4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Kulan dhexmarey Jaaliyada Soomaalida Iyo Madaxda magaalada Edmonton


Arboco, September 12, 2007

Edmonton, Alberta (Amin Arts) -

Taliyaha Booliska & Duqa magaalada Edmonto


Kadib markii labadii bishan toogasho lagu diley Allaha ha u naxariistee Qaasim Cabdulle Maxamed iyo Farxaan Siciid Xassan ayuu taliyaha Booliska Edmonton dalbadey kulan dhexmara Madaxda dagmada iyo Jaaliyada, kaasoo shalay ka dhacay xarrunta Jaaliyada Soomaalida, wadahadalona la-isku weydaarsadey.

Madaxdaas oo uu hogaaminayey Duqa Magaalada Stephen Mandel waxaa ka mid ahaa; Taliyaha Booliska Mike Boyd, Wakiilka Galbeedka dagmada Karen Leibovici iyo qaarkale. Dhanka kalana waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Xassan Maxamed Cali (Taataa), qaar katirsan qoyskii uu ka baxey Farxaan Siciid iyo tiro xoogan oo Soomaali ah. Furitaanki xaflada oo tacsi ubadnaa kadib waxaa la-isweydiiyey xalka sida lagu helilahaa. Halka ay madaxda dagmadu ku

Ganacsade Maxamed Maye & Dr Shukri Cabdicasiis Axmed Ciise

celcelinayeen in loobaahan yahay is aamin dhexmara Jaaliyada iyo Ciidanka Nabadgelyada, waxa ay Soomaalidu ku dhaganeyd sababta aan xal loogu helin dilalkii hore.

Lagasoo bilaabo sanadakii 2004ta, waxaa magaalada Edmonton lagu diley afar qof oo aysan ku jirin labadan marxuum. Hal dil mooyee sadexda kale wali wax raad raac ah looma helin. Sidaa la-adligeed, goobjoogayaashii shaley caro ayaa wajiyadooda ka muuqatey. Nuur oo ka mid ah odayaasha magaalada ayaa carabka ku dhuftey, Boolisku in aysan dan kalahayn wiil soogalooti ah, balse ay dhaqso ku qabtaan cidii wax udhinta wadaniga cadaanka ah siiba dhasha dadka hantida leh. Cabdicasiis, oo ah Marxuum Farxaan walaalkiis ayaa isaguna Mike Boyd weydiiyey sida uu kalsooni uga filayo Soomalida maadaama aan wali dilalkii hore wax laga qaban. Su-aalahaas iyo qaarkale oo kulkululba waxaa looga jawaabey siguud oo ay xirfadi ku dheehan tahay.

Aaskii Qaasim Cabdulle Maxamed 28tan jir iyo Farxaan Siciid Xassan 27tan jir

Goobjoogayaal halkaa ka hadley ayaa iyuguna muujiyey taageero dhaqaale oo ay dagmadu u fidiso Jaaliyada in ay wax ka tareyso hoos u dhigida dhibka ka soo foodsaarey dhalinyarada. Maxamed Maye oo ganacsatada ka mid ah ayaa taabtey Jaaliyad aan laheyn howlwadeeno u gooni ah arrimaha bulshada in aysan dhib ka hortagi Karin, lana tacaali Karin arrimaha horyaalo ee laga doonayo in wax ka qabtaan. Midka mid ah ciyaartooyada ayaa isaguna ka hadley inta uusan u anbabixin Magaalada Vancouver oo ay Kooxda Edmonton ka soo qaadey koobkii Kubada Cagta ee SYL, inuu lakulmey Qaasim iyo Farxaan oo ay weydiistey in uula joogo oo safarka ka baaqdo. Wuxuu yiri guushii Vancouver guuldarey ku dhamaatey, kadib markii tacsida tiiraanyada lehi noo timid, Anagoon dabaaldagina waxaan usoo caroowney Edmonton oo aan inaba hayaraatee wax dhaqaale ah ku taageerin dhalina ciyaaraha.

Markale, Maamulka Dagmadu waxey ku jawaabeen hadalo ay xirfadi ka muuqato iyagoo u tilmaamey Jaaliyada waxa lagudboon oo ay uguhoreyso isku duubni iyo wadashaqeyn dhexdooda ah, mana jirin wax dhaqaale ah oo loo balan qaadey.

Ugudanbeyntii, waxaa lagu balamey in lawada shaqeeyo. Hasayeeshee majiraan faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan waxa laga wada shaqeynayo iyo sida loo wadashaqeynayo midna. Sidaas la-adligeedna, waxaa kulankan lagu tilmaami karaa qowda maqashii waxna ha-uqaban.

Jaamac Farasle
Edmonton, Alberta
Xigasho: Amin Arts, Sept 12, 2007


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Edmonton


Marxuum Farxaan walaalkiis, Cabdicasiis Axmed Ciise



Mid. Gudoomiyaha Jaaliyada Xassan Taataa. Bidix Mr. Patric, Askari booliska Edmonton 



Bidix, Cabdikariim T, Cabdicasiis , Cabdinaasir  iyo Dr Shukri