Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2007


Wariyihii Faransiiska ahaa ee lagu heystay Gobolka Bari oo laga sii dayay gacanta Af-duubayaal heystay muddo todobaad ka badan

Talaado, December 25, 2007(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddiisii aas-aasiga ahayd dib u helay Wariye Gwen Le Gouil oo muddo todobaad ka badan af-duub loogu heystay deegaano ka tirsan Gobolka Bariga.
 
Sii deynta wariyahan ayaa waxaa dadaal weyn u galay Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga Axmed Saciid Aw-Nuur iyo Wasiirka Ganacsiga C/wahaab Yuusuf Abwaan, kuwaasi oo wada xaajood la galay odayaal iyo waxgarad ay isku heyb yihiin maleeshiyooyinkii af-duubtay wariyaha.

Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga maamulka Puntland Axmed Siciid Aw-Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka International Village ee magaaalada Boosaaso kadib markii Wariyaha la soo daayay ayaa sheegay in aaney jirin wax madax-furasho ah oo Wariye Gwen lagu sii daayay, isagoo caddeeyay in ay kooxihii heystay ay si shuruud la’aan ah ku sii daayeen.

Mar Wasiirka wax laga weydiiyay sida laga yeelayo Wariyaha bacdamaa uu maamulka Puntland horay u sheegay in uu si sharci darro ah ku soo galay Puntland, isla markaana sharciga lagu qaadi doono ayaa wuxuu sheegay in dembigaas laga cafiyay wariyaha, isla markanaa uu dalka ka dhoofayo.

Wariyaha oo qudhiisa Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xoriyaddiisii dib u helay, isla markaana uu isagoo caafimaad qaba  uu dib ugu noqonayo saaxibadiisii iyo qoyskiisa.

Wariye Gwen Le Gouil oo deegaanka Mareero ee Gobolka Bari lagu af-duubtay 16-kii bishan ayaa wuxuu gacanta af-duubayaashii heystay ku jiray muddo 9 maalmood ah, iyadoo mudadaasna lagu hayay dhul buuraley ah oo aaney cidina ogaan karin halka looga hayay, wuxuuna doonayay marka la af-duubanayay in uu warbixin ka sameeyo sida ay dadka tahriibayaasha ee ku dhamaada Badda u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya ay uga baxaan Xeebaha Bari.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Iska hor-imaad maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha

12/25/2007 7:33 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Iska hor-imaad xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha, iyadoo Iska hor-imaadkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Ciidamada Maamullada Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose oo isku rasaaseeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha

12/25/2007 7:31 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Waxaa saaka isku rasaaseeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ciidamo kala taabacsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Banaadir, kuwaasi oo is-rasaaseynta dhexmartay uu ku dhaawacmay Nin rayid ah oo doonayay in uu raaco gaari u socday Gobollada Dhexe.

Bambooyin xalay lagu tuuray Guriga Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Bay oo dhimasho iyo dhaawac sababay

12/25/2007 3:17 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay weerar bambooyin loo adeegsaday oo lagu qaaday guriga Taliyaha Booliska Qeybta Bay Jen. Aadan Xaashi Gaabow, iyadoo weerarkaasina uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in aaney Ciidamada Burundi waxba ka bedeli doonin Amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho

12/25/2007 3:11 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye Garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaca ka qaaday in aaney Ciidamada Burundi ee lagu soo daad-gureynayo Soomaaliya waxba ka bedeli doonin amni darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxaa sabab u ah Muranka Dhinaca Dhaqaalaha ah ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan?

12/25/2007 3:09 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Ma'aha wax ku cusub gudaha Gobalka Hiiraan in la arko Ciidamo ka gadooday dhaqaale la'aan la soo daristay iyo waliba in la siin waayay mushaarikii ay xaqa u lahaayeen kuwaasoo ugu yaraan la wareega mid ka mid ah xarumaha dowlada si markaa looga qanciyo arrimaha ay ka cabanayaan.

Freed French journalist leaves Somalia -AFP

12/25/2007 12:50 PM EST
Mogadishu (AFP) - A French journalist held hostage for eight days in northern Somalia and freed on Christmas eve has left the country to return home to France, local authorities said on Tuesday.

Conditions Continue to Worsen in Somalia -VOA

12/25/2007 12:40 PM EST
The International Committee of the Red Cross says the humanitarian situation in Somalia continues to worsen. It says a year of relentless conflict and several natural disasters have taken a heavy toll on the population. A Red Cross Official tells VOA the situation is particularly desperate in the capital Mogadishu, which has been the scene of repeated fighting.

In Northern Kenya, America is a big issue in the election -Daily Nation

12/25/2007 8:38 AM EST
One hot, cloudless afternoon in October, I sat in the members' salon of the Kenyan Parliament as the guest of Joseph Lekuton, an MP from the desolate bush country to the east of Lake Turkana. Around us a dozen other Kenyan politicians sat in comfortable armchairs, sipping tea from silver services. Lekuton (pronounced LEH-koo-tone), an animated man in his late 30s, had dropped by to catch up on developments in the country's election campaign.

Insurgents kill three in Somali provincial town: residents -AFP

12/25/2007 4:54 AM EST
MOGADISHU (AFP) — Insurgents attacked a Somali regional police chief's residence, killing his daughter and two bodyguards, witnesses said Tuesday.

Ethiopia Playing the US Game in Somalia -Arab News

12/25/2007 4:45 AM EST
It is exactly a year since Somalia’s capital, Mogadishu, fell to Ethiopian troops (Dec. 28), and the occupation has been one of the most brutal on record. The resistance started at once, and Ethiopian counterinsurgency tactics are not gentle.

Ethiopia Marks Yearlong Occupation in Somalia -VOA

12/25/2007 4:40 AM EST
It was Christmas Day a year ago that the situation in Somalia changed dramatically. That’s when Ethiopia invaded and drove out forces belonging to the Islamic Courts Union. However, Ethiopia’s initial, decisive military victory has turned into a yearlong occupation with no end in sight.

CHRONOLOGY-Attacks on journalists in Somalia -Media Organizations

12/25/2007 4:21 AM EST
(Reuters) - Somali gunmen released on Monday a French journalist they had kidnapped in the northern Puntland region, a regional official said.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter