5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Booqashada Danjire Cabdikarin Faarax Lanqanyo ee dalka Canada


Xildhibaan Borys Wrzesnewskyj, Danjire Abdikarim F. Laqanyo iyo Xildhibaan Allan Tonks - Labo Xildhibaan oo laga soo doortay magaalada Toronto.


Talaado, Mar 20 (HOL) - Ka dib markii uu casumaad ka helay Ururka Somali-Canadian National Congress ayaa waxaa Safar qaatay seddex maalmood ku yimid dalkan Canada Danjire Cabdikariin Faarax Laqanyo oo ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya islamarkaasna wakiil uga ah dawladda Soomaaliya Uruka Midowga Africa (African Union). Socdaalka Danjire Lanqayo ayaa ka soo bilaabey magaalada Toronto oo uu  kulamo kula yeeshay siyaasiyiin ka mid ah kuwa taageera dowladda KMG iyo qaar ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto  oo ah meelaha uga ballaaran oo ay ku noolyihiin Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibedda. Kulankaas ayuu Danjire Lanqanyo warbixin iyo xog waran dheer uga waramay xaaladda uu maanta waddanka ku sugan yahay isaga oo halkaas  kaga jawaabay  su’aalo ay weydiiyeen jaaliyaddu kana qaaday fariimo ay jaaliyadda rabaan in laga gaarsiiyo madaxda iyo dowladda KMG ah. 

Safiirku wuxuu dabadeed u soo gudbay Magaalada Ottawa oo ah Caasimada dalkan Canada. Ugu horeyn wuxuu safiirku la kulmay safiirada wadamada Ugandha iyo Itoobiya, dabadeed wuxuu u gudbay dhinacaas iyo Wasaarada Arimaha Dibada halkaas oo uu kula kulmey madaxda wasaarada Arimaha Dibedda, kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Madaxa Ururka Somali-Canadian National Congress Avv Abdirahman Hosh Jabril , Farah Aw-Osman, madaxa Ururka Canadian Friends of Somalia, Osman Ali (Dheere), Abdi Hashised (Abdi Gaab) oo ah Agaasimaha guud ee  Ururka Somali-Canadian National Congress . Kulankaasi oo wakhti dheer qaatay ayuu Danjire Laqanyo kaga codsaday dowladda Canada in ay kaalmo dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ay siiso dowladda KMG ah ee Soomaaliya isaga oo xasuusiyey in Soomaalida deggen Canada tahay Jaaliyadda ugu badan ee ka soo jeeda qaaradda Africa. 

Waxaa habeenimadii ka dhacay magaalada Ottawa  xaflado ay soo  qabanqaabiyeen  ururka Canadian Friends of Somalia. Xafladaas oo ay ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee Ottawa. Xaflada waxaa furay oo hadal qeybiye ka ahaa Gamal Hassan. Waxaa kulankaasi aayado quraan ah ku furay Sh. Omar Xaji Xuseen (Kowtame), kadibna waxaa halkaa hadallo ka jeediyey Farah Aw-Osman oo meesha ka akhriyey warbixin ku saabsan Soomaalida Ottawa, waxaa isna halkaa ka hadley Maxamuud Maxamed Xayle oo ka mid ah odayaasha magaalda Ottawa ka dibna kusoo dhoweeyey Danjire Cabdikariin Faarax Laqanyo  in uu jaaliyada uga waramo, isagoo warbixintiisa ka bilaabaya shaqada uu ka hayo xaruunta Addis Ababa. Danjire Lanqanyo ayaa ku celecliyey in  "dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Kanada ay kuso noqdaan wadankooda oo ka qeyb qaataan dib u dhiska wadanka".

Halkaan ka fiirso sawiro la xiriira socdaalka danjire Lanqanyo

Dadkii xafladdaas ka soo qaybgalay ayaa halkaas ku weydiiyey Danjire Lanqayo su’aalo ay ka mid ahaayeen mudada ay Ciidamada Itoobiya kaga bixidoonaan dalka Soomaaliya iyo waliba xadgudub la sheegay in ay ciidamada Itoobiya  u geysteen haweeney Soomaaliyeed.  Isaga oo ka jawaabayo eedeyntaas loo soo jeediyey dawladda Itoobiya ayuu Danjire Lanqanyo ku jawaabay in ilaa iyo hadda aan la haynin caddeyn la xiriira xadgudub ay geysteen ciidamada Itoobiya. Waxa uu ammaan u soo jeediyey ciidmadah Itoobiya ee ku sugan waddanka Soomaaliya isaga oo ku tilmaamay ciidan kala dambeyn leh (Discipline) oo marna aanan ku xadgubin xuquuqda shacabka Soomaaliyeed. Xafladaas ka dib ayaa ururka Canadian Friends of Somalia ayeey danjiraha iyo qaar ka mid jaaliyadda u sameeyeen casho sharaf ay ku soo dhaweynayaan Danjire Laqanyo.

Danjiruhu wuxuu sidoo kale  ka qeyb galay kulamo hore loosii qorsheeyey oo uu la kala yeeshey Safiirada wadammada Afrikaanka ah ee jooga wadankan Canada halkaas oo ay yimaadeen safiiro ka kala socda ilaa 20 wadan oo Afrikaan ah oo kala ah: Mali, Ghana, Nigeria, Egypt, Burundi, Libya, Sudan, South Africa, Madagascar, Cameron, Ethiopia, Algeria, Zambia, Senegal, Uganda, Togo, Sieraleone iyo Guinea,   xafladaas oo ay soo qaban qaabisey Safaarda Mali ee wadankan Kanada ayaa waxay ku saabsaneyd qorshaha Midowga Afrika ee ku aadan Soomaaliya iyo sidii wadamada Afrikaanku ay usii xoojin lahaayeen dadaalka ay ka wadaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya. Safiirka wadanka Yemen u fadhiya dalka Kanada ayaa isna sidoo kale xafiiskiisa ku qaabiley Danjire Laqanyo waxayna kawada hadleen xariirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen.


Standing Committee on Foreign Affairs and International Trade

Ka dib markii uu Danjiruhu dhameeystey shirarkii uu la lahaa Safiirada afrikaanka iyo Safiirka Yemen, ayuu guda galay kulamo iyo xaflado loogu qabtay Baarlamaanka Kanada halkaas oo Guddiga Joogtada ah ee Arimaha Dibada iyo Ganacsiga (Standing Committee on Foreign Affairs and International Trade) oo ka kooban afarta xisibi (Liberal, Conservative, NDP iyo PQ) ee wadankan Kanada qado sharaf ugu sameeyeen Danjiraha iyo weftigiisii. Danjire Laqanyo oo halkaas khudbad ka jeediyey ayaa ugu baaqay wadankan Kanada in ay kaalin muuqata ka qaadato arimaha Sooomaaliya arintaas oo ay Xubnihii Baarlamaanka Kanada ka aqbaleen Danjiraha, oo ay welibana balanqaad fiican u sameeyeen. Danjiruhu wuxuu sidoo kale la kulmey Wasaarada Arimaha Dibada ee Kanada oo ay isku afgarteen in ay yeeshaan wada shaqeyn dhow oo joogto ah. Danjiruhu wuxuu kaloo si gaar gaar ah ula kulmey xubnaha Baarlamaanka Kanada ka tirsan ee laga soo doorto magaalooyinka ama xaafadaha ay dadku Soomaalida ahi degan yihiin, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: Allan Tonks, Borys Wrzesnewskyj, David McGuinty iyo Derek Lee.


Danjiraha Dawlad Mareykanka u fadhiya dalka Canada iyo Danjire C/karin Faarax Lanqayo

Ugu danbeyntii waxa uu Danjire Laqanyo la kulmey Danjiraha dawlada Maraykanka u jooga wadanakan  Kanada Mudane David Wilkins oo ay ka wada hadleen xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Maraykanka isagoo si gaar ah uga codsaday Safiirka in uu kaalmo dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed ugu geeysan lahaayeed dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, iyo sidii ay u sii xoojin lahaayeen xiriirka labada dal iyo weliba arimo badan oo khuseeya labada wadan.

Intii uu Danjire Laqanyo ku sugnaa waddankan Canada ayaa qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan Canada ay la soo xiriireen xafiiska Hiiraan Online ayaga oo soo gaarsiiyey cabasho ay kaga soo horjeedaan booqashada Danjire Cabdikaim F. Lanqayo uu ku yimid dalkan Canada, waxayna ku tilmaamay in uu u shaqeynayo cadowga umadda Soomaaliyeed. Waxa ay si aad ah u cambaareeyeen dowladda uu madaxda ka yahay C/llahi Yuusuf, ayaga oo ku edeynayo in waddankii Soomaaliya uu faraha u giliyey Ciidmada Tigray oo dhibaato ba’ana ku haya waddanka Soomaaliya.

Hadaba inta aanu Danjire Laqanyo ku laaban xaruntiisa Addis Ababa, ayuu wuxuu noo sheegay in uu sii mari doonaa magaalooyin ka tirsan wadanka Maraykanka oo ka mid yihiin: Columbus, Minneapolis iyo Washington DC .