5/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2007
Qarax ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Arbaco, October 10, 2007(HOL): 3 qof ayaa ku geeriyootay,  9 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo maanta ka dhacay Xaafadda Calanleey ee Magaalada Kismaayo, iyadoo qaraxanina uu ka dhashay miino dhulka lagu aasay oo nooca la hago ahayd.

 

Qaraxan ayaa sida la sheegay lala beegsaday Gaari uu saarnaa Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Ninka lagu magacaabo Maxamed Cali Shire oo isagu aaney qaraxaas waxyeello ka soo gaarin.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Dadka Qaraxa ku dhintay ay ahaayeen Dad rayid ah oo ku sugnaa Goobta Qaraxa ka dhacay oo ahayd goob Suuq ah oo ay Dadku ku badnaayeen.

 

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo ayay Howl-wadeena Isbitaalka Kismaayo u diideen in ay dadka dhaawaca ah soo arkaan Saxafiyiinta, iyadoo aan la sheegi karin xaaladda ay ku sugan yihiin Dadkii dhaawaca ahaa.

 

Dhanka kalena, Ilo Wareedyo ku sugan Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa mid la damacsanaa in lagu dilo mid ka mid ah Sirdoonka Itoobiya oo ku sugan Kismaayo, kaasi oo dhowr habeen ka hor lagu weeraray isla xaafadda Calanleey.

 

Ugu dambeyntiina, Qaraxan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose, inkastoo horaantii sanadkan uu ka dhacay Qarax Bambaano nooca gacanta laga tuuro ah, kaasi oo sababay dhaawaca Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo weliba kuwa maamulka Gobolka Jubbada Hoose.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia