2014-04-20
Today from Hiiraan Online:  _
DHULGARIIR:MAANSADA CUSUB EE ABWAAN HADRAAWI KU SOO BANDHIGAY MUNAASIBAD WEYN OO LAGU QABTAY HARGAYSA.

Arboco, May 02, 2007

Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Xadrawi)
Hargeysa (TogdheerNews)- Xaflad ballaadhan oo lagaga hadlayey dhibaatooyinka haysta dadka la hayb-sooco, ayaa xalay lagu qabtay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa munaasibaddaa ku soo bandhigay maanso cusub oo la magac-baxday DHULGARIIR oo uu hal-abuurku kaga hadlayo xadgudubka iyo gabbood-falka loo geysto dad la hayb-sooco

Munaasibadda oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday xukuumadda, Baarlamanka [Guurtida iyo Wakiillada], axsaabta qaranka, hay’adaha samafalka caalamiga ah, ururrada bulshada rayidka ah iyo boqollaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa waxa hadal kooban ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo arrinta hayb-sooca ku tilmaamay mid salka ku haysa aragti jaahilnimo oo aan cilmi iyo caqli toona ku dhisnayn, isla markaana ay kulamada noocan oo kale ahi wax weyn ka beddeleen.

Md. Cirro waxa uu dadweynaha reer Somaliland kula dardaarmay in wax-ka-qabashada arrinta takoorka beelaha laga tirada badan yahay aan lagu suulin Karin hadallo munaasibad laga yidhaahdo, balse ay u baahan tahay in lala yimaaddo ficil dhab oo meesha lagaga saarayo.


Gudd. xisbiga mucaaradka ee UCID, Md. Faysal Cali-waraabe & Gudd. Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

“Waxaan qabaa in tallaabooyinka wax lagaga qaban karo arrintan ay ugu horreyso in dadku diinta Islaamka bartaan, kuna dhaqmaan, iyada oo aynu ognahay in loo siman yahay diinta Islaamka, balse lagu kala duwan yahay camalka, arrinta labaadna waxa weeye tacliinta oo aan qabo in ay wax weyn ka beddeli doonto iyo dhaqaalaha oo kobca. Waxaan qabaa haddii aynu iskaashano shacbi, xukuumad iyo Baarlamaan ahaanba in aynu guulaysanayno,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Mr. Faysal Cali-waraabe, ayaa tilmaamay in aragtida cunsiriyadda ee takoorka beelaha laga tirada badan yahay ku soo ururtay Somaliland, gaar ahaan Gobolka Hargeysa, marka loo eego Soomaalida kale oo dhan, taas oo uu ku sababeeyey in ay salka ku hayso qabyaalad, waxaannu soo jeediyey in sida keliya ee lagaga bixi karaa tahay iyada wacyigelinta laga soo bilaabo heer qoys, isla markaana shuruuc adag laga saaro hay’adaha ku dhaqma hayb-sooca sida dugsiyada iyo meelaha kale ee la midka ah.

Sidaa darteed, Faysal Cali-waraabe waxa uu ku taliyey in dadka laga tirada badan yahay laga qaybgeliyo maamulka dalka, isla markaana loo qoondeeyo xilal iyaga u gaar ah oo aanay cid kale la wadaagin.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo munaasibaddaa hadal ka jeediyey, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay weedhaha loo adeegsado dadka la hayb-sooco ee ay ka mid yihiin; bakhti-cun iyo gun, “Waxa caawa [xalay] ina kulmiyey waa qaddiyadda beelaha dhammaastu saaran tahay; anigu odhan maayo dadka la quudhsado’e, waa in aynu innagu hadalnaa, oo iyagu hadlaan oo lafaheenna badbaado u raadino. Waxaynu diidaynaa inaynu is-dhigano, dabadeedna sida aynu isaga fadhino dhiilku buuxsamo oo ay timaaddo ta caawa werwerku ka jiraa, waana wax aan dhici karayn in isha layska eegto oo sida ay weligeed ahaato ee wax baa imanaya ay caawa fududahay in la sii ogaado oo laga digtoonaado,” ayuu yidhi Abwaan Hadwraawi.

Isaga oo abwaanku arrintaa sii sharraxayey waxa uu intaa raaciyey; “Sannadkii 1960-kii iyo gobonimadii dagaalka lagu qaaday gumaysiga ee af iyo addinba lahaa, wuxuu ka dhexeeyey dadka dalkan ku nool oo ay ka mid yihiin kuwa aynu caawa [xalay] ka hadlayno arrintooda, dabadeedna waxa la yidhi waxaynu qaadanay gobonimo, taas oo dhinac qudha uuni qaatay oo innaga [ajiga] Ingiriis baa ina gumaysanayey, iyagana [beelaha la hayb-sooco] innaga ayaa gumaysanaynay, markaa habeenkaas uun bay haddii ragganimo jirto in la yidhaahdo laga bilaabo caawa waad nala xoroobaysaan, illeyn gobonimadaa la qaatay waxba umay soo kordhine.

Beri dhowayd waxa soo baxday sheeko la leeyahay waa la dhoofinayaa beelahaas oo waa loo gacan-haadiyey, oo dhoof baa u diyaar ah, dhoofkaasi wuxuu yimi goor dambe, kadib markii tallaabo la qaadi waayey waxa tallaabo qaaday nin kale oo arrintan [hayb-sooca] dan ka leh. Way dhoofayaan, laakiin haddii ay dhoofaan sidaa ma ku tegayaan ayaa su’aal ah? Jawaabtu waa maya, oo way dhoofayaan, waa la soo hubaynayaa, waxba waa la soo barayaa, qaddiyaddooda ayeyna helayaan jaanis ay kaga dhaadhiciyaan caalamka, garab iyo gaashaan bay soo helayaan, dhulka ayaana lagu soo celinayaa, dabadeed wixii dhacaya anigu halkaa dhaafin maayee nin rag ahi wuu garanayaa, nacasna loo sheegi maayo. Markaa waxaynu u baahanahay in ay nafaheenna badbaado u raadino oo wax macno ah oo ay inoo samaynaysaa ma jirto in dadka qaar gun noqdaan aan sabab lahayn, oo aan wax tixraac ahi jirin, meelna aan ku aroorayn, ma aha dad innaga duwan ee waa dad aynu wada dhalanay oo masiibadani [takoorka] ku habsatay oo xataa la sababayn Karin dembi ay galeen, waxana run ah in aanay bakhti cunin gunnimana la dhalan. Aniga waxa ii hal-hays ah ‘Anigu gob ku noqon maayo qof kale gunnimadii.”

Ugu dambayn, Abwaan Hadraawi waxa uu sheegay in aanay gabay iyo hadal toona waxba ka tarayn arrintan, balse loo baahan yahay xoojin ficil oo bulshada reer Somaliland kaga gilgilanayso tirtiridda dhaqanka, waxaannu u mahadnaqay ururrada soo agaasimay kulanka, gaar ahaan hal-abuurka da’da yar ee Axmed Aw Geeddi.

Boqor Axmed Iimaan oo ka mid ah madax-dhaqameedyada beelaha la hayb-sooco, ayaa qotodheer u faahfaahiyey dhibaatooyinka haysta dadka la takooro, waxaannu kulankan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muujinaya sida ay bulshada reer Somaliland u dareemeen dhibta ku habsatay beelahooda, isaga oo soo jeediyey in sida qudha ee lagaga bixi karaa tahay iyada oo bulshada wacyigelin ballaadhan laga siiyo.

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi, ayaa ku boorriyey bulshada reer Somaliland in la barto diinta Islaamka, taas oo dadka simaysa, isla markaana reebaysa xadgudubyo iyaga dhexdooda ka dhaca.
Suldaan Daahir Xasan Khaliif, ayaa sheegay in dhibaatooyinka beelaha la hayb-sooco ay keeneen dhaqaale la’aan salka ku haysa shaqo-la’aan baahsan, waxaannu u soo jeediyey masuuliyiinta qaranka in laga qaybgeliyo hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka ah.
Maansada cusub ee DHALGARIIR oo soo baxay 01/05/2007, waxa uu Abwaan Hadraawi ku bilaabay sidan:
Axmedow nin dheeraad sitoo dhiibsan baad tahay
Tukalaad u dhaaftaa kolkaad dhaliso tii roone
Dhalintii caleemaha lahayd waygu dheertahay
Dhawr iyo shan dhawr iyo haddana dahwrarba jiraa
Haddaan beegsi kala soo dhexbaxay, tooda meel dhigay
Labadii dhallaanimo lahayd ways dhar urisaa
Berberaawi dhuub iyo ka dhuub waysu dhurannaa
Ilhaamay dhiggaagiyo hablaha dhuude falanqee
Hadduu dhaguxu kala hayb tirsado dheemman baad tahay
Suugaantu waa dhaqan haddana waa sud iyo dhiib
Dhidib iyo lud bay leedihiyo dhaabad iyo meel
Dhuuxuu ka eegaa ninkii dhilan yaqaanaaye
Qofba waa dhankuu ka arko iyo meesha uu dhigo
Dadka dhiiri iyo qawl sanbaa lagu dhacsiiyaa
Sida loo dhahaabu khalqigu ugu dhegtaagaa
Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo sheel
Sida dhuuni qaataha murtida looma dheehtiro
Dhiidhiga nin laasimay hadduu dheegto waa halis
Dheeldheelligaa laga jiraa waa la dherersha
Dhexrooriyo waxa lagu hojaa weliba dhaad dhaad
Dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumucweyn.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarba intaan dhaafay sii odhan
Gabaygani dhambaal buu sidaa waayo soo dhaxay
Dhulgariirna waa kii la baxay dhalashadiisii
Dhawdhawda qaadkiyo ka culus dhaan wadaa yidhi
Kana dheer is yeelyeelka iyo ii dheh iyo faan
Qof dhabcaala mooyee nin kale waw dhadhamayaa
Xaajada halkaasaan dhigoo dhaabad baw dihin
In la sii dhaqaajay rabtaa dhaygag badanley
Oo loola dhaadhaco halkay dhuux ka leedahay
Waxaa lumay dhudhumintii runtiyo dheeli tirihii
Inta samaha dhuxulayn kartaa waa dhif iyo kow
Dhalool bay isugu biirtay iyo tii dharjo ahayd
Dhulka wuu ku soo badanayaa baal ku dhooruhu
Dhan-xiiradu haddii ay maqlaan ways dhufanayaan
Sinnaantay dhaliil moodayaan tii ilaah dhigay
Dhinacay ka joogaan sharciga waa dhis foorara
Marka ay dhanaaniga gashiyo dhiibta kala guurka
Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro dhacart jiilaal
Dhirin-dhirintu waa shay sanoo lagu dhabriiraa
Hal dhabaalahaa awgaayow tii dhamayd geliye
Hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataa
Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.
Laan dharab ka toostiyo hibooy dhool cas baad tahay
Dhalankaagu waa luulka iyo dhirahay yaaquu
Malaa roob la dhaca waad taqaan dhiinka jookha leh
Dhalankiisa shaygaa gobta ah waad u dhigantaaye
Dhibic iyo cadceed looshan iyo dheel gu’baad tahay
Qurux iyo dheg baad leedihiyo dhaabad iyo sees,
Dherer iyo laf baad leedihiyo dhaygag iyo yaab
Dhebi heeg u baxay baad ka tahay dhoobo jiifyada
Dhul fog baad ka laacdaa sidii dheenta laalida
Ruuxii ku dhawraa si buu kuugu dhegayaa
Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo misaan
Dhiidhiibsigaagiyo haddana dhuda wanaagaaga
Dheehaaga maahee shishaad dhuux u leedahaye,
Dhulka lagama soo qodin dadkee aadan baa dhalay
Adiga iyo hablaa dhinaca kale waysu dhigantaan
Dhud qudhaa ka wadda beeranteen dhaadashada guud
Dhab-dhab baad ku kala leexateen adiyo joog-dheer
Dhawaweylanka waxa kuugu wacan amase dhoohnaanta
Dhab-darrooyinkoodaa qalbigu dhaawac dumayaa
Dhimir bay ku sareen dabool baali kaa dhigay
Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday dhabannadaadiiye
Dhaqaaq joogsiggaagiyo wejiga dhaxanta saar-saaran
Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacay
Intaad adigu dhiilaysan tahay taydu waa dhicis.
Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.
Dhaf dhaf iyo hal hays beena baa soo dhab dhabateene
Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo dhoohan may cunin
Dhamaas lagu takooriyo ma jirin caado dhaaf kale
Dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigay
Dhaqankaas canbaarayanayaa saaray dhiillada
Labadii hiyiga dheehi jirey way ka dheertahay
Weligood dhibaadada aduun looma soo dhixin
Dhaan dhaano maahee kashaa dhooli dmood tahaye
Intii aad dhisnaydeen iyagu waa dhur sugayeen
Dhufaannimo hagooglay intaas kula dhex joogeene
Dharaar uun in waa kale beryey dhawrayeen abide
Dhegahay intaas la hadlayeen waa dhab may odhan
Dhibaatadana way eegayeen dhaayihii jirey
Cishaday dhanaan tahay haddii laysu dholol fayto
Dhab u dirirka waa lagu yiqiin dhaanto iyo shiishe
Ragg hadduu dhabiiltamo naftay dhigi yqiineene
In kastuu xiniin dhaafyuhuu dhiirinimo sheegto
Mar haddaan dhalliil lagu gudbayn dhgalsho mooyaane
Dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigay,
Dhar-dhaarray ahaayeen intaa dheri lahaydeene
Dhaddig iyo labkoodaa ka kale dhinacyo taagnaaye
Ninka ay dhisaan baan isagu tooda dhaydhayin
Gudmahay dhabeeyeen ka badan lag iyo dheeraade
Hadday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane
Dhaxalkiisa may soo xarayn dhogorta xoolaaye
Weligood dhalaal subag ah iyo dhaashi may heline
Dhay iyo karuur labada wel dhoosha may geline
Hadday dhami lahaayeen miduun dhiilba may tolanne
Dhegahooda maag baa qabsaday shayna may dhimine
Sibaa loo dhaliilaa haddana ruuxna may dhibine
Dhuyaal iyo kudaal bay damceen dhiigna may galine
Dhulka waa ka sii guuraayaan ruuxna may dhicine
Dhoof bay ku daasteen inay sibiq dhaqaaqaane
Dhalashada nay dooriyaan bay u dhowdahay
Dhagar inay galaan bay damceen dhaarse may marine
Dhaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligii
Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.
Godka dhidarka beelaha qotow dhowr kal baa hadhaye
Hadduu dhiillo leeyahay dulmigu waad ka dheregteene
Intaad weel manno ah dhaamiseen waa dheg weyntahaye
Dhanihii bad weyntiyo yuryuran waydinkiii dhuraye
Ulihii dharkaynkiyo cayada waydinkii dhilaye
Dhamacdiyo dabkaad quudateen maahadhalanteede
Dhayl maaha maalmaha intaad guulo dhigateene
Sabirkiina dheer iyo xaqaa tiina soo dhicine,
Adduunyada ninkii dhalad yaqaan   waw dhab tiriyaaye
Dhibaatiyo waxaa lagu yaqaan teeda dhinac taale
Markaasay is dhaaf dhaasiaa\ labada dhoomoode
Meel dhowna wuu kula kulmaa kay ka dheertahaye
Meel dheerna way kala taagan kay ku dhowdahaye
Nin xaqiina meel hoos dhigay tiisu waa dhedo,
Xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane
Naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye
Kol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye,
Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye
Sidxa dhooddi meerkii taleex haw dhaqaaqina
Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura’e
Haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo
Sidaad dhaab u soofaysateen haw dhabaynina
Cishadaad wax dhiilayn kartaan dhaafa tii culus
Dhanka eebahay xiga adduun wayska dhalanteede.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilay
Inaan dhaabbadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebi
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan.
Dhab dhabluhu markuu yimi arlada may dhammayn talo
Waatay dhufaannadu khalqiga soo dhex geliyeen
Waa kii dhammaastiyo falkiyo keenay dhallanteede
Waa kii dhibaabada la yimi dheegga dheegaha
Waa kii dhufaysyada qotee dhoombir soo rogaye
Maatay dhankaas iyo dhankaas baahday dhiilladu
Markay dhabaqday waa kii shacbigu soo dhalaashadaye
Waataad dhadhaabtiyo budkiyo dhagaxa boobteene
Gobannimada waa tii dhagdhago dhaanto loo tumaye
Dharaartaana waad wada jirteed dhiiftu kululayde
Waa loo dhammaa maalmihii laysu dhaarsadaye
Hayeeshee ma sii dhugan caqligu teeda dhinac tiille
Dhiilladu halkay weeran tahay looma faal-dhigine
Waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye
Weligeed dhan baa qaawanaa dhidibadeediiye
Xaajadu intay dhowdahay dhaymo leedahaye
Shinkeedii markay dhaaftay bay keentay dhabandheebe
Dhab-darro uma tgoosine nabsigu wuu dharaarsadaye,
Dhacan baa la saaraa halkuu eel ka dhowdahaye
Markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaa
Nin dhug lihiba wuu garanayaa suul dhabaalaha
Dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye
Dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhabacateeye
Dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye
Dhawaaq toosiyow baxay lugtii dhaaftay jeeniga
Waa kaas dhaqaaliyo hub iyo dhoof u soo helay
Dhuxul hoos ka nool iyo dabbaa soo dhabiib kici
Dhacadiidka xaajada gashiyo dhabano hayskeeda
Markii aan dhab deyey baan is idhi dhacanta sii saare
Af dhabaan-dhabkeedii haddana waan ku dhiiradaye
Dhanbaalkii digiintaan is idhi caawa yuu dhixine,
Dheehda rashiidow mar baan neefka loo dhigine
Magaceeda oo laba kordhaban yey dhawelantaa
Marka dhiilka lala hoos galay meelo dhugtaaye,
Ummadyahay dhabbaa loo hadlaa waa is dhigateene
Dulmigii lafaa dhuuxaybaad dib-u-dhar-dhaarteene
Ummad baad xaqeedii dhammaa dhababka saarteen
Gunaadkii naftii weli ma dhigin waase dhiig baxaye
Garaadkiinu waa dhaafsan yahay dhiilka buuxsamaye
Maantana waxaa idin dhex taal tii dib loo dhigaye
Caaway u dhowdahay haddaa dhugasho siisaane
Haddaan dhaymo loo helin xujada mooyi tii dhici.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilay
Inaan dhaabbadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebi
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan.
Dhillow yahaynku waa geed ka baxa dhuunta geed kale’e
Iminkuu dhabbada soo hayaa dhaankii reer Yurube
Nin kaastoo is dhoob-dhoobi jiray dhigaha loo laabye
Dheweraad hadday kala lahayd laysu soo dhuraye
Markii dhuuni loo rogay arlada dhoorku wada daalye
Dhalliinyaradu way dayriyeen dhalashadoodiiye
Waa taa ninkii dhowrsanaa qaad ku soo dhacaye
Waa taa dhabeeshii hiddaha dhaylo loo dubaye
Dhuuq-dhuuqlayaashii batiyo heen dhalaashuhu
Dheribay wada foortaa diidan dhaqankii
Dhaddigiyo labkeedii waqtigudhaal isugu keen
Ummaddii dhiraa kala lahayd ways dhex hurudda
Dheg dhegiyo lafaa dhuubtay iyo dhogor xumaantooda
Qaraamaad markay wada dhantaa dheehu doorasamay
Hadday dhoojo wada yeelatiyo dhiico iyo tuure
Haddii dhawrasaan lagu yiqiin dhimay hankeedii.
Dhibaatada xilkeedii horaa ugu dhabcaasheene
Maantana sidii dhagax dixeed hawgu sii dhegin
Inta shay la dhawrtiyo haddaan diinta kugu dhaarsho
Haddaan dhaar carriyo caaggan iyo dhaar cas kugu dhaarsho
Inta gabay dhaf leeyahay haddaan kaaga dhira fuulo
Haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan weli dhiib-dhiibo
Anigoon wax kuu dhimin haddaan dhegaha kuu buuxsho
Dhaq-dhaqaaqa ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajiyo.
Dhabtuun baa khalqigu diidayaa meesha dheer tegaye
Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye
La dhex joogi mayo arlada dheelmashow qorane
Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro
Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye.

Xigasho: TogdhereNews, May 02, 2007