axmed Goolcadde
Abdullahi Salad Warsame
Nur Cali Xassan
Ibarhim Dacar Shekeeye
Gacmo Dheere
Abdullahi Cabdi “Faracadde”
Hiiraan Online