Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2007


C/LLAAHI SHIIKH XASAN: “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xal ku imaan karaa in la wada hadlo”


Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Siyaasadda Beelaha Hawiye C/llaahi Shiikh Xasan oo ka hadlay sida xal loogu heli karo mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in aanu  xalka Soomaaliya ku imaaneyn xoog iyo awood la adeegsado, “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xalka ku imaan karaa in la wada hadlo” ayuu yri C/llaahi Shiikh Xasan.

 

Siyaasiga C/llaahi Shiikh Xasan waxaa uu sheegay in uu fikir ahaan qabo in haddii la wada hadlo oo waxa la isku hayo miiska la soo saaro in xal la gaari karo, isagoo farta ku fiiqay in uu rumeysan yahay in waxyaabaha la isku hayo ee Soomaaliya ay ka degi la’ dahay ay yihiin khilaafaadyo Siyaasad oo ka dhashay qeybsiga awoodda dalka.

 

Mar uu ka hadlayay khilaaf soo kala dhexgalay Odayaasha Beelaha Hawiye waxaa uu sheegay in la isku qabtay hala wada hadlo iyo yaan la wada hadline meel hala iska fadhiyo, “Isaga ayay jirtaa qofkii dhahaya aniga wada hadal ma doonayo meesheyda ayaana iska fadhinayaa, balse aniga iyo inta ila fikirka ah waxaan qabnaa in khilaafaadyada jira wada hadal lagu dhameeyo” ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.

 

Sidoo kalena mar uu ka hadlayay waxa ka jira wararka sheegaya in shir ay Qaar ka mida Odayaasha Beelaha Hawiye Muqdisho ku yeesheen uu ahaa mid aan loo dhameyn wuxuu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid ay ka qeybgaleen inta badan Odayaasha Beelaha Hawiye, “Odayaashii Shirka loogu talagalay waxay ahaayeen 165 Oday, waxaana shirka tagtay 132 Oday, sidaas darteed waa caddahaya in shirkaas uu ku qabsoomay aqlabiyadda Beelaha Hawiye”ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.

 

Wuxuu sheegay C/llaahi Shiikh Xasan in uu qabo in shirka laga soo qeybgeliyo Madaxda Maxkamadihii Islaamka, isla markaana lagala hadlo waxyaabaha ay tabanayaan, isagoo caddeeyay in uu aamisan yahay in aan la isku diidaneyn in la wada hadlo, hayeeshee waxyaabaha la isku mari la’ yahay ay yihiin qaabka wada hadalka.

 

Hadalka C/llaahi Shiikh Xasan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad uu ku eedeeyay Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/llaahi Shiikh Xasan oo Golahaas ka tirsanaa in ay ku biireen Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana sida uu yiri ay mansabkoodii ku bedesheen jagooyin ay Dowladda ka heleen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa waxaa la dhisay wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, iyadoo ay Odayaashan la safnaayeen xoogaggii hubeysnaa ee dagaalka la galay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo Deegaan Cusub dejinaya Dadka degan Xaafadaha aan cabirneyn ee Muqdisho

7/12/2007 8:41 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu deegaameynayo Dad laga rarayo Xaafado aan cabirneyn oo Muqdisho ku yaala.

Qabashada Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo la sheegay in ay uga sii dareyso Qalalaasaha ka taagan Muqdisho

7/12/2007 7:44 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL):Iyadoo Axadda soo socota lagu wado in uu Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Dib u heshiisiin Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa la sheegayaa in haddii la qabto shirkaas uu uga sii darayo Qalalaasaha ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNE YUUSUF: “Hoobiye iska daaye, Qumbulatu-Duriya haddii ay soo ridaan dhegeysan meyno, dhegna u dhigi meyno, shirka waa la qabanayaa"

7/12/2007 7:32 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed la qabanayo xitaa haddii Hub Nukliyeer ah la soo rido, “Hoobiye iska daaye, Qumbulo-Duriya haddii ay soo ridaan Shirka Dib looma dhigayo, waana la qabanayaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyay sida Shir Dib u heshiisiineed Muqdisho loogu qaban karo iyadoo Madaafiic Hoobiyayaal ah lagu weerarayo Xarunta Villa Somalia iyo Halka Shirka lagu qabanayo.

Qaraxyo Muqdisho ka dhacay oo Dad ay ku dhaawacmeen

7/12/2007 5:26 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Labo Qarax oo ka kala dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

C/RAXMAAN SHIFTI: “Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waa uu qabsoomayaa xiliga loogu talagalay, ergooyinkii ka qeybgeli lahaana waa ay soo bilowdeen”

7/12/2007 4:27 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu qabsoomayo xiliga loo asteeyay ee ah 15-ka bishan.

Qaraxyo, Madaafiic iyo iska hor-imaadyo hubeysan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

7/12/2007 3:34 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa Dadka ku nool habeenkii xalay ahaa waxay u ahayd habeen cabsi leh, kadib markii ay maqleen madaaafiic, qaraxyo iyo iska hor-imaadyo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.




Off with their heads, maybe -The Economist

7/12/2007 2:31 PM EST
EARLIER this year, Ethiopian courts released many of the country's most important political dissidents from the grim Kaliti jail on the outskirts of Addis Ababa.

Public smoking ban hits Nairobi -BBC

7/12/2007 12:00 PM EST
A ban on smoking in public places is being enforced in Kenya's capital Nairobi - a year after a court blocked the measure from being introduced.

Six die in fresh Mogadishu violence-residents -Reuters

7/12/2007 11:51 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Mounting violence killed at least six people in Somalia's capital Mogadishu on Thursday ahead of a major peace meeting at the weekend, residents said.

MSF staff member killed in Somalia -MSF

7/12/2007 11:46 AM EST
Geneva, July 11, 2007 – A staff member of the medical humanitarian organization Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF) was fatally shot on Monday, July 9, at 10:30 a.m. in the provincial town of Beledweyne, in the Hiraan region of Somalia.

Crossing cultural lines on family violence -The Age

7/12/2007 3:52 AM EST
THE message is simple: family men don't do family violence. But making that understood, Somali imam Sheikh Abdinur Weli has found, has been more complicated.

Police plea on genital mutilation -BBC

7/12/2007 3:10 AM EST
The Metropolitan Police is offering a £20,000 reward for information which would bring to justice anyone involved in female genital mutilation.

Somali opposition to hold parallel peace conference in Eritrea -AP

7/12/2007 3:05 AM EST
NAIROBI (AP) — Somali opposition members based in Eritrea said Wednesday they will hold a parallel peace conference in direct competition with the Somali government, which is planning to hold peace talks in Mogadishu.

Why Dutch Kids are Happier Than Yours -TIME

7/12/2007 3:01 AM EST
Dutch children are the happiest children in the industrialized world. Don't take my word for it, that was the finding of an extensive survey in UNICEF's Report Card 7.

Mortars rock Mogadishu palace before peace meeting -Reuters

7/12/2007 2:48 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Suspected Islamist rebels fired mortar bombs at Somalia's presidential palace in Mogadishu on Wednesday, witnesses said, increasing tension ahead of a major peace meeting at the weekend.

Mortar bombs hit Somalia's presidential palace -Xinhua

7/12/2007 2:40 AM EST
Mogadishu (Xinhua) - Suspected rebels have hit the presidential palace here with mortar bombs, increasing tension ahead of a planned national peace meeting this weekend.

U partners to help needy apartment residents -The Daily Utah Chronicle

7/12/2007 2:35 AM EST
Mohammed Muhandeni, a refugee from Somalia, thought the United States was a place of opportunity and justice.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter