4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shir lagu soo dhaweynayey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya oo ka dhacey Minneapolis.

Abdifataah M. Abdinur
Minneapolis, Minnesota
RSTV NEWSROOM

Sabti, Mar 24, 2007 - Xaflad aad u balaadhan oo si aad ah loo soo abaabulay ayaa laguna soo dhaweynayey  Safiirka Soomaalia u fadhiya Dalka Itoopiya isla markaana ah wakiilka Midowga Africa u jooga Dowlada Sowmaaliya Danjire Cabdikariin Faarax Laqanyo, oo Socdaal gaaban uu ku yimid Dalka Mareykanka Gaar ahaan Gobalka Minnesota.

Danjire Abdikarin Laqanyo


Kulankan oo ay isugu yimaadeen Qeybaha kala gadisan ee jaaliyada ku nool Gobalka waxa soo abaabulay ururka Midnimada Soomaaliyeed Xurirtiisa Minneapolis.

Masuuliyiintii goobtaas ka hadashay oo aad u badneed waxay dhamaantood ku nuux nuuxsadeen baahida loo qabo in dalka Soomaaliya laga saaro dhibaatada  dheeraatay ee ku soo noq noqanaysay mudada ku dhow  17ka Sanadood isla markaana dowlada KMG  ka ah lataageero waxay qalad gashana laga saxo.

Waxa ugu horeyntii ba hadalka furay Mudane Cabdirisaaq Duceysane oo ka tirsan Ururka ay leeyihiin Jaaliyadda Minnesota isagoo halkaasi ka jeediyey hadalo uu ku soo dhaweynayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Mudane Laqanyo, Intaa ka dib waxaa hadalkii qaarey madaxa golaha  Midnimada Soomaaliyeed Mudane Maxamed Abuukar,  oo in badan ka hadley  sida ay lama huraamka u tahay in dalka Soomaaliya lagu soo dabaalo Nabad waarta waxaana uu sidoo kale si diirran ugu soo dhaweeyey danjiraha Kulankaasi iyo Magaalada Minneapolis waxaana uu sheegey inay mar walba soo dhaweeyaan Madaxdaq Dowladda ee Dalkan timaadda waxaana uu sheegey inay mar walba masuuliyiinta siiyaan talooyinka ay u arkaan inay dan u tahay maslaxadda Umadda Soomaaliyeed.


Dahir Mire Jibril                                       Abdirahman Maleesiya          

Wuxuuna shacbiga ku booriyay in aan marmar siiyo laga dhigan Ciidamo Itoobiya ayaa dalka soo galay"waa in runta la qaabilaa Dhibka Soomaali ka la kaxeeyeyna waa in hoos loo fiiriyaa oo wixii laqabo shiraraka Dowladu ku baaqday laga sheegaa si aan dhiig ku daadan loogu heshiiyaaa" ayuu maxamed abuukar Ku soo gaba gabeeyey Hadaladiisii.

Kadib waxa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamuud Cabdulahi Singub waxaana uu abwaanku sheegey inuu asal ahaan kasoo jeedo Gobolada Soomaalida Ee Itoobiya gumeysato (Ogaden) waxaana uu sheegey inay dhibaato tahay in la isku khaldo Qaddiyadda Ogaden iyo tan Soomaaliya, waayo Soomaaliya oo dagta Dawladna yeelata ayey dani ugu jirtaa dadka ku dhaqan gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Abwaan Singub waxaa uu ku nuuxnuuxsadey in Soomaalida aysan wakhtigan la joogo u baahneyn mucaarad iyo muxaafid sababtuna waxaa uu ku sheegey in arrimahaas ay yeelan karaan dad noloshoodu ay habeysan tahay oo nabad iyo nidaam shaqeynaya haysta isla markaana mucaaradnimada ay tahay mid wax lagu dhisaayo ee aanay ahayn mid wax lagu burburinayo.
Mudane Singub waxaa uu habaarey ninkii dan gaar ah u burburinaya danta guud ee Soomaaliyeed.



Intaa ka dib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Mudane C/kariin Faarax Laqanyo isagoo si faahfaahsan uga sheekeeyey marxaladihii ay soo Martey Dowladda KMG ah gaar ahaan waxyaabihii dhex marey dowladda iyo hogaamiye kooxeedyadii ay is khilaafeen iyo arrintii soo dhexmartey dowladda KMG ah iyo Maxaakiimtii Islaamka ee Muqdisho waxaa kale oo uu si baahsan uga warramay horumarka ay ku tallaabsatey Safaaradda Soomaalida ee ku taalla Addis Ababa waxaana uu sheegey inuu ku guuleystey inuu dhiso xarun weyn oo ay leedahay Safaaraddu isagoo sheegey in dhismahaasi oo burbursanaa shaqana ay ugu dambaysay sanadkii 1978kii ay hadda si habsami leh shaqadu uga socoto uu yahay xarun lagu faani karo isagoo sheegey in kharashkii ku baxay qaarkiis uu isagu jeebkiisa ka bixiyey iyadoo qeybta kale ay bixiyeen  hay'ado iyo dowlado saaxiib ah.

Mudane Laqanyo waxaa uu ugu baaqey dadka Soomaaliyeed ee dibadda ku nool inay dalkii dib ugu soo laabtaan oo ay aqoontooda iyo Maalkooda uga faa'iideeyaan walaalhooda dalka ku nool waxaa kale oo uu sheegey inay Xafiisyadii Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika laga furayo dalka Soomaaliya loona baahn yahay aqoonyahanadii ka shaqeyn lahaa oo hawlahaas qaban lahaa.



Safiirku Mar uu ka hadlayey Ciidamada Itoobiya waxaa uu sheegey in intii badnayd ay dalka ka baxeen iyadoo ciidankii Afrikana cutubkii 3aad ay dalka imaanayaan Maalmaha soo socda waxaa kale oo uu sheegey in ciidanka Itoobiya ay baxayaan sababta ay u joogaanna ay tahay nabadgelyada oo xumaatey gaar ahaan Muqdisho waxaana uu sheegey in dadka doonaya inay la dagaalamaan ciidanka Itoobiya ay sii dheeraynayaan Joogitaankooda waxaana uu sheegey in haddii nabaddu ka hiorgasho Soomaaliya aanay jiri doonin hal askari oo shisheeye ah joogi doona.


Guud ahaan shirkaasi ayaa ahaa mid u dhacey jawi wanaagsan waxaana ugu dambayntii safiirka lagula dardaarmey inay ku dadaalaan sidii dowladdu ay dalka uga hirgalin lahayd nabad waarta oo qof walba uu ku noolaan karo kuwa dibadda ku maqana ay u soo xiisi karaan.

Abdifataah M. Abdinur
Minneapolis, Minnesota
RSTV NEWSROOM
[email protected]


Booqashada Danjire Cabdikarin Faarax Lanqanyo ee dalka Canada