Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2007


Iska hor-imaad maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha

Talaado, December 25, 2007(HOL): Iska hor-imaad xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha, iyadoo Iska hor-imaadkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
 
Iska hor-imaadka labada dhinac dhexmaray ayaa wuxuu yimid kadib markii bambooyinka gacanta lagu tuuro lagu weeraray ciidamada oo howlgallo ka sameynayay inta u dhaxeysa Xarunta Wasaaraddii Taraqa iyo Sigaarka iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium.

Marka laga soo tago khasaare ay isu geysteen labadii dhinac ee dagaalamay oo aan la ogeyn inta uu la egyahay hadana waxaa iska hor-imaadkaas ku dhaawacantay Haweeney ay rasaas habow ah ugu tagtay gurigeeda, taasi oo loola cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Warar kale ayaa waxay iyana sheegayaan in Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo baxay Xeradii Guul-Wadayaasha uu iyana dagaal aan waqti badan socon  uu dhexmaray kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo ciidamadaasna la sheegay in xiliga la weerarayay ay doonayeen in ay howlgallo sameeyaan.

Shalay ayay ahayd markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku lahaa Xaafadda African Village ee Degmada Hodan ay qeybo ka tirsan galbeedka Suuqa Bakaaraha ku dagaalameen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo iska hor-imaadkaasna uu sababay dhimashada seddex ruux oo isugu jiray labo ka tirsan ciidamada dowladda iyo mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, iyadoo sidoo kalena uu dagaalkaas dhaawac ka soo gaaray dad rayid ah oo aan dagaalka wax lug ah ku lahayn.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, iska hor-imaadyada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa waxay yihiin kuwo aan dhamaad lahayn oo marba marka ka dambeysa sii kordhaya, iyadoo Dowladda Federaalka mas’uuliyiinteedana ay sheegaan marka dagaallada dhacaya wax laga weydiiyo in aysan jirin dagaallo macno leh oo la sheego, sida uu dhawaan sheegay oo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Ciidamada Maamullada Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose oo isku rasaaseeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha

12/25/2007 7:31 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Waxaa saaka isku rasaaseeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ciidamo kala taabacsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Banaadir, kuwaasi oo is-rasaaseynta dhexmartay uu ku dhaawacmay Nin rayid ah oo doonayay in uu raaco gaari u socday Gobollada Dhexe.

Bambooyin xalay lagu tuuray Guriga Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Bay oo dhimasho iyo dhaawac sababay

12/25/2007 3:17 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay weerar bambooyin loo adeegsaday oo lagu qaaday guriga Taliyaha Booliska Qeybta Bay Jen. Aadan Xaashi Gaabow, iyadoo weerarkaasina uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Wariyihii Faransiiska ahaa ee lagu heystay Gobolka Bari oo laga sii dayay gacanta Af-duubayaal heystay muddo todobaad ka badan

12/25/2007 3:13 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddiisii aas-aasiga ahayd dib u helay Wariye Gwen Le Gouil oo muddo todobaad ka badan af-duub loogu heystay deegaano ka tirsan Gobolka Bariga.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in aaney Ciidamada Burundi waxba ka bedeli doonin Amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho

12/25/2007 3:11 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye Garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaca ka qaaday in aaney Ciidamada Burundi ee lagu soo daad-gureynayo Soomaaliya waxba ka bedeli doonin amni darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxaa sabab u ah Muranka Dhinaca Dhaqaalaha ah ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan?

12/25/2007 3:09 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Ma'aha wax ku cusub gudaha Gobalka Hiiraan in la arko Ciidamo ka gadooday dhaqaale la'aan la soo daristay iyo waliba in la siin waayay mushaarikii ay xaqa u lahaayeen kuwaasoo ugu yaraan la wareega mid ka mid ah xarumaha dowlada si markaa looga qanciyo arrimaha ay ka cabanayaan.




Freed French journalist leaves Somalia -AFP

12/25/2007 12:50 PM EST
Mogadishu (AFP) - A French journalist held hostage for eight days in northern Somalia and freed on Christmas eve has left the country to return home to France, local authorities said on Tuesday.

Conditions Continue to Worsen in Somalia -VOA

12/25/2007 12:40 PM EST
The International Committee of the Red Cross says the humanitarian situation in Somalia continues to worsen. It says a year of relentless conflict and several natural disasters have taken a heavy toll on the population. A Red Cross Official tells VOA the situation is particularly desperate in the capital Mogadishu, which has been the scene of repeated fighting.

In Northern Kenya, America is a big issue in the election -Daily Nation

12/25/2007 8:38 AM EST
One hot, cloudless afternoon in October, I sat in the members' salon of the Kenyan Parliament as the guest of Joseph Lekuton, an MP from the desolate bush country to the east of Lake Turkana. Around us a dozen other Kenyan politicians sat in comfortable armchairs, sipping tea from silver services. Lekuton (pronounced LEH-koo-tone), an animated man in his late 30s, had dropped by to catch up on developments in the country's election campaign.

Insurgents kill three in Somali provincial town: residents -AFP

12/25/2007 4:54 AM EST
MOGADISHU (AFP) — Insurgents attacked a Somali regional police chief's residence, killing his daughter and two bodyguards, witnesses said Tuesday.

Ethiopia Playing the US Game in Somalia -Arab News

12/25/2007 4:45 AM EST
It is exactly a year since Somalia’s capital, Mogadishu, fell to Ethiopian troops (Dec. 28), and the occupation has been one of the most brutal on record. The resistance started at once, and Ethiopian counterinsurgency tactics are not gentle.

Ethiopia Marks Yearlong Occupation in Somalia -VOA

12/25/2007 4:40 AM EST
It was Christmas Day a year ago that the situation in Somalia changed dramatically. That’s when Ethiopia invaded and drove out forces belonging to the Islamic Courts Union. However, Ethiopia’s initial, decisive military victory has turned into a yearlong occupation with no end in sight.

CHRONOLOGY-Attacks on journalists in Somalia -Media Organizations

12/25/2007 4:21 AM EST
(Reuters) - Somali gunmen released on Monday a French journalist they had kidnapped in the northern Puntland region, a regional official said.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter