World Remit
 
February-09-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2007

 

Qaraxyo, Madaafiic iyo iska hor-imaadyo hubeysan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho  


Khamiis, July 12, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa Dadka ku nool habeenkii xalay ahaa waxay u ahayd habeen cabsi leh, kadib markii ay maqleen madaaafiic, qaraxyo iyo iska hor-imaadyo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Dhowr Madfac oo hoobiyayaal ah ayaa habeenkii xalay ahaa lagu tuuray Xarunta Villa Somalia, kuwaasi oo qaarkood ay ku dhaceen gudaha Xarunta, halka kuwo kale oo lala waayayna ay ku dhaceen Xaruntii Ex-Fiyoore, waxaana la xaqiijiyay in ay halkaas ku naf waayeen 2 ruux, halka ay 3 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Madaafiic kale oo Hoobiyayaal ah ayaa iyagana waxaa habeenkii xalay ahaa lagu weeraray Xaafado ka tirsan Degmada C/Casiis, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ay madaafiicdaas geysteen.

 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa iyaguna xalay lagu weeraray madaafiic,  kuwaasi oo iyana ku jawaabay madaafiic waa weyn oo ay ku jireen kuwa Taangiyada laga rido.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo u waramayay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in 24 Hoobiye oo xalay lagu tuurayo meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho laga soo ganay Suuqa Bakaaraha, iyadoo ay xusid mudan tahay in Suuqaas ay beryahaan ka howlgelayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Intaas kadib iska hor-imaadyo hubeysan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa madaafiicdaas kadib waxaa ay ka dhaceen inta u dhaxeysa Isgoysyada Kaasabolbollaare iyo Bakaaraha, iyadoo halkaasina ay ku dagaalameen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Nawaaxiga Isgoyska Xararyaale ayaa sidoo kale xalay laga maqlay qaraxyo iyo rasaas daba socotay, kuwaasi oo aan la sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen, marka laga reebo in ay argagax geliyeen dadka ku nool agagaaraha halka ay qaraxyadaas ka dhaceen.

 

Dadka Muqdisho ayay maqalka madaafiicda ugu dambeysay xiligii ay socdeen dagaalladii lagu hoobtay ee dhacday bilihii Maarso iyo April ee aynu ka soo gudubnay, waxayna xalay dad badan ku sigteen in ay guryahooda ka qaxaan, si aysan waxyeello uga soo gaarin madaafiicda aan loo meel dayin ee xiliga habeenka ah la isku ridayo.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Madaafiicdii, Qaraxyadii, iyo Is-rasaaseyntii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo 72 saacadood ay ka harsan tahay waqtigii loo qabtay in uu magaalada Muqdisho ka furmo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, lamana oga in madaafiicdan loola dan leeyahay in lagu carqaladeeyo Shirkaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia



Maamulka Gobolka Banaadir oo Deegaan Cusub dejinaya Dadka degan Xaafadaha aan cabirneyn ee Muqdisho
12/07/2007 8:41 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu deegaameynayo Dad laga rarayo Xaafado aan cabirneyn oo Muqdisho ku yaala.
Qabashada Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo la sheegay in ay uga sii dareyso Qalalaasaha ka taagan Muqdisho
12/07/2007 7:44 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL):Iyadoo Axadda soo socota lagu wado in uu Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Dib u heshiisiin Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa la sheegayaa in haddii la qabto shirkaas uu uga sii darayo Qalalaasaha ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
MADAXWEYNE YUUSUF: “Hoobiye iska daaye, Qumbulatu-Duriya haddii ay soo ridaan dhegeysan meyno, dhegna u dhigi meyno, shirka waa la qabanayaa"
12/07/2007 7:32 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed la qabanayo xitaa haddii Hub Nukliyeer ah la soo rido, “Hoobiye iska daaye, Qumbulo-Duriya haddii ay soo ridaan Shirka Dib looma dhigayo, waana la qabanayaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyay sida Shir Dib u heshiisiineed Muqdisho loogu qaban karo iyadoo Madaafiic Hoobiyayaal ah lagu weerarayo Xarunta Villa Somalia iyo Halka Shirka lagu qabanayo.
Qaraxyo Muqdisho ka dhacay oo Dad ay ku dhaawacmeen
12/07/2007 5:26 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Labo Qarax oo ka kala dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
C/LLAAHI SHIIKH XASAN: “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xal ku imaan karaa in la wada hadlo”
12/07/2007 4:57 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Siyaasadda Beelaha Hawiye C/llaahi Shiikh Xasan oo ka hadlay sida xal loogu heli karo mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in aanu xalka Soomaaliya ku imaaneyn xoog iyo awood la adeegsado, “Qolo Itoobiyaan soo kaxeysatay iyo Qolo Bambo tuurtay midna xal uma keeni karto Wadankan, wuxuuna xalka ku imaan karaa in la wada hadlo” ayuu yri C/llaahi Shiikh Xasan.
C/RAXMAAN SHIFTI: “Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waa uu qabsoomayaa xiliga loogu talagalay, ergooyinkii ka qeybgeli lahaana waa ay soo bilowdeen”
12/07/2007 4:27 AM EST

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu qabsoomayo xiliga loo asteeyay ee ah 15-ka bishan.

 
Off with their heads, maybe  -The Economist  

12/07/2007 2:31 PM EST  
EARLIER this year, Ethiopian courts released many of the country's most important political dissidents from the grim Kaliti jail on the outskirts of Addis Ababa.

Public smoking ban hits Nairobi  -BBC  

12/07/2007 12:00 PM EST  
A ban on smoking in public places is being enforced in Kenya's capital Nairobi - a year after a court blocked the measure from being introduced.

Six die in fresh Mogadishu violence-residents  -Reuters  

12/07/2007 11:51 AM EST  
MOGADISHU (Reuters) - Mounting violence killed at least six people in Somalia's capital Mogadishu on Thursday ahead of a major peace meeting at the weekend, residents said.

MSF staff member killed in Somalia  -MSF  

12/07/2007 11:46 AM EST  
Geneva, July 11, 2007 – A staff member of the medical humanitarian organization Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF) was fatally shot on Monday, July 9, at 10:30 a.m. in the provincial town of Beledweyne, in the Hiraan region of Somalia.

Crossing cultural lines on family violence  -The Age  

12/07/2007 3:52 AM EST  
THE message is simple: family men don't do family violence. But making that understood, Somali imam Sheikh Abdinur Weli has found, has been more complicated.

Police plea on genital mutilation  -BBC  

12/07/2007 3:10 AM EST  
The Metropolitan Police is offering a £20,000 reward for information which would bring to justice anyone involved in female genital mutilation.

Somali opposition to hold parallel peace conference in Eritrea  -AP  

12/07/2007 3:05 AM EST  
NAIROBI (AP) — Somali opposition members based in Eritrea said Wednesday they will hold a parallel peace conference in direct competition with the Somali government, which is planning to hold peace talks in Mogadishu.

Why Dutch Kids are Happier Than Yours  -TIME  

12/07/2007 3:01 AM EST  
Dutch children are the happiest children in the industrialized world. Don't take my word for it, that was the finding of an extensive survey in UNICEF's Report Card 7.

Mortars rock Mogadishu palace before peace meeting  -Reuters  

12/07/2007 2:48 AM EST  
MOGADISHU (Reuters) - Suspected Islamist rebels fired mortar bombs at Somalia's presidential palace in Mogadishu on Wednesday, witnesses said, increasing tension ahead of a major peace meeting at the weekend.

Mortar bombs hit Somalia's presidential palace  -Xinhua  

12/07/2007 2:40 AM EST  
Mogadishu (Xinhua) - Suspected rebels have hit the presidential palace here with mortar bombs, increasing tension ahead of a planned national peace meeting this weekend.

U partners to help needy apartment residents  -The Daily Utah Chronicle  

12/07/2007 2:35 AM EST  
Mohammed Muhandeni, a refugee from Somalia, thought the United States was a place of opportunity and justice.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com