|
|
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Xukuumadda cusub ugu baaqay in ay hal sano ku qabato wax lagu qaban waayay Seddexdii sano ee la soo dhaafay
Isniin, December 03, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo la dardaarmayay Xubnaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xalay lagu dhawaaqay ayaa wuxuu sheegay in Xukuumada cusub looga baahan yahay in ay muddo hal sano ah oo maanta ka bilaabaneysa ay ku qabato wax dowladda federaalka u qabsoomi waayay mudadii seddexda sano ahayd ee laga soo gudbay. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in uusan cidna ku eedeyneynin waxqabad la’aanta seddexdii sano ee la soo dhaafay ee Dowladda Federaalka, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in haatan iyo wixii ka dambeeya la iska doonayo in si adag loo shaqeeyo, isla markaana mudadaas sanadka ah wax badan lagu qabto.
“Mudadaas sanadka ah marka ay dhamaato waxa dalka uu u gudbayo waxay noqon doonaan doorashooyin madax banaan oo ay dadku doortaan ciddii ay doonayaan, waxaase loo baahan yahay si doorashadaas waqtigeeda ay u dhacdo in laga shaqeeyo oo la sii diyaariyo dastuurkii federaalka, maamul goboleedyadii dalka, markaas kadibna la sameeyo guddi madax bannaan oo doorashadaas qaabilsan”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Madaxweynaha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in haddii aan waqtiga u harsan dowladda federaalka aan lagu gaarsiin dalka doorashooyin in aysan Dowladda Federaalka meesha ka tegi doonin, “Annaga ma dooneynin in aan sida Dowladdii TNG-da aan meesha iska fadhino, kuwaasi oo sidii ay isaga fadhiyeen kadib la yiri shir dib u heshiisiin ah baa la qabanayaa ee ka soo qeybgala” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uusan aaminsaneyn in shir dib u heshiisiin ah oo kale Soomaaliya loo qaban doono.
Ugu dambeyntiiba madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka in ay wada shaqeeyaan oo markaasina meel looga soo wada jeesto sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa sidii ay ahaan jirtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
 |
 |
 |
|
|
|
12/3/2007 4:56 AM EST
|
|
Isniin, December 03, 2007(HOL): Goor dhaweyd ayaa waxaa xaafado ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ka bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya Cidiamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka horjeeda. |
|
|
12/3/2007 3:39 AM EST
|
|
Isniin, December 03, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu so dhisay Xukuumad ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 Wasiirr, 31 Wasiir ku xigeen iyo 11 Wasiiru-Dowle. |
|
|
12/3/2007 3:31 AM EST
|
|
Isniin, December 03, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu so dhisay Xukuumad ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 Wasiirr, 31 Wasiir ku xigeen iyo 11 Wasiiru-Dowle. |
|
|
12/3/2007 3:29 AM EST
|
|
Isniin, December 03, 2007(HOL): Magaalada Jowhar ee caasimadda u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saaka aroortii waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan maamulka ka arimiya Gobolkaas. |
|
|
12/3/2007 3:28 AM EST
|
|
Isniin, December 03, 2007(HOL): Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ahaa Wasiirkii Isboortiga Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Geedi, isla markaana ku soo bixi waayay Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in uu cadaalad darro tabanayo. |
|
|
|
 |
 |
 |
|
|
12/3/2007 2:23 PM EST
|
|
AL-ASHA, Somalia (AFP) — United Nations humanitarian chief John Holmes on Monday urged more assistance for Somalia, where endless violence has killed hundreds this year and sparked a dire humanitarian crisis. |
|
|
12/3/2007 2:20 PM EST
|
|
NAIROBI, Dec 3, 2007 (Xinhua via COMTEX) -- The UN children's fund said Monday it has begun a week-long mass immunization campaign in Somalia, targeting 100,000 children and women in camps in southern region of the war-ravaged nation. |
|
|
12/3/2007 2:16 PM EST
|
|
One SOS co-worker was killed today and four seriously injured as a result of heavy missile bombardment in and around the SOS Children's Village Mogadishu. The village is located in northern Mogadishu where many fighters opposing the government are based. |
|
|
12/3/2007 2:12 PM EST
|
|
Human Rights Watch is calling on the UN Security Council to pressure the Ethiopian and Somali governments to end what it calls grave human rights abuses. The group says those abuses are fueling a worsening humanitarian crisis in Somalia and Ethiopia’s Ogaden region. |
|
|
12/3/2007 11:52 AM EST
|
|
Puntland is situated in the north east of Somalia, centered on the administrative capital of Garowe - other major towns include Bossaso, Gaalkacyo, Garowe, Laas Caanood, Badhan and Gardho. In 1998, political leaders declared it an autonomous region which in future they hope will be part of a federal united Somalia. |
|
|
12/3/2007 4:16 AM EST
|
|
EL ASHA, Somalia, Dec 3 (Reuters) - The United Nations' top aid official, John Holmes, arrived in Somalia on Monday, calling for more to be done to help the Horn of Africa country where almost 6,000 civilians have been killed in fighting this year. |
|
|
12/3/2007 4:11 AM EST
|
|
BAIDOA, Somalia (Reuters) - Somalia's new prime minister named an "all-inclusive" cabinet on Sunday and called for talks with opponents to end an Islamist-led insurgency that a rights group said had killed nearly 6,000 civilians this year. |
|
|
12/3/2007 4:08 AM EST
|
|
I was listening to "Hot Thing" by Talib Kweli the other day, and I realized why I love that song. Not only is Kweli a great lyricist, someone who people would group into the "conscious rapper" category, but it seems that even when he isn't attempting to be serious, and makes a fun song, something always hits home. |
|
|
12/3/2007 4:01 AM EST
|
|
The Somalian Transitional Federal Government, installed by Ethiopian troops at the end of 2006, has decided to move the resistant population out of the capital, an action it calls “empty the sea.” The resistance to its rule in Mogadishu has been so strong, with attacks on Ethiopian troops lasting for hours and involving mortars and other heavy weapons, and has so much mass support, that the TFG took drastic measures. |
|
|
12/3/2007 2:38 AM EST
|
|
New York (HRW) – The United Nations Security Council should urgently press the Ethiopian and Somali governments to end the grave human rights abuses that are fueling the worsening humanitarian crisis in Somalia and eastern Ethiopia’s Ogaden region, Human Rights Watch said today. |
|
|
|