4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
AXKAAMTA SOONKA (Qaybta 3aad)

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ

AlBaqa183 

Qaybta 3aad
Idris Axmed Cusmaan
 

XAALADO GAAR AH OO KU SAABSAN SOONKA

 

Axkaamta Soonka ayaan weli ku jirnaa, Allah ayaa mahad leh, intaan u gudbin cashirada ku saabsan taraawiixda, leylatul qadriga iyo ducooyinka, waxaan sii dhammeystiri doonaa inshaa Allaah xaalado gaar ah oo ku saabsan soonka.

Yaa loo fasaxay inay affuraan?   

وعلي الذين يطيقونه فدية طعام مسكين, ومن كان مريضا او علي سفر فعدة من ايام اخر Ruuxii idinka mid ah oo buka ama safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin (quudin) miskiin. Al-Baqara 185.

  • Qofka buka
  • Qofka socdaalaya ee musaafurka ah
  • Qofka da’da ku dheeratay, waayeelka aan awoodin soon
  • Dumarka caadada caadiga iyo midka dhalmada ka dib u joogto
  • Dumarka uurka leh ama canug nuujinaaya

Waxaa aayada laga fahmi karaa in quudinta masaakin ay ku waajib tahay kuwa si joogto ah soonka uu dhibayo, sida waayeelada iyo qofka u buka cudur muddo dheer haya oo aan aheyn mid degdeg looga reeysto. Inta kale sida qofka musaafurka ah iyo midka u buka cudur si dhaqsiya looga reeysto waxaa laga rabaa inay maalinta ay affureen soo gudaan (qaleeyaan) maalin kale keliya.

Maxaa u wanaagsan qofka safar ku jira inuu soomo ama inuu affuro? Haddii uu soomi karo uusan wax dhib ah ku qabin haba yaraatee weliba ay aad ugu fududahay inuu soomaanaado ayaa u wanaagsan, haddiise uu dhib ku qabo waxaa u wanaagsan inuu iska affuro oo uu maalin kale soo gudo. Tusaale waxaa u noqon kara in nebiga salallahu calayhi wasallam uu safar ku jiray asiga iyo asxaabtiisa isla markaana soomanaa, waxaa loo sheegay in soomida ay dhib ku noqotay dadka qaar, waxayna rabaan inay ogaadaan adiga waxaad sameyn doonto iyagoo ogsoon inay doorasho soomid ama affurid heystaan maadaama safar ku jiraan. Salaada casarka ka dib wuxuu u yeeray koob biyo, kor ayuu u qaaday inuu tuso inuu cabayo, wuu cabay, asxaabta way fiirinyaan, waxaa loo sheegay in weliba qaar sooman yihiin, wuxuu yiri: “Kuwaas way caasiyeen, kuwaas way caasiyeen”.  Haddii soomida iyadoo safar lagu jiro ay dhibatadeedu aad iyo aad u weyn tahay in la soomo waa xaraam. Xadiiska in nebiga salallhu calayhi wasallam uu arkay nin safar ku jira daal iyo ducfi ka muuqato, dadku hareereeyen, oo uu yiri: Maxaa ku dhacay? Lagu yiri wuu sooman yahay ka dibna yiri: In safarka lagu soomo kama mid ahan samafalka wuxuu gaar u yahay xaalada ninkaas.  Qofka aadka u da’weyn oo aan xamili karin soonka iyo qofka buka cudur aan weli daawo loo helin oo uu soonku dhibayo waxay quudinayaan hal miskiin maalin walba oo ay affuraan.

  

Maxay siinayaan masaakinta? Wax walba oo cunto ah.  Sidee u quudinayaan?

  • In cunto u diyaariyo ka dibna ugu yeero
  • In cunto aan diyaar aheyn siiyo

Anas ibn Maalik markuu waayeel noqday wuxuu soo ururin jiray soddon miskiin oo uu cunto u sameyn jiray. Labada noocba waa la sameyn karaa.

 

Qofka musaafurka ee aan soomeyn ma bilaabayo affurka ilaa uu ka dhaqaaqo oo uu ka baxo magaalada uu joogo. Maxaa yeelay weliba ma loo txigelin karo musaafir laakin waa qof safar damacsan, sidoo kale ma bilaabayo soo gaabinta salaadaha ilaa uu ka bilaabo socdaal uu ka dhex baxo magalaada.

 

Qofka buka waxaan u kala qeybin karnaa saddex qeybood:

  • In soonka waxba ka dhibeyn  oo u soomi karo sida hergeb(duray) fudud, madax xanuun aan sidaa u weyneyn, ilkaha oo xanuuna, iwm, uma banaana inuu affuro.
  • Hadduu dhib ku qabo soonka, waxaa makruuh (erayga makruuh micnahiisa fadlan eeg qeybta koowaad) ah inuu soomo waxaana loo suneeyaa inuu affuro
  • Hadduu dhib aad iyo aad u weyn ku qabo soonka, oo caafimaadkiisa ama noloshiisa qatar gelineyso, sida qof kelyaha ka jiran ama cudurka sonkrota qaba, iwm, waa ka xaraam inuu soomo.

Dumarka uurka leh ama canug nuujinaya waxaa u banaan inay affuraan. Maxaa yeelay midda uurka leh waa ku dhib gaar ahaan bilaha dambe ee dhalmada soo dhowdahay, waxaa laga yaabaa in canuga waxyeelo soo gaaro nafaqo daro awgeed. Sidoo kale ayaa midda canug nuujineyso haddii ay soonto nafaqo daro awgeed caanaha ka gurayaa oo canuga ku dhibtoonayaa. Allaha aad iyo aadka u naxriista badan ayaa u fududeeyey inay affuraan. Waxaa ku waajib ah inay soo gudaan (qaleeyaan) maalmaha ay affurren.

Maxaa ku waajib ah? Ma inay soo qaleeyaan keliya ama inay qaleeyaan oo isla markaana masaakin quudiyaan? Sababta su’aashan la isu weydiinayo waa in affurkooda noqon karo mid ku saleysan inay u cabsadaan xaalada canugooda, sidaa darteed u affureen, laakin iyagu is hubaan inay awoodaan. Arrintan waxaa loo kala qaadaa saddex xaaladood.

  • Inay u affureen inay naftooda u cabsadeen, qaleyn keliya ayaa ku waajib noqonayaa
  • Inay u affureen inay u cabsadaan canugooda, way qaleynayaan waxayna quudinayaan maalin walba oo ay affureen bedelkiisa miskiin
  • Inay u affurren maslaxadooda iyo midda canugooda, waxaa loo badiyaa inay tooda tahay waxaa ku waahib ah qaleyn keliya oo aan quudin ku jirin

Xukunkooda waa in qaleynayaan keliya oo aan ku jirin quudin miskiin, maxaa yeelay waxay kula mid yihiin sida qofka buka iyo musaafurka.

 

Wabillaahi Towfiiq

 

Wassalaamu callaykum

 

Waa socotaa….la soco qeybta 4aad Afaraad insha Allaah


 

Idris Axmed Cusmaan
E-mail: [email protected]