Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2007


Maxaa sabab u ah Muranka Dhinaca Dhaqaalaha ah ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan?

Talaado, December 25, 2007(HOL): Ma'aha wax ku cusub gudaha Gobalka Hiiraan in la arko Ciidamo ka gadooday dhaqaale la'aan la soo daristay iyo waliba in la siin waayay mushaarikii ay xaqa u lahaayeen kuwaasoo ugu yaraan la wareega mid ka mid ah xarumaha dowlada si markaa looga qanciyo arrimaha ay ka cabanayaan.

Waana arin marka aad eegto siweyn u saameysay Maamuladii isaga danbeeyay Gobalka Hiiraan sida maamulkii Xuseen Mux'ed Maalin (Ayax) iyo waliba kan uu hogaamiyo Yuusuf Dabageed oo maalintii shalay Ciidamada ilaalada u ah dagaal xoogan la galay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo gadooday arimo la xiriira Mashaarkoodii oo aan la siin mudo ku dhaw 10 Bilood.

Hadaba Muranka dhinaca dhaqaalaha ah ee u dhaxeeya Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Ciidamada Dowlada ee ka howl-gala Gobalka ayaa lagu fasirayaa in ay sabab u yihiin qodobo dhowr ah, waxaase tan ugu weyn lagu macneynayaa Aqoon-daro heysta Raga Maamulka u qaabilsan dhinaca dhaqaalaha oo la leeyahay ma'aha kuwo u bisil la socoshada halka la marinayo dhaqaalaha laga soo uruursho Kastamada maamulku ku leeyahay qeybo ka mid ah Gobalka oo sida la sheegay maalintii oo kaliya laga soo qaado in ka badan 100,000,000 ( Boqol Malyan)  oo Sh. So.

Sidoo kale ka warqabid la'aanta halka uu ku baxayo dhaqaalaha ka soo xarooda Baraha Koontarool ee Maamulku ku leeyahay  qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka dhasha in dad gaar ah si qalad ah u adeegsadaan dhaqaalaha maadaama aysan jirin cid la xisaabtami karta, waxaana lagu sheegay Mas'uuliyiinta Sare ee Maamulka Gobalka Hiiraan in ay iyagu yihiin kuwa uga badan ee sida qaldan u adeegsada lacagaha soo gala maamulka waxaase ka faa'iida Ciidamada ilaalada u ah oo qarashaad aan badneyn ka hela, taana waxaa ay keentaa in ay meesha ka baxaan inta badan Ciidamada ka mid ah kuwaasoo soo baraaruga oo kaliya marka xaalku cuslaado.

Kuwa iyagu ka faa'idi dhaqaalaha soo gala Mas'uuliyiinta ay ilaalada u yihiin ayaa qalad u arka gadoodka ay sameeyaan kuwa ka cabanaya mushaar la'aanta la soo darista, Tusaale ahaan dagalkii ka dhacay maalintii shalay gudaha Magalada Beledweyne ayaa ahaa mid u dhaxeeyay Ciidamada Ilaalada gaarka u ah Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yusuuf Dabageed oo laga yaabo in dhowr jeer oo hore la siiyay lacago Guno ah iyo waliba Ciidamadii hore ee Baliiska oo iyagu sheegay in mudo ku dhaw 10 bilood aan heli xaqii ku lahaayeen  Maamulka, taasoo muujineysa sida maamulka dhaqaaluhu isugu dhax yaacsan yahay.

Dadka aqoonta u leh arimaha dhaqaalah oo ay HOL arintan kala sheekeysatay ayaa intaa ku daray in hadii uusan maamulku wax ka qaban arinta dhaqaalah islamarkaana aan loo heli rag aqoon durugsan u leh habka loo isticmaalo lacagaha Dowliga ah arintu ka sii xumaan doonta halka hadda ay joogto,

Sikastaba Gobalka Hiiraan oo ka mid ah Gobalada dhaxe ee dalka soomaaliya ayaa waxaa la oran karaa waa gobal sal u ah ganacsigu ku soo hirto, waayo Gobalka Hiiraan waxaa uu marin u yahay dhamaan gadiidka Ganacsi ee siga goosha Gobalada  K/Soomaaliya W/Bare iyo W/Galbeed taasoo dhaqaale aan yareyn soo galinaya maamulka ka jira oo haddna ah mid uu la dagay musuq la xiriira dhanaca dhaqaalah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledwen, Somalia

 

Iska hor-imaad maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha

12/25/2007 7:33 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Iska hor-imaad xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha, iyadoo Iska hor-imaadkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Ciidamada Maamullada Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose oo isku rasaaseeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha

12/25/2007 7:31 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Waxaa saaka isku rasaaseeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ciidamo kala taabacsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Banaadir, kuwaasi oo is-rasaaseynta dhexmartay uu ku dhaawacmay Nin rayid ah oo doonayay in uu raaco gaari u socday Gobollada Dhexe.

Bambooyin xalay lagu tuuray Guriga Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Bay oo dhimasho iyo dhaawac sababay

12/25/2007 3:17 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay weerar bambooyin loo adeegsaday oo lagu qaaday guriga Taliyaha Booliska Qeybta Bay Jen. Aadan Xaashi Gaabow, iyadoo weerarkaasina uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Wariyihii Faransiiska ahaa ee lagu heystay Gobolka Bari oo laga sii dayay gacanta Af-duubayaal heystay muddo todobaad ka badan

12/25/2007 3:13 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddiisii aas-aasiga ahayd dib u helay Wariye Gwen Le Gouil oo muddo todobaad ka badan af-duub loogu heystay deegaano ka tirsan Gobolka Bariga.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in aaney Ciidamada Burundi waxba ka bedeli doonin Amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho

12/25/2007 3:11 AM EST
Talaado, December 25, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye Garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaca ka qaaday in aaney Ciidamada Burundi ee lagu soo daad-gureynayo Soomaaliya waxba ka bedeli doonin amni darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.



Freed French journalist leaves Somalia -AFP

12/25/2007 12:50 PM EST
Mogadishu (AFP) - A French journalist held hostage for eight days in northern Somalia and freed on Christmas eve has left the country to return home to France, local authorities said on Tuesday.

Conditions Continue to Worsen in Somalia -VOA

12/25/2007 12:40 PM EST
The International Committee of the Red Cross says the humanitarian situation in Somalia continues to worsen. It says a year of relentless conflict and several natural disasters have taken a heavy toll on the population. A Red Cross Official tells VOA the situation is particularly desperate in the capital Mogadishu, which has been the scene of repeated fighting.

In Northern Kenya, America is a big issue in the election -Daily Nation

12/25/2007 8:38 AM EST
One hot, cloudless afternoon in October, I sat in the members' salon of the Kenyan Parliament as the guest of Joseph Lekuton, an MP from the desolate bush country to the east of Lake Turkana. Around us a dozen other Kenyan politicians sat in comfortable armchairs, sipping tea from silver services. Lekuton (pronounced LEH-koo-tone), an animated man in his late 30s, had dropped by to catch up on developments in the country's election campaign.

Insurgents kill three in Somali provincial town: residents -AFP

12/25/2007 4:54 AM EST
MOGADISHU (AFP) — Insurgents attacked a Somali regional police chief's residence, killing his daughter and two bodyguards, witnesses said Tuesday.

Ethiopia Playing the US Game in Somalia -Arab News

12/25/2007 4:45 AM EST
It is exactly a year since Somalia’s capital, Mogadishu, fell to Ethiopian troops (Dec. 28), and the occupation has been one of the most brutal on record. The resistance started at once, and Ethiopian counterinsurgency tactics are not gentle.

Ethiopia Marks Yearlong Occupation in Somalia -VOA

12/25/2007 4:40 AM EST
It was Christmas Day a year ago that the situation in Somalia changed dramatically. That’s when Ethiopia invaded and drove out forces belonging to the Islamic Courts Union. However, Ethiopia’s initial, decisive military victory has turned into a yearlong occupation with no end in sight.

CHRONOLOGY-Attacks on journalists in Somalia -Media Organizations

12/25/2007 4:21 AM EST
(Reuters) - Somali gunmen released on Monday a French journalist they had kidnapped in the northern Puntland region, a regional official said.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter