Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2007


C/RAXMAAN SHIFTI: “Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waa uu qabsoomayaa xiliga loogu talagalay, ergooyinkii ka qeybgeli lahaana waa ay soo bilowdeen”

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu qabsoomayo xiliga loo asteeyay ee ah 15-ka bishan.

 

C/raxmaan Shifti waxaa uu sheegay in ay jirin wax caqabad ah oo keenaya in uu shirkaas dib uga dhaco waqtiga qabashadiisa loogu talagalay, isagoo farta ku fiiqay in ay diyaar yihiin wax kasta oo shirka lagu qaban lahaa.

 

“Shirka Dib  u heshiisiinta Soomaaliyeed waa uu qabsoomayaa xiliga loogu talagalay, ergooyinkii ka qeybgeli lahaana waa ay soo bilowdeen” ayuu yiri C/raxmaan Shifti, Afhayeenka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Afhayeenka waxaa uu intaas ku daray in ergooyinka shirka ka qeybgelaya ay soo bilowdeen, inta harsanna ay imaan doonaan saacadaha soo socda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Beelaha Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay shrikaas ka qeybgalaan.

 

“Ergooyinka ka imaanaya Gobollada ka fog Caasimadda Soomaaliya waxaa loogu talagalay in lagu soo daadgureeyo Diyaarado, kuwo ka imaanaya Gobollada dhowna  mar hore ayay yimaadeen, shirkana waa uu furmayaa xiligii loogu talagalay”ayuu yiri C/raxmaan Shifti.

 

Ka qeybgalka shirkaas waxaa qaadacay qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye oo sheegay in aysan shirkaas ka qeybgeleynin haddii aanan looga hadleynin khilaafaadyada Siyaasadeed, iyagoo caddeeyay in aysan jirin Beelo Soomaaliyeed oo khilaafyo u dhaxeeya laga heshiisiinayo.

 

Sidoo kalena Madaxda Maxkamadihii Islaamka oo uu horeeyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed  ayaa sheegay in aysan shirkaasi ka qeybgeleynin, iyagoo sheegay in aanu Dalka Soomaaliya ahayn mid xiligan lagu qaban karo shir dib u heshiisiineed sabab la xirirta in ay Dadka Soomaaliyeed yihiin kuwo la heysto oo aan xor ahayn.

 

Haddaba iyadoo furitaanka Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ka harsan tahay  wax ka yar 72 saacadood ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho Qaraxyo, Madaafiic iyo iska hor-imaadyo xiriir ah oo aan horay uga dhici jirin Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uga sii daraya Xaaladda Ammaan ee Magaalada Muqdisho oo awalba ahayd mid aan hagaagsaneyn.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo Deegaan Cusub dejinaya Dadka degan Xaafadaha aan cabirneyn ee Muqdisho

7/12/2007 8:41 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu deegaameynayo Dad laga rarayo Xaafado aan cabirneyn oo Muqdisho ku yaala.

Qabashada Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo la sheegay in ay uga sii dareyso Qalalaasaha ka taagan Muqdisho

7/12/2007 7:44 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL):Iyadoo Axadda soo socota lagu wado in uu Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Dib u heshiisiin Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa la sheegayaa in haddii la qabto shirkaas uu uga sii darayo Qalalaasaha ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNE YUUSUF: “Hoobiye iska daaye, Qumbulatu-Duriya haddii ay soo ridaan dhegeysan meyno, dhegna u dhigi meyno, shirka waa la qabanayaa"

7/12/2007 7:32 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed la qabanayo xitaa haddii Hub Nukliyeer ah la soo rido, “Hoobiye iska daaye, Qumbulo-Duriya haddii ay soo ridaan Shirka Dib looma dhigayo, waana la qabanayaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyay sida Shir Dib u heshiisiineed Muqdisho loogu qaban karo iyadoo Madaafiic Hoobiyayaal ah lagu weerarayo Xarunta Villa Somalia iyo Halka Shirka lagu qabanayo.

Qaraxyo Muqdisho ka dhacay oo Dad ay ku dhaawacmeen

7/12/2007 5:26 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Labo Qarax oo ka kala dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

C/LLAAHI SHIIKH XASAN: “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xal ku imaan karaa in la wada hadlo”

7/12/2007 4:57 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Siyaasadda Beelaha Hawiye C/llaahi Shiikh Xasan oo ka hadlay sida xal loogu heli karo mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in aanu xalka Soomaaliya ku imaaneyn xoog iyo awood la adeegsado, “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xalka ku imaan karaa in la wada hadlo” ayuu yri C/llaahi Shiikh Xasan.

Qaraxyo, Madaafiic iyo iska hor-imaadyo hubeysan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

7/12/2007 3:34 AM EST
Khamiis, July 12, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa Dadka ku nool habeenkii xalay ahaa waxay u ahayd habeen cabsi leh, kadib markii ay maqleen madaaafiic, qaraxyo iyo iska hor-imaadyo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.




Off with their heads, maybe -The Economist

7/12/2007 2:31 PM EST
EARLIER this year, Ethiopian courts released many of the country's most important political dissidents from the grim Kaliti jail on the outskirts of Addis Ababa.

Public smoking ban hits Nairobi -BBC

7/12/2007 12:00 PM EST
A ban on smoking in public places is being enforced in Kenya's capital Nairobi - a year after a court blocked the measure from being introduced.

Six die in fresh Mogadishu violence-residents -Reuters

7/12/2007 11:51 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Mounting violence killed at least six people in Somalia's capital Mogadishu on Thursday ahead of a major peace meeting at the weekend, residents said.

MSF staff member killed in Somalia -MSF

7/12/2007 11:46 AM EST
Geneva, July 11, 2007 – A staff member of the medical humanitarian organization Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF) was fatally shot on Monday, July 9, at 10:30 a.m. in the provincial town of Beledweyne, in the Hiraan region of Somalia.

Crossing cultural lines on family violence -The Age

7/12/2007 3:52 AM EST
THE message is simple: family men don't do family violence. But making that understood, Somali imam Sheikh Abdinur Weli has found, has been more complicated.

Police plea on genital mutilation -BBC

7/12/2007 3:10 AM EST
The Metropolitan Police is offering a £20,000 reward for information which would bring to justice anyone involved in female genital mutilation.

Somali opposition to hold parallel peace conference in Eritrea -AP

7/12/2007 3:05 AM EST
NAIROBI (AP) — Somali opposition members based in Eritrea said Wednesday they will hold a parallel peace conference in direct competition with the Somali government, which is planning to hold peace talks in Mogadishu.

Why Dutch Kids are Happier Than Yours -TIME

7/12/2007 3:01 AM EST
Dutch children are the happiest children in the industrialized world. Don't take my word for it, that was the finding of an extensive survey in UNICEF's Report Card 7.

Mortars rock Mogadishu palace before peace meeting -Reuters

7/12/2007 2:48 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Suspected Islamist rebels fired mortar bombs at Somalia's presidential palace in Mogadishu on Wednesday, witnesses said, increasing tension ahead of a major peace meeting at the weekend.

Mortar bombs hit Somalia's presidential palace -Xinhua

7/12/2007 2:40 AM EST
Mogadishu (Xinhua) - Suspected rebels have hit the presidential palace here with mortar bombs, increasing tension ahead of a planned national peace meeting this weekend.

U partners to help needy apartment residents -The Daily Utah Chronicle

7/12/2007 2:35 AM EST
Mohammed Muhandeni, a refugee from Somalia, thought the United States was a place of opportunity and justice.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter