Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2007


MADAXWEYNE YUUSUF: “Hoobiye iska daaye, Qumbulatu-Duriya haddii ay soo ridaan dhegeysan meyno, dhegna u dhigi meyno, shirka waa la qabanayaa"


Khamiis, July 12, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed la qabanayo xitaa haddii Hub Nukliyeer ah la soo rido, “Hoobiye iska daaye, Qumbulatu-Duriya haddii ay soo ridaan dhegeysan meyno, dhegna u dhigi meyno, shirka waa la qabanayaa"ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyay sida Shir Dib u heshiisiineed Muqdisho loogu qaban karo iyadoo Madaafiic Hoobiyayaal ah lagu weerarayo Xarunta Villa Somalia iyo Halka Shirka lagu qabanayo.

 

Halkan ka dhegeyso

Hadalka Madaxweynaha

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay magaalada Muqdisho uga sifeyn lahayn kooxaha ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah, “Dowladda horay ayay u qabatay dad ka mid ah kooxahaas, haatanna wey ku daba jirtaa kuwa haray”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo intaas ku daray in sidoo kale ay Dowladdiisa hubka ka uruurineyso Soomaaliya oo dhan.

 

Waxaa uu ka hadlay madaxweynaha cafiskii uu u fidiyay Xubnihii ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka iyo kuwii Dowladda la dagaalamay wuxuuna  sheegay in uu weli sidiisii u taagan yahay cafiskaas, isla markaana laga faa’iideysan karo.

 

“Haddii ay nabadda qaataan oo ay dadkooda Soomaaliyeed oo walaalahooda ay ka mid noqonayaan oo Nabad, Xasilooni, Midnimo iyo Qarannimo ayay Soomaaliya u baahan tahaye ay mas’uuliyaddaas Dowladda iyo Umadda Soomaaliyeed la qaadayaan waa la saamaxay ayaan ku qornay Dikreetada aan soo saarnay” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in xubnihii ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka ee dalka isaga baxay ay dib ugu soo laaban karaan, marka laga reebo kuwo uu sheegay in ay caalamka argagixiso u aqoonsan yihiin, isagoo xaqiijiyay in aan wax dhibaato ah loo geysan doonin.

 

Maxaabiis tiradooda kor u dhaafeyso 60 ruux ayaa dhawaan laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu madaxweynaha soo saaray cafiska loo fidiyay maxaabiis oo isugu jiray kuwo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka iyo kuwo ka soo horjeeday Dowladda Federaalka.

 

Shirkaas Jaraa’id ee uu Xarunta Villa Somalia ku qabtay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiyihii Golaha Midnimada iyo Dhaqanka Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan oo isagu shir la qaatay madaxweynaha. Xaaji Cabdi Iimaan waxaa uu ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed in ay Dowladda la shaqeeyaan, isagoo dhinaca kalena carrabka ku dhuftay in aysan shacabka wax dhibaato ah uga imaan doonin dhinaca Dowladda Federaalka waa sida buu yiri uu naga ballanqaaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ka hadlay goorta ay Ciidamada Shisheeye Dalka ka baxayaan, wuxuuna caddeeyay in ay Ciidamadaas joogayaan tan iyo inta laga nabadeynayo Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho, dadkuna ay Dowladda si buuxda ula shaqeynayaan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Jaraa’id ee uu maanta qabtay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Madaafiic Hoobiyayaal ah oo qaarkood lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada ee uu Madaxweynaha degan yahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo Deegaan Cusub dejinaya Dadka degan Xaafadaha aan cabirneyn ee Muqdisho

7/12/2007 8:41 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu deegaameynayo Dad laga rarayo Xaafado aan cabirneyn oo Muqdisho ku yaala.

Qabashada Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo la sheegay in ay uga sii dareyso Qalalaasaha ka taagan Muqdisho

7/12/2007 7:44 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL):Iyadoo Axadda soo socota lagu wado in uu Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Dib u heshiisiin Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa la sheegayaa in haddii la qabto shirkaas uu uga sii darayo Qalalaasaha ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Qaraxyo Muqdisho ka dhacay oo Dad ay ku dhaawacmeen

7/12/2007 5:26 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Labo Qarax oo ka kala dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

C/LLAAHI SHIIKH XASAN: “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xal ku imaan karaa in la wada hadlo”

7/12/2007 4:57 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Siyaasadda Beelaha Hawiye C/llaahi Shiikh Xasan oo ka hadlay sida xal loogu heli karo mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in aanu xalka Soomaaliya ku imaaneyn xoog iyo awood la adeegsado, “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xalka ku imaan karaa in la wada hadlo” ayuu yri C/llaahi Shiikh Xasan.

C/RAXMAAN SHIFTI: “Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waa uu qabsoomayaa xiliga loogu talagalay, ergooyinkii ka qeybgeli lahaana waa ay soo bilowdeen”

7/12/2007 4:27 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu qabsoomayo xiliga loo asteeyay ee ah 15-ka bishan.

Qaraxyo, Madaafiic iyo iska hor-imaadyo hubeysan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

7/12/2007 3:34 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa Dadka ku nool habeenkii xalay ahaa waxay u ahayd habeen cabsi leh, kadib markii ay maqleen madaaafiic, qaraxyo iyo iska hor-imaadyo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.




Off with their heads, maybe -The Economist

7/12/2007 2:31 PM EST
EARLIER this year, Ethiopian courts released many of the country's most important political dissidents from the grim Kaliti jail on the outskirts of Addis Ababa.

Public smoking ban hits Nairobi -BBC

7/12/2007 12:00 PM EST
A ban on smoking in public places is being enforced in Kenya's capital Nairobi - a year after a court blocked the measure from being introduced.

Six die in fresh Mogadishu violence-residents -Reuters

7/12/2007 11:51 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Mounting violence killed at least six people in Somalia's capital Mogadishu on Thursday ahead of a major peace meeting at the weekend, residents said.

MSF staff member killed in Somalia -MSF

7/12/2007 11:46 AM EST
Geneva, July 11, 2007 – A staff member of the medical humanitarian organization Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF) was fatally shot on Monday, July 9, at 10:30 a.m. in the provincial town of Beledweyne, in the Hiraan region of Somalia.

Crossing cultural lines on family violence -The Age

7/12/2007 3:52 AM EST
THE message is simple: family men don't do family violence. But making that understood, Somali imam Sheikh Abdinur Weli has found, has been more complicated.

Police plea on genital mutilation -BBC

7/12/2007 3:10 AM EST
The Metropolitan Police is offering a £20,000 reward for information which would bring to justice anyone involved in female genital mutilation.

Somali opposition to hold parallel peace conference in Eritrea -AP

7/12/2007 3:05 AM EST
NAIROBI (AP) — Somali opposition members based in Eritrea said Wednesday they will hold a parallel peace conference in direct competition with the Somali government, which is planning to hold peace talks in Mogadishu.

Why Dutch Kids are Happier Than Yours -TIME

7/12/2007 3:01 AM EST
Dutch children are the happiest children in the industrialized world. Don't take my word for it, that was the finding of an extensive survey in UNICEF's Report Card 7.

Mortars rock Mogadishu palace before peace meeting -Reuters

7/12/2007 2:48 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Suspected Islamist rebels fired mortar bombs at Somalia's presidential palace in Mogadishu on Wednesday, witnesses said, increasing tension ahead of a major peace meeting at the weekend.

Mortar bombs hit Somalia's presidential palace -Xinhua

7/12/2007 2:40 AM EST
Mogadishu (Xinhua) - Suspected rebels have hit the presidential palace here with mortar bombs, increasing tension ahead of a planned national peace meeting this weekend.

U partners to help needy apartment residents -The Daily Utah Chronicle

7/12/2007 2:35 AM EST
Mohammed Muhandeni, a refugee from Somalia, thought the United States was a place of opportunity and justice.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter