5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 26, 2007
Beelo ku dagaalamay Deegaanka Beerxaano ee Gobolka Jubbada Hoose oo la heshiisiiyay


Khamiis, July 26, 2007HOL):
Beerxaano waa tuulo 55km dhanka galbeed ka jirta magaalo madaxda gobolka J/hoose ee Kismaayo, waxaana in mudda ahba ka socday dagaallo iyo shaqaaqooyin u dhexeeya beelaha Mareexaan oo ah Daarood iyo Gaaljecel oo ah Hawiye. Xasaradahani waxay galaafteen nolosha ilaa 40 ruux ay ka jiraan rayid aan waxba galabsan.

 

Isku dhacyadii ugu cuslaa waxay 2-4tii bishii June ee sannadkaan ka dhaceen degaanadda Ol-ole, Anjeele iyo meelo kale. Waxaa xasaradahaan ka dhashey dhibaatooyin bulsho sida barakac, dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo keenista kaalmooyinka bani-aadamnimo oo hakad ku yimid iyo isu-socodka dadka oo istaagey.

 

Kadib markii aan garowsaney xaaladdu sii xumaaneyso iyo baahida loo qabo in dhibaatada wax laga qabto ka hor inta ayan arrimuhu faraha ka bixin, gaarin-na meel aan waxba laga qaban karin ayaa Xarunta Cilmibaarista iyo Wada-tashiga (CRD) oo kaashaneysa Isimada iyo Ugaasyada beelaha kale ee degaanka oo uu ka mid yahay Ugaaska beesha Cawramale Ugaas Xuseen Hafow waxay  Xaruntu qabatey kulan hoosaadyo isdabajoog aha kalana gaar gaar ah si loo kala dhexgalo labada beelood ee dagaalamay iyadoo lagu qancinayo in mid walba ogolaado in uu yimaado miiska wada-hadalka nabbadda shuruud la?aan.

 

Kadib markii CRD iyo Duqowda darisku ku guuleysteen inuu si habsami leh qabsooma Wajigii Kowaad iyadoo la isku afgartey fikradihii guud ee la isla soo qaadey iyadoo dhinac waliba ogolaadey in la isugu yimaado wada-hadal shuruud la’aan ah ayaa waxaa lagu in guuleystey in wada-hadal la isaga hor keeno 60 ka mida Duqow, iyo Culimo ay iska soo dhex xuleen labadii beelood dagaaladda u dhexeeyeen.

 

Wada-hadalkaan oo ka fool ka fool ahaa soconayeyna labo asbuuc waxaa lagu qabtey tuulada Beer Xaano waxaana martigaliyey Hay’adda CRD. Duqowda iyo Culimadda ka soo qeybgalay ee ka socdey labada dhinac waxaa ka mid ahaa:  Cabdi Baalley, Mohamed Kulow Qayley, Mohamed Geedi (Beenguur), Suldaan Abuukar Mohamed Mohamud, Hassan Abdi Buulle, Huseen Geelle oo ka socday Gaaljecel iyo Daa’uud Dirir Guuleed, Cabdi Kheyri Haji, Sheekh Cabdi Buulle, Suldaan Mahamed Bashir Madoobe, Keynaan Mohamed Ji’iir, Qaasim Mohamed Huseen iyo kuwo kale oo ka socday beesha Mareexaan; tirada guud ee ka qebgashey waxay kor aheyd ugu yaraan 60.

 

14kii bishaan July ayey labada dhinac waxay gaareen Xabbad joojin sidoo kale Jilayaasha ugu muuqaal dheer ee ka kala socodey labada beelood oo ay weheliyaan CRD iyo Kor-joogayaal ka socdey beelaha dariska ayaa waxaa loo diray aagaga dagaalka si ay u faafiyaan go’aamada la gaaray oo ay ka mid yihiin Xabbad joojinta lagu heshiiyey iyo dadka barakaca inay u ku noqdaan guryahoodii. Ugu dambeyntii labada beelood waxay si rasmi ah heshiiska ku wada saxiixdeen Beerxaano 23da isla bishaan-Julaay. Waxaa kale oo Socod Nabadeed lagu soo maray meelaha xasaradaha ugu badani ka dhaceen sida Canjeel, Ol-ole, Laheley, Abdi-dhore, Kanjiron iyo kuwo kale oo dhowr ah. Socodkaan Nabadeed oo ay dad badani ka qeybgaleen iyadoo la socda baabuur badan oo isku daba taxay hareerahoodana lagu  lagu dhajiyey waraaqo ay qoran yihiin Oraahyo Nabadeed iyo heshiisyada oo muujinaya heshiisyada la gaarey iyo mihimadda nabaddu u leedahay bulshada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia