SomaliVOA
 
February-09-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2007

 

Qaraxyo Muqdisho ka dhacay oo Dad ay ku dhaawacmeen  


Khamiis, July 12, 2007(HOL): Labo Qarax oo ka kala dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Qarax ka dhashay Miino Dhulka lagu aasay ayaa wuxuu ka dhacay Wadada Warshadaha, gaar ahaan meel u dhow  Xaruntii Xero Jarmal, iyadoo qaraxaasina ay ku dhaawacmeen seddex ruux oo saarnaa gaari Rakaab ah oo ku sii jeeday Suuqa Xoolaha.

 

Qaraxaasi ayaa la sheegay in loola dan lahaa Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi marayay, kuwaasi oo la sheegay in aysan wax khasaare ah ka soo gaarin Qaraxaas.

 

Labo Qarax oo kale ayaa waxay ka dhaceen gudaha Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo ka dhashay Bambooyinka gacanta laga tuuro, iyadoo qaraxyadaas kadibna ay dhacday Rasaas fara badan oo ay rideen Ciidamada Dowladda ee ku sugan gudaha Suuqaas.

 

Qaraxyadaan saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo habeenkii xalay ahaa ay Magaalada Muqdisho ka dhaceen Madaafiic qaarkood lala beegsaday Xarunta Villa Somalia ee fariisinka u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo sidoo kalena Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Suuqa Bakaaraha ayaa muddo 8 maalmood ah waxaa uu yahay mid aaney ka socon wax ganacsi ah oo la taaban karo, waxaana gudaha Suuqaas ka dhaca Qaraxyo lala beegsanayo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Rasaas ay Ciidamadaas ku jawaabayaan marka Qaraxa loo geysto.

 

Waxaanan shaqeynin go’aano ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddi Ganacsato ah oo ka socday Ganacsatada Gobolka Banaadir oo  kulan wada yeeshay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in Ciidamada Dowladda iyo Ganacsatada ay wada shaqeeyaan, in Ciidamo Boolis ah la siiyo Shirkadaha waa weyn ee Ganacsiga iyo in Gudaha Suuqa laga sameeyo Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka ee howlgallada sameynaya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii ay Magaalada Muqdisho uga dhigi lahaayeen mid ammaan ah oo la isku haleyn karo, hayeeshee waxaa dadaalkoodaas ka soo horjeeda kooxo hubeysan oo falal Dilal iyo Qaraxyo ka sameeya Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia



Maamulka Gobolka Banaadir oo Deegaan Cusub dejinaya Dadka degan Xaafadaha aan cabirneyn ee Muqdisho
12/07/2007 8:41 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu deegaameynayo Dad laga rarayo Xaafado aan cabirneyn oo Muqdisho ku yaala.
Qabashada Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo la sheegay in ay uga sii dareyso Qalalaasaha ka taagan Muqdisho
12/07/2007 7:44 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL):Iyadoo Axadda soo socota lagu wado in uu Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Dib u heshiisiin Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa la sheegayaa in haddii la qabto shirkaas uu uga sii darayo Qalalaasaha ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
MADAXWEYNE YUUSUF: “Hoobiye iska daaye, Qumbulatu-Duriya haddii ay soo ridaan dhegeysan meyno, dhegna u dhigi meyno, shirka waa la qabanayaa"
12/07/2007 7:32 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed la qabanayo xitaa haddii Hub Nukliyeer ah la soo rido, “Hoobiye iska daaye, Qumbulo-Duriya haddii ay soo ridaan Shirka Dib looma dhigayo, waana la qabanayaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyay sida Shir Dib u heshiisiineed Muqdisho loogu qaban karo iyadoo Madaafiic Hoobiyayaal ah lagu weerarayo Xarunta Villa Somalia iyo Halka Shirka lagu qabanayo.
C/LLAAHI SHIIKH XASAN: “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xal ku imaan karaa in la wada hadlo”
12/07/2007 4:57 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Siyaasadda Beelaha Hawiye C/llaahi Shiikh Xasan oo ka hadlay sida xal loogu heli karo mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in aanu xalka Soomaaliya ku imaaneyn xoog iyo awood la adeegsado, “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xalka ku imaan karaa in la wada hadlo” ayuu yri C/llaahi Shiikh Xasan.
C/RAXMAAN SHIFTI: “Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waa uu qabsoomayaa xiliga loogu talagalay, ergooyinkii ka qeybgeli lahaana waa ay soo bilowdeen”
12/07/2007 4:27 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu qabsoomayo xiliga loo asteeyay ee ah 15-ka bishan.
Qaraxyo, Madaafiic iyo iska hor-imaadyo hubeysan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
12/07/2007 3:34 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa Dadka ku nool habeenkii xalay ahaa waxay u ahayd habeen cabsi leh, kadib markii ay maqleen madaaafiic, qaraxyo iyo iska hor-imaadyo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

 
Off with their heads, maybe  -The Economist  

12/07/2007 2:31 PM EST  
EARLIER this year, Ethiopian courts released many of the country's most important political dissidents from the grim Kaliti jail on the outskirts of Addis Ababa.

Public smoking ban hits Nairobi  -BBC  

12/07/2007 12:00 PM EST  
A ban on smoking in public places is being enforced in Kenya's capital Nairobi - a year after a court blocked the measure from being introduced.

Six die in fresh Mogadishu violence-residents  -Reuters  

12/07/2007 11:51 AM EST  
MOGADISHU (Reuters) - Mounting violence killed at least six people in Somalia's capital Mogadishu on Thursday ahead of a major peace meeting at the weekend, residents said.

MSF staff member killed in Somalia  -MSF  

12/07/2007 11:46 AM EST  
Geneva, July 11, 2007 – A staff member of the medical humanitarian organization Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF) was fatally shot on Monday, July 9, at 10:30 a.m. in the provincial town of Beledweyne, in the Hiraan region of Somalia.

Crossing cultural lines on family violence  -The Age  

12/07/2007 3:52 AM EST  
THE message is simple: family men don't do family violence. But making that understood, Somali imam Sheikh Abdinur Weli has found, has been more complicated.

Police plea on genital mutilation  -BBC  

12/07/2007 3:10 AM EST  
The Metropolitan Police is offering a £20,000 reward for information which would bring to justice anyone involved in female genital mutilation.

Somali opposition to hold parallel peace conference in Eritrea  -AP  

12/07/2007 3:05 AM EST  
NAIROBI (AP) — Somali opposition members based in Eritrea said Wednesday they will hold a parallel peace conference in direct competition with the Somali government, which is planning to hold peace talks in Mogadishu.

Why Dutch Kids are Happier Than Yours  -TIME  

12/07/2007 3:01 AM EST  
Dutch children are the happiest children in the industrialized world. Don't take my word for it, that was the finding of an extensive survey in UNICEF's Report Card 7.

Mortars rock Mogadishu palace before peace meeting  -Reuters  

12/07/2007 2:48 AM EST  
MOGADISHU (Reuters) - Suspected Islamist rebels fired mortar bombs at Somalia's presidential palace in Mogadishu on Wednesday, witnesses said, increasing tension ahead of a major peace meeting at the weekend.

Mortar bombs hit Somalia's presidential palace  -Xinhua  

12/07/2007 2:40 AM EST  
Mogadishu (Xinhua) - Suspected rebels have hit the presidential palace here with mortar bombs, increasing tension ahead of a planned national peace meeting this weekend.

U partners to help needy apartment residents  -The Daily Utah Chronicle  

12/07/2007 2:35 AM EST  
Mohammed Muhandeni, a refugee from Somalia, thought the United States was a place of opportunity and justice.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com