4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
ALLE TUUG (Gabay)

Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon

 

Bilowgii bishaan Jan 2007 ayaan waxaan tiriyey tix magaceedu ahaa “Qabrigiin dun Soomaaliyeey Qoon xun baad tahaye”. Tixdaas waxaan ku muujiyey sida aan uga rajo go’ay in Soomaalidu noqoto ummad aragti, iimaan iyo midnimo leh. Qaar ka mid ah walaalaha oo tixdaas akhristay ayaa welwel ka muujiyey quustaas gabaygu muujinayo iyo ereyga “Qabrigiin dun” ee hooriska u ahaa, waxayna iga codsadeen in aan tix kale oo duco ah ka daba geeyo, waana tan tixdii “Alle tuug”.

 

  1. Tix ayaan dhaweyd aan tirshaad ka anfariirteene
  2. “Qabrigiin dun” ereygii ahaa waa ka olosheene
  3. In Ilaah canaan uu ka dhigo cidu ku aafoobin
  4. Oo wixii musiibaa dhammaan Eebbe naga awdo
  5. Aamiinta ii dhaha ducaan Alloowsanaayaaye

 Addoommaa is mahadshoo Alloow aabi noo dilaye

  1. Adduunkii nin eylaa Rabboow amar ku taagleyne
  2. Amriikiyo cawaankeed ayaa naga itaal roone
  3. Islaweynidey nagu hayaan waad ogsoon tahaye
  4. Ilaahii Ficoon aamus-show Buush indhaha beelo

 Injirrey Tigreeyaa la yiri aarso godobtiiye

  1. Aartelleri la soo siiyey bay nagu asqeeyeene
  2. Diyaaraad Abaajeey barqadi nagu afuufeene
  3. Awood bay u sheegteen kufrigu inamadeenniiye
  4. Ilaahii Abraha jebiyayoow Melle ka aargooso

 Ilaahoow addoon caabudoo kuu cawdaan ahaye

  1. Ilaahoow adaa qaaddiroon lagu ijbaareyne
  2. Ilaahoow itaalyarida bay nagu arkoodeene
  3. Ilaahoow Amriikiyo midkii haysta udubkeeda
  4. Araxdiyo lafaha jebi Alloow kuu ergaan ahaye

 Ilaahoow Islaamkay kufrigu weerar ku ekeyne

  1. Addinkiyo afkooday rabaan inay ku aasaane
  2. Oo uunka laga waayo ruux Axad yiraahdaaye
  3. Ilaahoow adaa yiri xaqaan laga adkaaneyne
  4. Ilaahoow abaalkooda mari edeb ha yeesheene
  5. Oo adigu gaal nagaga aad kuu ergaan ahaye

 Aabbiyo awoowiyo adeer eheladeydoo dhan

  1. Isirkoodu Soomaali buu ka askumaayaaye
  2. Arladana waxay uga dhacaan Geeska Afikaaye
  3. Dad Islaama weeyoo dhammaan ehelu iimaane
  4. Amni iyo ismaqal sii Alloow kuu ergaan ahaye

 Dadkaan kala irdhoobee Rabboow oodafada jiitay

  1. Ilaahoow dadkeygaan xumaha loo anqarinaayo
  2. Labadaan awoow wada dhalee aabbe kala sheegta
  3. Isma eegayaashaan Alloow uurka ka colloobey
  4. Isu ururi Eebbow kuwaan kuu ergaan ahaye

  1. Ummad waxaa hogaamiya ninkii aayaheed garane
  2. Ijiid aan ku jiidey in badan agab u haysteene
  3. Ilaahoow mid aamina u keen urursha oo ceynsha
  4. Ilaahoow ismaqal bay ummadi ka ambaqaaddaaye
  5. Ilaahoow iftiin maamul sii aragti aamaalle
  6. Oo tobanka uurdoox ka qabo kuu ergaan ahaye

 Ilaahoow addoon caabudoo kuu cawdaan ahaye

  1. Ilaahoow Ilaah kale ma jiro adiga mooyaane
  2. Ilaahoow ducada iga ajiib waad na aragtaaye
  3. Ilaahoow awooddaada baan cidi ku aadeyne
  4. Ilaahoow ammaankaaga geli ubadka Soomaali
  5. Oo abid mushkilad yeysan arag kuu ergaan ahaye


 

Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon

[email protected]