4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shirkii Den Haag ee xalinta dhibaatada Soomaalida


Isniin, November 19, 2007
Hiiraan Online

 

Waxaa  magaalada Hague ee dalka Holland ka dhacay shir looga hadlayey dhibaatada dalka Soomaaliya. Shirkaas oo loogu magic daray Soomaaliya – Dalkii la iloobay  Somalia Forgotten Land” ayaa waxaa qabanqaabadiisa iska kaashaday  hay’adaha kala ah: Oxfarm Novib, SFAN iyo Dalmar foundation.

 

Shirkaan oo lagu qabtay machadaka barashada Bulshada (Institute of Social Studies) ayaa waxaa is weyn uga soo qayb galay  dadweyne Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafa qaaradda Yurub.

 

Ujeedan shirkan ayaa sida ay Hiiraan Online u sheegeen qabanqaabiyayaasha shirka wuxuu ahaa in si cilmiyeesan loo baaro dowrka ay bulshada caalmaka iyo Soomaalida dibadda ka ciyaari karaan dib u dhiska  iyo nabadeynta Soomaaliya.

 

Xiriiriyayaasha Shirka

 

Waxaa shirka si habsame u daadihinayey Prof. Louk Box , Madaxa Machadka Barashada Bulshada (Institute of Social Studies), Prof. Mohamed Salih oo macalin ka ah Machadka Barashada Bulshad  - Institute of Social Studies (ISS) iyo Iman Icar oo ka socday hay’adda Dalmar Foundation


Waxaa halkaas khubad soo dhaweyna ah ka soo jeediyey Hurmoodka Machadka  Barashada Bulshada (Institute of Social Studies)  Prof. Louk Box. oo dadweynihii halkaas isugu yimid ku soo dhaweeyey magaalada Hague iyo Machadka uu madaxda ka yahay. Wuxuu codbaahiyaha (Microphone)  ku soo dhaweeyey ku-xigeenka Duqa magaalada Hague Mr. Rabin H. Baldewsingh.

 

Mr. Baldewsingh ayaa wuxuu ammaan u soo jeediyey qabanqaabiyayaasha Shirka isaga oo si gaar ah u ammaanay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Den Hag (The Hague). Waxaa halkaas ka dib ka hadlay Asad Maxamed oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha shirka kana tirsan hay'adda Dalmar Foundation.

Asad Maxamed wuxuu ka hadlay taariikhada ummadda Soomaaliyeed iyo in xalka dibaatada Soomaaliyeed u dib ugu soo noqonayo Soomaalida loona baahanyahay in aysan cid kale ku tashan.

 

 

Michele Cervone, oo ah madax qayta Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa isna ka hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen shirka Midowga Yurub oo ka yeelandoonaan arrimaha Soomaaliya 19ka bisha November iyo dibaatada ay keentay kala qaybsanaanta dowladda Federaalka. Mr. Cervone wuxuu sheegay in Midowga Yurub uu taageerayo dhismaha maamulada hoose, wuxuuna tilmaan u soo qaatay maamulkii dhawaan laga dhisay Gobolka Bakool. Ugu dambeyntii Mr. Cervone wuxuu sheegay in loo baahanyahay in Soomaalida ka wada qaybqaataan una diyaar garoobaan si ay u dhicilahayd doorasho xalaal ah sannadka 2009 sida ku xusan dastuurka federaalka Soomaaliyeed.

 

Mr. Jeremy Smith, oo ah ku xigeenka Amnesty International Netherlands qaybta Africa oo ka hadlay xasuuqa iyo ku tumashada xaquuqul aadanka ka dhacaya dalka Soomaaliya. Mr. Smith wuxuu sheegay in hay'adda Amnesty International ay aruurineyso xadgudubka loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ka dibna ay adduunyada u soo bandhigidoonto dadka ka dambeeya xadgudubkaas. Mr. Smith wuxuu ku eedeeyey dowladda Kenya in ay xadka ka xiratay dadweynaha ka soo barakacay dagaalka ka socda Soomaaliya taas oo lid ku ah sharuucda u dagsan adduunka.

 

Waxaa  haddalkii la wareegay Mr. Andebrhn Giorgis, oo ah khabiir hay'adda (International Crisis Group) kala taliya geeska Africa. Mr. Giorgis oo u dhashay dalka Eritrea ayaa warbixin kooban ka bixiyey sida dhibaatada wadamada geeska Afrika ay isugu wada xiranyihiin. Wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay dhibaatada dowladda Itoobiya ka waddo Geeska Afrika.  "Kaalmada ay dowladda Itoobiya ka hesho dalka Mareykanka ayaa waxaa suura galiyey in aysan jirin cid la xisaabtima karta dowladda Itoobiya" ayuu yiri Mr. Giorgis. "Arrintaas oo sii dhiiri galineysa in dowladda Itoobiya  ay sii waddo dhibaatada ay ka wado geeska Afrika. Waxaanse ku rajo weynahay in Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabidoona uu isbedel wanaagsan keenidoon" ayuu yiri Mr. Giorgis wuxuuna hadalkiisii ku soo gabagabeeyey in dhibaatada geeska Afrika aan marnaba lagu xalin karin dagaal milatari ee loo baahanyahay in la wada hadlo.

 

Su'aalo leysweydaarsaday ka dib, ayaa waxaa warkii la wareegey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Hormuud ka ah Qaybta Barashada Caalamiga (Inernational Studies) ee Jaamacadda Macalester College oo ku taala waddanka Mareykanka. Prof. Samatar ayaa dhibaatada maanta haysata ummadda Soomaaliyeed aasaas uga dhigay "MAAMUL XUMIDE" ka jirta dowladda FederaalkaSoomaaliya. Wuxuuna intaa ku daray in Ra'iisul Wasaare Cusub oo la soo magacaabo uusan waxba soo kordhindoonin.

 

 

Prof Samatar ayaa ku eedeeyey Umaddaha Caalamiga (International Community) in aysan dooneyn in si dhab ah wax uga qabtaan dhibaatada Soomaaliya. Wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay gobolada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi bari isaga oo diidanaa in uu carrabka ku dhufto "Somaliland" iyo Puntland" ee uu sheegay in xasilooni ka jirto goboladaas Soomaaliyeed  haddan aan wax kaalmo ah oo dhanka horumarinta aanan la gaarsiinin. Wuxuu Prof Samatar inta ku daray haddii goboladaas min $100 dollar sannadkii la galin lahaa in ay wax weyn beddeli lahayd oo lagaba yaabo in gobolada kale ay ku dayan lahaayeen

 

Prof  Axmed I. Samatar ayaa wuxuuna dadweynihii halkaas isugu yimid ku booriyey in la soo gaaray waqtigii ay Soomaali isku tashan lahayd oo leyskaba iloobo in cid kale laga sugu kaalmo.

 

Waxaa sidoo kale warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sidii laysugu xiri lahaa Soomaalida ku nool qurbaha iyo kuwa jooga waddanka gudihiisa ka  soo jeediyey Mr. Jabriil Cabdulle oo madax ka ah hay'adda "Centre for Research and Dialogue (CRD)". Wuxuuna Jabriil intaa ku daray in Soomaalida ku nool dibadda ay leeyihiin awood aad u xoog badan waxana ka qaban kara dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

 

Jabriil ayaa sheegay in kulamada noocaan oo kale ah ay ka soo bixi karaan aqoon isweydaarsi dhexmara qurba joogta Soomaaliyeed.

 

Waxaa ugu dambeystii warbixin dheer halkaas ka soo jeediyey Prof. David H. Shinn oo Danjire ka ahaan jiray waddanka Itoobiya haddana arrimaha adduunka (International Affairs) ka  dhiga Jaamacadda George Washington. Prof. Shinn ayaa warbixin dheer ka bixiyey siyaasadda dowladda Mareykana ee ku aadan geeska Africa. Wuxuuna sheegay in ay Soomaalida soo mareen fursado badan oo xal loogu heli karay dhibaatada Soomaaliya.

 

Prof. David Shinn ayaa aad u cannaantay ereyadii ka soo yeeray  Xoghayaha Qaramada Midoobe Mr.Ban Ki-moon oo sheegayey in aanan ciidamo nabad ilaalineed  la geyn karin waddanka Soomaaliya. Waxaan aad ula yaabay ayuu yiri Prof. Shinn markii uu Mr. Ban Ki-moon yiri in Soomaaliya ay ku haboontahay ciidamo ka socda Midowga Afrika.  Waxaa iga su'aal ah ayuu yiri Prof. Shinn meel ay UNka wax ka qaban waayeen miyey AUda wax ka qaban karaan?

 

Prof. Daivid Shinn ayaa khudbadiisa ku soo gabagabeeyey in la taageero wariyayaasha Soomaaliyeed oo ku tilmaamay in ay khatar ku sugan yihiin. Mujtamaca adduunka ayuu ka codsatay in ay taageero hiil iyo hooba la garab istaagaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

Waxaa shirka lagu soo gabagabeeyey laba workshop oo ku kala saabsanaa sidii ay dowladda Holland iyo Europe ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u soo celinta qarankii Soomaaliyeed ee burburay, loona heli lahaa dowlad Soomaliyeed oo ka shaqeeysa danaha shacabka Soomaliyeed 

 

Wokshopka labaad wuxuu ku saabsanaa sidii qurbajoogta Soomaaliyeed uga qaybqaadan lahaayeen nabadaynta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliyeed. Waxaa looga dooday Sidii dadka Soomaaliyeed ee dibada ku nool  ay uga soo bixi lahaayeen waajibkooda ka saaraan soo noolaynta qarankii Soomaliyeed ee burburay iyo sidii loo dhisilahaa qaran ku salaysan, democracy, cadaalaad iyo xornimo.  


Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa maalintii Axadda oo ay taariikhdu ahayd 18ka bisha November 2007 shir gooni ah ugu qabtay Soomaalida deggen dalka Holland. Warbixinta shirkaas oo xiisa leh, dib ayaan idiinku soo gudbindoonaa.