4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Ururka ‘Canadian Journalists for Free Expresion’ oo abaalmarin dhinaca saxaafadda ee sanadkan siiyay marxuum Ali Iman Sharmarke

Waxaa fiidnimadii khamiista oo ay bishan November aheyd kowda lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Kanada xaflad aad u weyn oo abaalmarino dhinaca saxaafadda ah lagu guddoonsiiyay suxufiyiin caalami ah oo naftooda ku waayay howsha ay hayeen iyo waliba suxufiyad ilaa iyo hada ku shaqeyneysa xaalad adag oo nafteeda khatar galineysa.

Xafladdaas abaalmarinta suxufiyiinta caalamka ee ku shaqeeya marxalado adag ayaa waxaa soo diyaariyay sanad walbana qabta ururka Kanadiyaanka ah ee (Canadian Journalists for Free Expresion).

Abaalmarinta loo yaqaano "Tara Singh Hayer Award" oo la siiyo suxufiyiinta Kanadiyaanka ah ee muujiya geesinimo dhinaca warbaahinta ah ayaa sanadkan loo gartay Allaha u naxariistee Ali Iman Sharma’arke oo ka mid ahaa milkiilayaasha shirkadda warbaahinta Hornafrik ee xarunteedu ku taallo magaalada Muqdisho,bishii Agoosto 11 keediina lagu dilay magaaladaas isagoo ka soo noqday aasiddii Allaha u naxariistee Mahad Cilmi oo ka mid ahaa shaqaalaha Hornafrik oo isagana isla subaxdaas la dilay.

Waxaa abaalmarintii loogu talogalay marxuumka xafladdaas ku guddoomay Liibaan Cumar Faarax oo matalayay qoyskii uu marxuumku ka tagay. Liibaan wuxuu xafladdaas ka jeediyay khudbad aad loo jecleystay oo isugu jirtay mahadnaq uu u soo jeediyay ururkii abaalmarinta bixiyay iyo wargalin ku saabsaneyd in qoyskooda oo ay hormood u tahay hooyadiis luul Faarax Maxamed iyo saaxiibadood ay go’aansadeen inay sameeyaan Foundation loogu magac daray Ali Iman oo ka shaqeyn doonta howshii uu Cali u taagnaa ee in isbadal dhinaca wanaagsan lagu sameeyo mujtamaca Soomaaliyeed iyadoo warbaahinta la adeegsanayo.

Waxaa sidoo kale xafladdaas gabay ay aad ugu riyaaqeen dadkii halkaas joogay oo ka badnaa shan boqol oo qof ka soo jeediyay wiil yar oo magaciisa la yiraahdo Liibaan Sahal oo uu dhalay Sahal Cabdulle oo ah suxufi Soomaaliyeed oo u shaqeynayay wakaaladda wararka ee Reuters kuna dhaawacmay isla gaarigii uu ku dhintay Cali Iimaan.

Xafladdaas oo ay wax ka xiriirineysay Carol Off oo ah daadihiyaha barnaamij la yiraahdo "As it Happens" oo ka baxa idaacadda CBC ee dalkan Canada, ayaa iyaduna si qiiro leh oo maqal iyo muuqaal ah uga hadashay howshii khatarta badneyd ee uu marxuumku ka hayay Soomaaliya, iyadoo xustay inay Xamar ku booqatay.

Waxaa kaloo xafladdaas abaalmarino lagu guddoonsiiyay Farida Nekzad oo ah wariye reer Afghanistaan ah iyo qoyskii Saher Al-Haidari oo aheyd suxufiyad u dhalalaty dalka Ciraaq oo bishii Juun ee sanadkan lagu dilay magaalada Baqdaad.

Mohamed Dahir (Cowke)
Ottawa, Canada