SomaliVOA
 
February-09-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2007

 

Qabashada Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo la sheegay in ay uga sii dareyso Qalalaasaha ka taagan Muqdisho  


Khamiis, July 12, 2007(HOL):Iyadoo Axadda soo socota lagu wado in uu Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Dib u heshiisiin Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa la sheegayaa in haddii la qabto shirkaas uu uga sii darayo Qalalaasaha ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

Timothy Othieno oo ah Cilmi Baare Sare oo ka tirsan Machadka Wada-tashiga Caalamka oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA qeybteeda Afrika la hadasha  ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu yahay mid aan loo dhameyn, sidaas darteed ay qabashadiisa dhibaato keeneyso.

 

Wuxuu sheegay in labo sababood dartood uusan shirkan ku guuleysaneynin, sababta koowaad ayuuna ku sheegay in ay tahay in uu shirkani yahay mid aan loo dhameyn, halka sababta labaadna uu ku sheegay in  ay tahay iyadoo aysan Beelaha Hawiye oo ka taliya deegaanada shirka lagu qabanayo  iyo Maxkamadihii Islaamka aysan shirkan ka qeybgeleynin.

 

Timothy Othieno waxaa uu intaas ku daray in Qabaa’illada Hawiye ee diidan ka qeybgalka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwo doonaya in ay ka taliyaan Deegaanada ay ku nool yihiin, iyadoo taasina ay dib ugu noqoneyso sharcinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu dadaal ugu jirta in ay xukunkeeda ka soo muujiso Dalka Soomaaliya, isla markaana ay taageero ka hesho dadka ku nool.

 

Cilmi-Baarahan ka tirsan Machadka Wada-Tashiga Caalamka (Institute for Global Dialogue) Mr. Timothy Othieno ayaa intaas ku daray in Dowladda Fedeaalka Soomaaliya aysan ka wada talin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, “Dowladda Federaalka ma xukunto guud ahaan caasimadda Soomaaliya, xaqiiqdiina waxaan la soconay tiro weerarro ah oo loo geystay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo uu ku jiray Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi”ayuu yiri Mr. Timothy Othieno

 

“Waxaan ka baqayaa in ay jiri doonaan qalalaase ku sii kordha Magaalada Muqdisho oo ah halka shirka dib u heshiisiinta ah lagu qaban doono”ayuuna Mr. Timothy Othieno hadalkiisa ku sii daray.

 

Mr. Timothy Othieno waxaa uu sheegay in Dadka ka soo horjeeda Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed ay mucaaradnimadooda u isticmaali doonaan Qalalaase ay sameeyaan, si ay u  muujiyaan in aan la qaban karin shir dib u heshiisiineed oo aaney raali ka ahayn Qabaa’illada Hawiye iyo Maxkamadaha Islaamka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, iyadoo qabashada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ka harsan tahay wax ka yar seddex maalmood ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Madaafiic lagu riday Xarunta Villa Somalia iyo meel aan u dheereyn halka la doonayo in shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed lagu qabto oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska ee Degmada C/Casiis.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia



Maamulka Gobolka Banaadir oo Deegaan Cusub dejinaya Dadka degan Xaafadaha aan cabirneyn ee Muqdisho
12/07/2007 8:41 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu deegaameynayo Dad laga rarayo Xaafado aan cabirneyn oo Muqdisho ku yaala.
MADAXWEYNE YUUSUF: “Hoobiye iska daaye, Qumbulatu-Duriya haddii ay soo ridaan dhegeysan meyno, dhegna u dhigi meyno, shirka waa la qabanayaa"
12/07/2007 7:32 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed la qabanayo xitaa haddii Hub Nukliyeer ah la soo rido, “Hoobiye iska daaye, Qumbulo-Duriya haddii ay soo ridaan Shirka Dib looma dhigayo, waana la qabanayaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyay sida Shir Dib u heshiisiineed Muqdisho loogu qaban karo iyadoo Madaafiic Hoobiyayaal ah lagu weerarayo Xarunta Villa Somalia iyo Halka Shirka lagu qabanayo.
Qaraxyo Muqdisho ka dhacay oo Dad ay ku dhaawacmeen
12/07/2007 5:26 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Labo Qarax oo ka kala dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
C/LLAAHI SHIIKH XASAN: “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xal ku imaan karaa in la wada hadlo”
12/07/2007 4:57 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Siyaasadda Beelaha Hawiye C/llaahi Shiikh Xasan oo ka hadlay sida xal loogu heli karo mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in aanu xalka Soomaaliya ku imaaneyn xoog iyo awood la adeegsado, “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xalka ku imaan karaa in la wada hadlo” ayuu yri C/llaahi Shiikh Xasan.
C/RAXMAAN SHIFTI: “Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waa uu qabsoomayaa xiliga loogu talagalay, ergooyinkii ka qeybgeli lahaana waa ay soo bilowdeen”
12/07/2007 4:27 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu qabsoomayo xiliga loo asteeyay ee ah 15-ka bishan.
Qaraxyo, Madaafiic iyo iska hor-imaadyo hubeysan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
12/07/2007 3:34 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa Dadka ku nool habeenkii xalay ahaa waxay u ahayd habeen cabsi leh, kadib markii ay maqleen madaaafiic, qaraxyo iyo iska hor-imaadyo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

 
Off with their heads, maybe  -The Economist  

12/07/2007 2:31 PM EST  
EARLIER this year, Ethiopian courts released many of the country's most important political dissidents from the grim Kaliti jail on the outskirts of Addis Ababa.

Public smoking ban hits Nairobi  -BBC  

12/07/2007 12:00 PM EST  
A ban on smoking in public places is being enforced in Kenya's capital Nairobi - a year after a court blocked the measure from being introduced.

Six die in fresh Mogadishu violence-residents  -Reuters  

12/07/2007 11:51 AM EST  
MOGADISHU (Reuters) - Mounting violence killed at least six people in Somalia's capital Mogadishu on Thursday ahead of a major peace meeting at the weekend, residents said.

MSF staff member killed in Somalia  -MSF  

12/07/2007 11:46 AM EST  
Geneva, July 11, 2007 – A staff member of the medical humanitarian organization Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF) was fatally shot on Monday, July 9, at 10:30 a.m. in the provincial town of Beledweyne, in the Hiraan region of Somalia.

Crossing cultural lines on family violence  -The Age  

12/07/2007 3:52 AM EST  
THE message is simple: family men don't do family violence. But making that understood, Somali imam Sheikh Abdinur Weli has found, has been more complicated.

Police plea on genital mutilation  -BBC  

12/07/2007 3:10 AM EST  
The Metropolitan Police is offering a £20,000 reward for information which would bring to justice anyone involved in female genital mutilation.

Somali opposition to hold parallel peace conference in Eritrea  -AP  

12/07/2007 3:05 AM EST  
NAIROBI (AP) — Somali opposition members based in Eritrea said Wednesday they will hold a parallel peace conference in direct competition with the Somali government, which is planning to hold peace talks in Mogadishu.

Why Dutch Kids are Happier Than Yours  -TIME  

12/07/2007 3:01 AM EST  
Dutch children are the happiest children in the industrialized world. Don't take my word for it, that was the finding of an extensive survey in UNICEF's Report Card 7.

Mortars rock Mogadishu palace before peace meeting  -Reuters  

12/07/2007 2:48 AM EST  
MOGADISHU (Reuters) - Suspected Islamist rebels fired mortar bombs at Somalia's presidential palace in Mogadishu on Wednesday, witnesses said, increasing tension ahead of a major peace meeting at the weekend.

Mortar bombs hit Somalia's presidential palace  -Xinhua  

12/07/2007 2:40 AM EST  
Mogadishu (Xinhua) - Suspected rebels have hit the presidential palace here with mortar bombs, increasing tension ahead of a planned national peace meeting this weekend.

U partners to help needy apartment residents  -The Daily Utah Chronicle  

12/07/2007 2:35 AM EST  
Mohammed Muhandeni, a refugee from Somalia, thought the United States was a place of opportunity and justice.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com