5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Socdaalka Nabadda ee Gobolka Hiiraan -

 

“Consolidating Local Peacebuilding Initiatives” 


May 31, 2007

Waxaa si rasmi uga socda Gobolka Hiiraan Socdaalka Nabbada oo ay horkacayaan Duqayda iyo wax garadka golbolka Hiiraan. Socdaalka Nabadda oo ilaa iyo hadda socda mudo asbuuc ah ayaa dadka reer Hiiraan si wanaagsan u soo dhaweeyeen.

 

Socdaalka oo looga gol lahaa siddi loo sii adkeeyn lahaa nabadda ka jirta deegaanka Hiiraan isla markaana loo xalin lahaa qilaafyadda yar yar ee  ka dhexjira beelaha degan deeganadaas ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed ee loo yaqaan CRD.

 

Geedi socodkaan soo meel kastaa oo ay tagaan si khiiro leh loogu soo dhaweeynayo, ayaa waxaa ay maalintii shalay ahayd gaareen deegaanka Buqda Caqable. Si aad qiiro leh ayaana loogu soo dhaweeyay, iyadda oo odoyaasha deegnaakuna ay dadku ku guubaabiyeen is walaaleysiga iyo isku soo dhawaanshaha dadka degan degaanka.

 

Enlarge Picture (Sawirka Weyneyso)

Ali Abdi oo ka mid ah dadkii isugu yimid deeegaanka ayaa waxaa uu yiri: Dareen rajo ah ayaa ay na galisay markii ay inoo yimaadeen ugaasyo/Wabaro ka kooban dadka ku nool gobolka,  socdaalka oo kale waxaa uu isku soo dhaweeynayaa dadka ku dhaqan gobolka”

 

Waa markii ugu horeeysay oo ay socdaal ku maraan odayaalka iyo wagaradka gobolka oo wada socda deeganka  gobolka. Socdaalka mar mar waxaa uu isku rogayay mid dabaal-deg ah. Oo dadka dareemayeen in ay yihiin dad isku mid ah oo ayan jirin qabiil-qabiil.  Mid ka mid ah odayaasha shirka ka soo qayb-galay ayaa yiri” “Mar hore ayaa iigu danbeeysay dareen Soomaalinimo in aan dareemo, shacaba Soomaaliyeed hadii uu sidaan oo kale isku dhexmaro iyadda oo cod nabadeed lagu hadlayo, dhibka Soomaaliya heyastaa waa  uu dhamaan lahaa”

 

Socdaalka Nabadda waxaa uu uu sii gudbi doonaa degaanada ay ka mid  Matabaan, Baletweyn iyo Maxaas. Talooyinka ka soo baxyaa socdaalka ayaa waxaa ka mid ah in socdaalka noocaani ah ay Xarunta CRD ku baahiso dalka oo dhan. Deegaan kastaa oo dukhaydu tagtana waxaa lagu magacaabayay gudo nabadeed oo ku biro gudo gobol oo arimaha Nabdda gobolka ka shaqeeya.


 

Halkaan ka aqriso Socdaaladii hore ee Nabadda Gobolka Hiiraan