Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2007


MOWLIID MACAANI: “Jareer-weyne oo 7 Kursi Baarlamaanka ku leh isla markaana degan 9 gobol xaq ma ahan in la siiyo Wasiir ku xigeen kaliya”

Khamiis, November 29, 2007(HOL): Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ahaa Wasiirkii Isboortiga Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Geedi, isla markaana ku soo bixi waayay Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in uu cadaalad darro tabanayo.
 
Mowliid Macaani oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn waxaa uu sheegay in cadaalad darrada uu tabanayo ay tahay iyadoo Beesha uu ka soo jeedo ee Jareer-weyne la duudsiiyay xaqii ay ku lahayd Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ahaa Wasiir iyo Wasiir ku xigeen.

“Jareer-weyne oo 7 Kursi Baarlamaanka ku leh, isla markaana degan 9 gobol xaq ma ahan in la siiyo Wasiir ku xigeen kaliya, halka beelo labo kursi ku leh Baarlamaanka ay xubno ka heleen Xukuumadda Federaalka”ayuu yiri Mowliid Macaani Maxamuud.

Mowliid Macaani Maxamuud waxaa uu sheegay in uusan garaneyn sababta Xuquuqdii Jareer-weyne sida uu yiri loo dafiray, “Ma aqaano sababtaas ma waxaa laga wadaa Dad ma dishiin”ayuuna  is-weydiiyay Mowliid Macaani Maxamuud oo sheegay in uusan xaqooda ahayn Wasiir ku xigeenka la siiyay oo kaliya.

Mowliid Macaani Maxamuud waxaa uu sheegay in aan cadaalad darradaas kaliya lagu sameynin beesha Jareer-weyne balse ay jiraan beelo kale oo iyana wax tabanaya, wuxuuna Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ugu baaqay in uu saxo cadaalad darrada uu sameeyay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa uu ka hadlay Mowliid sababta ay Xukuumaddan u soo geli waayay Xubno ku jiray Xukuumaddii hore, isla markaana ku fikirka ahaa Ra’iisal Wasaare Geeddi markii uu jiray Khilaafkii u dhaxeeyay madaxda Dowladda, wuxuuna sheegay in uu u muuqdo sawir ah in aan meesha laga rabin xubnihii ka soo horjeeday fikirkii madaxweynaha.

Ugu dambeyntiina , Mowliid Macaani Maxamuud waxaa uu sheegay in uu xilkii Wasaaradda Isboortiga uu ku wareejin doono Wasiirka cusub Madoobe Nuunow Maxamed, isagoo sheegay in uu howlo badan qabtay intii uu hayay xilka Wasaaraddaas, “Howlaha aan qabtay waxaa ka mid ah dayactir aan ku sameeyay dhismaha Wasaaradda aniga oo waliba jeebkeyga ka dayactiray, isla markaana rahan ahaan u dhigay  Dukumiintiyada labo Guri oo aan Xamar ku leeyahay si loo dayactiro dhismaha Wasaaradda”ayuuna yiri Mowliid Macaani Maxamuud.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Xaafado ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa oo Madaafiic BM uu ku jiro lagu garaacayo

12/3/2007 4:56 AM EST
Isniin, December 03, 2007(HOL): Goor dhaweyd ayaa waxaa xaafado ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ka bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya Cidiamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka horjeeda.

Wasiirrada uu soo Magacaabay Ra’iisal Wsaaare Nuur Cadde Xilalkooda iyo Qabaa’illada ay ka soo jeedaan

12/3/2007 3:39 AM EST
Isniin, December 03, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu so dhisay Xukuumad ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 Wasiirr, 31 Wasiir ku xigeen iyo 11 Wasiiru-Dowle.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo soo dhisay Xukuumad u badan Wasiirrada Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Geeddi

12/3/2007 3:31 AM EST
Isniin, December 03, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu so dhisay Xukuumad ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 Wasiirr, 31 Wasiir ku xigeen iyo 11 Wasiiru-Dowle.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Xukuumadda cusub ugu baaqay in ay hal sano ku qabato wax lagu qaban waayay Seddexdii sano ee la soo dhaafay

12/3/2007 3:30 AM EST
Isniin, December 03, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo la dardaarmayay Xubnaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xalay lagu dhawaaqay ayaa wuxuu sheegay in Xukuumada cusub looga baahan yahay in ay muddo hal sano ah oo maanta ka bilaabaneysa ay ku qabato wax dowladda federaalka u qabsoomi waayay mudadii seddexda sano ahayd ee laga soo gudbay.

Ciidamo ka wada tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo saaka ku dagaalamay Magaalada Jowhar

12/3/2007 3:29 AM EST
Isniin, December 03, 2007(HOL): Magaalada Jowhar ee caasimadda u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saaka aroortii waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan maamulka ka arimiya Gobolkaas.




UN aid chief urges Somalia action -AFP

12/3/2007 2:23 PM EST
AL-ASHA, Somalia (AFP) — United Nations humanitarian chief John Holmes on Monday urged more assistance for Somalia, where endless violence has killed hundreds this year and sparked a dire humanitarian crisis.

UNICEF begins mass vaccination drive in Somalia -Xinhua

12/3/2007 2:20 PM EST
NAIROBI, Dec 3, 2007 (Xinhua via COMTEX) -- The UN children's fund said Monday it has begun a week-long mass immunization campaign in Somalia, targeting 100,000 children and women in camps in southern region of the war-ravaged nation.

SOS co-worker killed in the crossfire at the SOS Children's Village Mogadishu -SOS-Kinderdorf International

12/3/2007 2:16 PM EST
One SOS co-worker was killed today and four seriously injured as a result of heavy missile bombardment in and around the SOS Children's Village Mogadishu. The village is located in northern Mogadishu where many fighters opposing the government are based.

Human Rights Watch Says Abuses Fueling Crisis in Horn of Africa -VOA news

12/3/2007 2:12 PM EST
Human Rights Watch is calling on the UN Security Council to pressure the Ethiopian and Somali governments to end what it calls grave human rights abuses. The group says those abuses are fueling a worsening humanitarian crisis in Somalia and Ethiopia’s Ogaden region.

Puntland fact sheet - Nov 2007 -OCHA

12/3/2007 11:52 AM EST
Puntland is situated in the north east of Somalia, centered on the administrative capital of Garowe - other major towns include Bossaso, Gaalkacyo, Garowe, Laas Caanood, Badhan and Gardho. In 1998, political leaders declared it an autonomous region which in future they hope will be part of a federal united Somalia.

U.N. aid chief appeals for more help for Somalia -Reuters

12/3/2007 4:16 AM EST
EL ASHA, Somalia, Dec 3 (Reuters) - The United Nations' top aid official, John Holmes, arrived in Somalia on Monday, calling for more to be done to help the Horn of Africa country where almost 6,000 civilians have been killed in fighting this year.

Somali PM names cabinet -Reuters

12/3/2007 4:11 AM EST
BAIDOA, Somalia (Reuters) - Somalia's new prime minister named an "all-inclusive" cabinet on Sunday and called for talks with opponents to end an Islamist-led insurgency that a rights group said had killed nearly 6,000 civilians this year.

Watch your words: the power of language -Daily Collegian

12/3/2007 4:08 AM EST
I was listening to "Hot Thing" by Talib Kweli the other day, and I realized why I love that song. Not only is Kweli a great lyricist, someone who people would group into the "conscious rapper" category, but it seems that even when he isn't attempting to be serious, and makes a fun song, something always hits home.

Somalia's crisis made in USA -Workers

12/3/2007 4:01 AM EST
The Somalian Transitional Federal Government, installed by Ethiopian troops at the end of 2006, has decided to move the resistant population out of the capital, an action it calls “empty the sea.” The resistance to its rule in Mogadishu has been so strong, with attacks on Ethiopian troops lasting for hours and involving mortars and other heavy weapons, and has so much mass support, that the TFG took drastic measures.

UN: Atrocities Fuel Worsening Crisis in Horn of Africa -HRW

12/3/2007 2:38 AM EST
New York (HRW) – The United Nations Security Council should urgently press the Ethiopian and Somali governments to end the grave human rights abuses that are fueling the worsening humanitarian crisis in Somalia and eastern Ethiopia’s Ogaden region, Human Rights Watch said today.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter