Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2007


Xaafado ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa oo Madaafiic BM uu ku jiro lagu garaacayo

Isniin, December 03, 2007(HOL): Goor dhaweyd ayaa waxaa xaafado ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ka bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya Cidiamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka horjeeda.
 
Dagaalka oo ka bilowday Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Xaafado kale oo ka tirsan Degmada Huriwaa ayaa markii uu cabaar socday oo ay labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan Baasuukayaal, Hoobiyayaal iyo Taangiyada ay Itoobiyaanka isticmaalaan ayaa waxaa mar kaliya la maqlay dhawaqa madaafiicda BM-ka oo lagu ridayo deegaanada ay dagaallada ka socdaan, gaar ahaan qeybaha aysan ku sugneyn Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka.

Tiro Madaafiic ah oo ka dhaceysay Qoriga BM-ka oo loo maleynayo in la tuuray Xerooyinka Gaashaandhigga iyo Asluubta oo fariisin u ah Ciidamada Itoobiya yaa waxay u gudbeen dhinaca xaafado ka mid ah Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, waxayna taasi dad badan xusuusisay dagaalladii Muqdisho ka dhacay Bilihii Maarso iyo April ee sanadkan.

Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha ay madaafiicdaas geysteen, waxaase la hubaa inay khasaare geysan karaan bacdamaa halka ay ku dhacayaan ay tahay meel ay dad ku nool yihiin.

Dagaalka ka bilowday degmooyinkaas ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay saaka halkaas tageen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ay la socdaan kuwo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo intii uusan dagaalka bilaaban ku sugnaa Deegaanka Suuqa Xoolaha oo saaka gebi ahaanba ay albaabada u laabnaayeen goobaha ganacsiga.

Wixii ku soo kordha madaafiicda qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho lagu garaacayo kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Wasiirrada uu soo Magacaabay Ra’iisal Wsaaare Nuur Cadde Xilalkooda iyo Qabaa’illada ay ka soo jeedaan

12/3/2007 3:39 AM EST
Isniin, December 03, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu so dhisay Xukuumad ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 Wasiirr, 31 Wasiir ku xigeen iyo 11 Wasiiru-Dowle.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo soo dhisay Xukuumad u badan Wasiirrada Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Geeddi

12/3/2007 3:31 AM EST
Isniin, December 03, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu so dhisay Xukuumad ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 Wasiirr, 31 Wasiir ku xigeen iyo 11 Wasiiru-Dowle.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Xukuumadda cusub ugu baaqay in ay hal sano ku qabato wax lagu qaban waayay Seddexdii sano ee la soo dhaafay

12/3/2007 3:30 AM EST
Isniin, December 03, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo la dardaarmayay Xubnaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xalay lagu dhawaaqay ayaa wuxuu sheegay in Xukuumada cusub looga baahan yahay in ay muddo hal sano ah oo maanta ka bilaabaneysa ay ku qabato wax dowladda federaalka u qabsoomi waayay mudadii seddexda sano ahayd ee laga soo gudbay.

Ciidamo ka wada tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo saaka ku dagaalamay Magaalada Jowhar

12/3/2007 3:29 AM EST
Isniin, December 03, 2007(HOL): Magaalada Jowhar ee caasimadda u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saaka aroortii waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan maamulka ka arimiya Gobolkaas.

MOWLIID MACAANI: “Jareer-weyne oo 7 Kursi Baarlamaanka ku leh isla markaana degan 9 gobol xaq ma ahan in la siiyo Wasiir ku xigeen kaliya”

12/3/2007 3:28 AM EST
Isniin, December 03, 2007(HOL): Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ahaa Wasiirkii Isboortiga Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Geedi, isla markaana ku soo bixi waayay Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in uu cadaalad darro tabanayo.

UN aid chief urges Somalia action -AFP

12/3/2007 2:23 PM EST
AL-ASHA, Somalia (AFP) — United Nations humanitarian chief John Holmes on Monday urged more assistance for Somalia, where endless violence has killed hundreds this year and sparked a dire humanitarian crisis.

UNICEF begins mass vaccination drive in Somalia -Xinhua

12/3/2007 2:20 PM EST
NAIROBI, Dec 3, 2007 (Xinhua via COMTEX) -- The UN children's fund said Monday it has begun a week-long mass immunization campaign in Somalia, targeting 100,000 children and women in camps in southern region of the war-ravaged nation.

SOS co-worker killed in the crossfire at the SOS Children's Village Mogadishu -SOS-Kinderdorf International

12/3/2007 2:16 PM EST
One SOS co-worker was killed today and four seriously injured as a result of heavy missile bombardment in and around the SOS Children's Village Mogadishu. The village is located in northern Mogadishu where many fighters opposing the government are based.

Human Rights Watch Says Abuses Fueling Crisis in Horn of Africa -VOA news

12/3/2007 2:12 PM EST
Human Rights Watch is calling on the UN Security Council to pressure the Ethiopian and Somali governments to end what it calls grave human rights abuses. The group says those abuses are fueling a worsening humanitarian crisis in Somalia and Ethiopia’s Ogaden region.

Puntland fact sheet - Nov 2007 -OCHA

12/3/2007 11:52 AM EST
Puntland is situated in the north east of Somalia, centered on the administrative capital of Garowe - other major towns include Bossaso, Gaalkacyo, Garowe, Laas Caanood, Badhan and Gardho. In 1998, political leaders declared it an autonomous region which in future they hope will be part of a federal united Somalia.

U.N. aid chief appeals for more help for Somalia -Reuters

12/3/2007 4:16 AM EST
EL ASHA, Somalia, Dec 3 (Reuters) - The United Nations' top aid official, John Holmes, arrived in Somalia on Monday, calling for more to be done to help the Horn of Africa country where almost 6,000 civilians have been killed in fighting this year.

Somali PM names cabinet -Reuters

12/3/2007 4:11 AM EST
BAIDOA, Somalia (Reuters) - Somalia's new prime minister named an "all-inclusive" cabinet on Sunday and called for talks with opponents to end an Islamist-led insurgency that a rights group said had killed nearly 6,000 civilians this year.

Watch your words: the power of language -Daily Collegian

12/3/2007 4:08 AM EST
I was listening to "Hot Thing" by Talib Kweli the other day, and I realized why I love that song. Not only is Kweli a great lyricist, someone who people would group into the "conscious rapper" category, but it seems that even when he isn't attempting to be serious, and makes a fun song, something always hits home.

Somalia's crisis made in USA -Workers

12/3/2007 4:01 AM EST
The Somalian Transitional Federal Government, installed by Ethiopian troops at the end of 2006, has decided to move the resistant population out of the capital, an action it calls “empty the sea.” The resistance to its rule in Mogadishu has been so strong, with attacks on Ethiopian troops lasting for hours and involving mortars and other heavy weapons, and has so much mass support, that the TFG took drastic measures.

UN: Atrocities Fuel Worsening Crisis in Horn of Africa -HRW

12/3/2007 2:38 AM EST
New York (HRW) – The United Nations Security Council should urgently press the Ethiopian and Somali governments to end the grave human rights abuses that are fueling the worsening humanitarian crisis in Somalia and eastern Ethiopia’s Ogaden region, Human Rights Watch said today.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter