Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2007


Bambooyin xalay lagu tuuray Guriga Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Bay oo dhimasho iyo dhaawac sababay

Talaado, December 25, 2007(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay weerar bambooyin loo adeegsaday oo lagu qaaday guriga Taliyaha Booliska Qeybta Bay Jen. Aadan Xaashi Gaabow, iyadoo weerarkaasina uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

C/risaaq Aadan Xaashi Gaabow oo ah wiil uu dhalay Jananka ayaa waxaa uu ka waramay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in seddex nin oo bastoolado ku hubeysnaa ay labo Bambo gacmeed ku tuureen gurigooda, kadibna ay rasaas is-weydaarsadeen ilaaladii guriga, dabadeedna ay baxsadeen.

C/risaaq waxaa uu sheegay in uu qoys ahaan soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, wuxuuna caddeeyay in ay geeriyoodeen  wiil 10 jir ah, gabar 6 jir ah iyo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ilaalada guriga, halka uu sheegay in ay dhaawacmeen 5 ruux oo qoyskooda ka tirsanaa.

Qaraxyadaas kadib ayuu sheegay C/risaaq in ay raggii soo weeraray carareen kadib markii ay rasaas xooggan kala kulmeen ilaaladii guriga, dabadeedna ay meel luuq ah kaga tageen seddex bastooladood iyo kabo ay wateen, wuxuuna caddeeyay in haatan lagu raad-joogo raggaas oo ay dabagal ku hayaan Ciidamada Booliska iyo kuwa CID-da ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Wuxuu ahaa weerarkii ugu horeeyay oo lagu qaado guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, haddii uu ahaa Ciidan iyo haddii uusan ciidan ahayn intaba, inkastoo ay jireen dilal iyo qaraxyo horay uga  dhacay Magaalada Baydhabo.

Jen. Aadan Xaashi Gaabow oo dhawaan ka hadlayay falal nabadgelyo darro ah oo dib uga soo cusbonaaday magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in dad ka yimid magaalada Muqdisho ay dhibaatadaas u keeneen, wuxuuse sheegay in Baydhabo aysan la mid ahayn Muqdisho, isla markaana la ogaan karo ciddii dhibaato ka geysata.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka soo cusboonaanayay falal nabadgelyo darro ah, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in ay magaalada ku sugan yihiin Ciidamo Boolis ah iyo kuwo Itoobiyaan ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Iska hor-imaad maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha

12/25/2007 7:33 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Iska hor-imaad xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha, iyadoo Iska hor-imaadkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Ciidamada Maamullada Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose oo isku rasaaseeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha

12/25/2007 7:31 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Waxaa saaka isku rasaaseeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ciidamo kala taabacsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Banaadir, kuwaasi oo is-rasaaseynta dhexmartay uu ku dhaawacmay Nin rayid ah oo doonayay in uu raaco gaari u socday Gobollada Dhexe.

Wariyihii Faransiiska ahaa ee lagu heystay Gobolka Bari oo laga sii dayay gacanta Af-duubayaal heystay muddo todobaad ka badan

12/25/2007 3:13 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddiisii aas-aasiga ahayd dib u helay Wariye Gwen Le Gouil oo muddo todobaad ka badan af-duub loogu heystay deegaano ka tirsan Gobolka Bariga.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in aaney Ciidamada Burundi waxba ka bedeli doonin Amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho

12/25/2007 3:11 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye Garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaca ka qaaday in aaney Ciidamada Burundi ee lagu soo daad-gureynayo Soomaaliya waxba ka bedeli doonin amni darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxaa sabab u ah Muranka Dhinaca Dhaqaalaha ah ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan?

12/25/2007 3:09 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Ma'aha wax ku cusub gudaha Gobalka Hiiraan in la arko Ciidamo ka gadooday dhaqaale la'aan la soo daristay iyo waliba in la siin waayay mushaarikii ay xaqa u lahaayeen kuwaasoo ugu yaraan la wareega mid ka mid ah xarumaha dowlada si markaa looga qanciyo arrimaha ay ka cabanayaan.



Freed French journalist leaves Somalia -AFP

12/25/2007 12:50 PM EST
Mogadishu (AFP) - A French journalist held hostage for eight days in northern Somalia and freed on Christmas eve has left the country to return home to France, local authorities said on Tuesday.

Conditions Continue to Worsen in Somalia -VOA

12/25/2007 12:40 PM EST
The International Committee of the Red Cross says the humanitarian situation in Somalia continues to worsen. It says a year of relentless conflict and several natural disasters have taken a heavy toll on the population. A Red Cross Official tells VOA the situation is particularly desperate in the capital Mogadishu, which has been the scene of repeated fighting.

In Northern Kenya, America is a big issue in the election -Daily Nation

12/25/2007 8:38 AM EST
One hot, cloudless afternoon in October, I sat in the members' salon of the Kenyan Parliament as the guest of Joseph Lekuton, an MP from the desolate bush country to the east of Lake Turkana. Around us a dozen other Kenyan politicians sat in comfortable armchairs, sipping tea from silver services. Lekuton (pronounced LEH-koo-tone), an animated man in his late 30s, had dropped by to catch up on developments in the country's election campaign.

Insurgents kill three in Somali provincial town: residents -AFP

12/25/2007 4:54 AM EST
MOGADISHU (AFP) — Insurgents attacked a Somali regional police chief's residence, killing his daughter and two bodyguards, witnesses said Tuesday.

Ethiopia Playing the US Game in Somalia -Arab News

12/25/2007 4:45 AM EST
It is exactly a year since Somalia’s capital, Mogadishu, fell to Ethiopian troops (Dec. 28), and the occupation has been one of the most brutal on record. The resistance started at once, and Ethiopian counterinsurgency tactics are not gentle.

Ethiopia Marks Yearlong Occupation in Somalia -VOA

12/25/2007 4:40 AM EST
It was Christmas Day a year ago that the situation in Somalia changed dramatically. That’s when Ethiopia invaded and drove out forces belonging to the Islamic Courts Union. However, Ethiopia’s initial, decisive military victory has turned into a yearlong occupation with no end in sight.

CHRONOLOGY-Attacks on journalists in Somalia -Media Organizations

12/25/2007 4:21 AM EST
(Reuters) - Somali gunmen released on Monday a French journalist they had kidnapped in the northern Puntland region, a regional official said.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter