Hiiraan online - News and information about Somalia
Home Email Print  


page counter
 

 

Kal-Fadhigii labaad ee Ururka Nabad-Raadinta Ogaden  

Hiiraan Online
Khamiis, December 13, 2007

 

7dii ilaa 8dii bishan December ee sanadkan 2007, waxaa xarunta nabadda & caddaaladda adduunka ee ku dhex taal jaamacadda magaalada Sandiego ee gobolka California ka dhacay kal-fadhigii labaad ee ururka nabad-raadinta Ogaden.

 

Shirkan oo ay qabanqaabadiisa & martigalintiisaba iska kaashadeen codka nabad raadinta Ogaden & xarunta nabad-raadinta & caddaaladda ayaa waxaa lagu martiqaaday kana soo qayb galay madax isugu jirta heer caalami, heer qaran & heer gobol intaba.  Mudane Maxamed Sheikh oo ah madaxa  codka nabad-raadinta Ogaden isla markaana ah madaxa hay’adda horn of afrika ayaa ku bilaabay kal-fadhiga mahadnaq balaadhan & soo dhawayn ku socota dhamaan madaxda, marti sharafta, aqoonyahanka iyo bulshada reer Ogadenia ee ka soo qayb gashay madashaa.

 

 

        Madaxda ka soo qayb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa :_

 

1-      Mas’uulka  arimaha afrikada bari u qaabilsan wasaaradda arimaha dibadda ee dalkan maraykanka, mudane James Knight. Oo warbixin qoto dheer ka bixiyey siyaasadda  dawladda maraykanka ee  ku aaddan geeska afrika & barnaamijyada ay sida wada jirka ah u wada fulin karaan codka nabad-raadinta Ogaden & wasaaradda arimaha dibadda.

 

Mudane James wuxuu bulshadii shirka ka soo qayb gashay si cad ugu sheegay muhiimadda xaqa-aayo ka tashi ee umadda Ogadenia & sida ay dawladda maraykanka uga go’an tahay  inay is garab taagto riyada shacabka Ogaden.
 

2-      Madaxa hay’adda awoodsiinta umadaha dulman marwo Keif Schleifer oo xog dheerad ah ka bixisay  muhiimadda ay leedahay baraarujinta & barbaarinta jiilkii soo celin lahaa aayo ka tashiga bulshada Ogadenia. Marwo Keif  oo balanqaadday inay si toos ah ula shaqayn doonto codka nabad-raadinta Ogaden ayaa madashii shirka ku soo bandhigtay bandhig muuqaaleed ka turjumaya nidaamka awood-siin ee umad dulman!

 

3-      Madaxa hay’adda hadhaaga ciqaabta cadawga (Survivors of torture, international) mudane David Gangsei oo bandhig taariikheed ada u qiimo badan ka sameeyey raadaynta ciqaabtu ku yeelato maskaxda aadamaha iyo sida looga bogsado. Wuxuu mudanuhu sheegay inuu bulshada Ogadenia ee qurbaha ku nool la samayn doono barnaamijyo aqoon-kororsi ku saabsan sare u qaadidda hamiga bulshada ogadenia.

 

4-       Senetor  Barbara Boxer oo ah madaxa gobolka California ugu jirta aqalka senatarada dawladda maraykana.   Senator Barbara oo arimo degdeg ah dartood ugu suuro-gali wayday inay ka soo qayb gasho kalfadhiga ayaa soo dirtay ergo ka socota xafiiskeeda iyo dhanbaal ku socda Bulshada reer Ogadenia meel kasta oo ay joogaan. Waxayna mahadnaq balaadhan u soo jeedisay ururka nabad-raadinta Ogaden. Waxay Barbara balanqaadday inay wada-shaqayn  joogta ah la samayn doonto bulshada Ogaden.

 

 

5-       Fawzia A/kadir-  Madax  sare, Hay’adda OHRC-  Marwo Fawiza ayaa soo bandhigtay muuqaalo ku abuuray madaxdii, ajnabigii ardaydii & dhamaan bulshada Ogadenia jawi qaracan & karaar-qaadasho hor leh keenay. Muuqaalo-far shaxameedka ay Fawziya soo bandhigtay ayaa isugu jiray siligyo, katiinado & xadhko lagu marjiyey qaar ka mid ah haweenka Ogaden, caruur nolosha lagu aasay, macluul ka muuqata dhabanka umadda dulman ee Ogaden.

 

6-      Dr Maxamuud Ugaas- Madax sare, hay’adda OHRC. Dr Ugaas wuxuu si tafatiran haddana aad runtii u cilmiyeysnayd ka bixiyey sababa keenta soo noqnoqodka abaaraha Ogaden, burburka umadda dhinac kasta ka haysta & xalka loo baahan yahay.   Dr Ugaas wuxuu bandhig muuqaal ku tafatiray, taxane- taariikheed ku saabsan cuno-qabataynta lagu hayo mashaariicda wax-qabadka, caydhinta ururada samafal & lama huraannimada in ururada bulshada sida Ogaden Voice for peace oo kale looga baahan yahay u ololaynta & ka hor tagga dhibka umadda haysta.

 

7- Hamse Warfa- Agaasimaha & isku duwaha hay’adda Horn of Africa isla markaana ah aasaasayaasha ururka nabad-raadinta Ogaden-  Mudane Warfa wuxuu bulshadii u dhildhilay  una soo bandhigay muuqaalo tilmaamaya kaalinta qaxootiga Ogadenia looga baahahn yahay inay ka soo baxaan, wuxuu sidoo kale sharaxaad dheer ka bixiyey raadka ay mushkiladaha la soo gudboonaaday bulshada Ogaden ee ku nool  geeska afrika ku yeelan karaan eheladooda ku sugan waddamada galbeedka & sida looga bixi karo. Wuxuu sheegay inay UNHCR tu haysato warbixintii hore ee qaxootiga Ogaden ee sanadihii 1977dii, loona baahan yahay in la badalo loona gudbiyo warbixinada cusub.

 

8- Agaasimaha xarunta nabadda & caddaaladda caalamka Dr Joyce Nue-  Marwo Joyce  waxay kal-fadhigii ka sheegtay inay warbixinnada & sawirada madasha lagu soo bandhigay ay galin doonto mawqicyada (Websites) jaamacadaha maraykanka si ay ardayda culuumta xuquuqda insaanka iyo taariikhda barata ay manhajkooda ugu darsdaaan qaddiyadda Ogadenia. Waxay sidoo kale mahadnaq ballaadhan u soo jeedisay  codka nabad-raadinta Ogaden oo ay ku dhiiro-galisay hawlaha halgan ee ay ku jiraan.

 

 Guulaha ugu weyn ee ka soo baxay kalfadhgii 2aad ee Codka nabad-raadinta Ogaden (Ogaden voice for peace) waxaa ka mid aha :_

 

A-    Inay xarunta nabadda & caddaaladdu ballan qaadday inay  la wareegi doonaan warbixinada & muuqaalada lagu soo bandhigay madasha isla markaana ay u qaybin doonaan kuliyadaha, jaamacadaha & matxafyada waddankan si ay ardaydu ula socdaa qaddiyadda Ogaden.

 

B-    Wada shaqayn dhex mari doonta guddi loo xil-saaray la shaqaynta jaamacadaha & hay’aadka aan dawliga ahayn si loo kordhiyo warbixinada Ogadenia.

 

C-    Kordhinta  xidhiidhka wasaaradda arimaha dibadda ee maraykanka & hawl-wadeenada u ololeeya xuquuqda insaanka si loo kordhiyo cadaadiska diplomaasiyadeed ee lagu hayo xukuumadda EPRDF.

 

D-    Kordhinta xidhiidhka suxufiyiinta iyo saxaafadahaba si xogta dhabta ah ee ka jirta Ogaden loola wadaago.


 
Kal-fadhigii 2aad ee Codka nabad-raadinta Ogaden ayaa waxaa dhanka kale ka soo qayb galay macalimiinta, aqoonyahanka iyo ardayda jaamacadaha gobolka California & shaqaalaha machadka nabadda & cadaaladda. Waxayna dhamaantood si aan kala joogsi lahayn uga qayb qaateen su’aalihii ay bulshadu la beegsatay madaxa arimaha bariga afrika u qaabilsan dawladda maraykanka, Mr James.

 

Marti-sharaftii madasha maalinkii labaad ka hadashay ayaa waxay isugu jireen kuwo ka kala yimid dalka dibaddiisa & dacaladiisa sida Canada , UK . Tennessee , Dallas , Denver , Ohio   Seattle ,Sanjose,Minnesoto,  & Atlanta

 

 Wuxuu codka nabad raadinta Ogaden dhawaan soo saari doonaa qaraarkii (Resolutions) ka soo baxay kal-fadhigoodi 2aad, waxaana qaraaradaa loo gudbin doonaa dhamaan hay’aadka, ururada aan dawliga ahayn & wasaaradda arimaha dibadda ee dalkan maraykanka.



INTERNET CAFE CALLING CARDS SIM CARDS SCANNING COLOUR PRINTING PASSPORT PHOTOS PHOTOCOPYING DIGITAL PRINTING MONEY TRANSFER WESTERN UNION
MANCHESTER | MANCHESTER |  United Kingdom
Somali & Ethiopian Food
-Cunto macaan
-Nadaafad sare
-Shaqaale carbisan
-Qabo,Quraac iyo Casho
Toronto | Ontario |  Canada
Premium Listings powered by Somali411.com
6 comment(s)
More comments
 soomaalida waa dad walaalo ah oo runtii aad isu xiga,
runtuna waxaa ay tahay soomaali waligeed bay xaali jirtay
oo iyaga ayaa yaqaan sida ay u xalin karaa wixii dhiba
ee soo kala gaara.

haddaba, anaga oo og xaqiiqdaas dhabta ah ee jirta ayaa
haddana waxaa ummaddeena soomaaliyeed lagu soo hurgufay
kooxo ku qaraabta magaca diinta ISLAAMKA (in the name of sects)
kuwaas oo doonaya inay abuuraan wixii nabiga (SCW)
ka duceysan jirey ee ahaa ALLOW KOOXO DIINTA NAGA FIDNEEYA
AYAAN KAA MAGAN GALAY. waa duco nabiga ku duceysan jirey

marka anaga itoobiyaan walaa carab xal inooma aha oo
waanu aragnaa meesha ay naga tuurtay.

xalka waa anaga oo xal soomaali soo bandhigna sidaasna
wax ku kala wadna waayo 5000 oo sano oo taariikhdeena ah
baa xalka soomaaliyeed wax lagu kala waday.

xal ma noqon karo fikrado kooxo diimeen soo alifeen
iyo waxa afka qalaad loogu yeero (sectarianism)ee xalka
waa anaga oo afaaraheena ka xoreyna itoobiyaan madow
oo xaar leh iyo carab munaafaq ah oo diinta doonaya
inuu ka dhigo mid kolba dano carbeed lagu fushado.

soomaaliya soomaali baa leh waxaana laga rabaa soomaali
inay fahmaan in xalka iyaga gacantooda uu ku jiro.

halkan ka dhageyso taariikhda afka-soomaaliga oo lagu
sheegay inay ka horeysay dhalashadii nebi ciise

http://www.youtube.com/watch?v=6ZTQ2qQFclQ
 soomaalida waa dad walaalo ah oo runtii aad isu xiga,
runtuna waxaa ay tahay soomaali waligeed bay xaali jirtay
oo iyaga ayaa yaqaan sida ay u xalin karaa wixii dhiba
ee soo kala gaara.

haddaba, anaga oo og xaqiiqdaas dhabta ah ee jirta ayaa
haddana waxaa ummaddeena soomaaliyeed lagu soo hurgufay
kooxo ku qaraabta magaca diinta ISLAAMKA (in the name of sects)
kuwaas oo doonaya inay abuuraan wixii nabiga (SCW)
ka duceysan jirey ee ahaa ALLOW KOOXO DIINTA NAGA FIDNEEYA
AYAAN KAA MAGAN GALAY. waa duco nabiga ku duceysan jirey

marka anaga itoobiyaan walaa carab xal inooma aha oo
waanu aragnaa meesha ay naga tuurtay.

xalka waa anaga oo xal soomaali soo bandhigna sidaasna
wax ku kala wadna waayo 5000 oo sano oo taariikhdeena ah
baa xalka soomaaliyeed wax lagu kala waday.

xal ma noqon karo fikrado kooxo diimeen soo alifeen
iyo waxa afka qalaad loogu yeero (sectarianism)ee xalka
waa anaga oo afaaraheena ka xoreyna itoobiyaan madow
oo xaar leh iyo carab munaafaq ah oo diinta doonaya
inuu ka dhigo mid kolba dano carbeed lagu fushado.

soomaaliya soomaali baa leh waxaana laga rabaa soomaali
inay fahmaan in xalka iyaga gacantooda uu ku jiro.

halkan ka dhageyso taariikhda afka-soomaaliga oo lagu
sheegay inay ka horeysay dhalashadii nebi ciise

http://www.youtube.com/watch?v=6ZTQ2qQFclQ
 Playing American ball game is what these guys did. What is lost is their Islamic identity. I dodn't care what name they call after their halgan as long as they observe Islamic principles. But pictures shows how Ogaden refugees want to sing for America on the xpenses of their religion.

 Tabaha Cusub ee ONLF iyo Tirciska Ururada ay Ku Adeegtaan

Kadib markay caqabado badan oo siyaasadeed ka hor yimaadeen, waxay jabhaddii ONLF beegsatay tabo hor leh oo ay u hawl-gasho. Waa shuftiyo xaalkeede waxay eeggana bilaabeen in ay la baxaan magacyo hor leg oo maqaar saar ah iyo hawl-gallo cusub oo ay ugu talo-galeen in ay ku marin habaabinayaan bulsho waynta Ogaadeen iyo ra’yul caamka kale labadaba.

Waxaan wada ogsoonahay in ay waayadan dambe cariga Maraykanka ay ka socdeen shirar iyo riwaayado cusub oo ay soo abaabuleen ururo dhowr ah oo tircis ah, sida Ogaden Human Right, Ogaden Voice for Peace, Ogaden Student Forum, Ogaden Youth Network, IWM. Haddaba waa is waydiine maxay ururadani yihiin? Maxaan ka baran karna hab-dhaqankooda iyo qaab dhismeedkooda? Maxayse ONLF uga egyihiin ama kalaba mid yihiin?

Waa midda horee, ururadan dhammaantood waxaa iska leh ONLF iyada ayaana samaysatay oo ku adeegata. Kadib markii ONLF dhexdeedii kala jab ku yimid shuftannimadiina u shaqeyn weyday, waxay isla markiiba hawl-galisey unugyo ka mid ah taageerayaasheeda oo ay magacyo cusub u bixisey, si ay ugu marin habaabiso caalamka reer galbeedka. Tusaale ahaan haddaan soo qaadanno ururka Ogaden Human Rights oo isagu waayadan danbe ka hawl-galey Waqooyiga America waxaa askunkiisa iyo adeegsashadiisaba iska leh qudha Admiralka isagu iska leh ONLF, isaga ayaana u yeedhiya wixii ay adduunka la hor tagi lahaayeen. Intaa waxaa dheer in uu Admiralka naftiisu magacaabo kolba ciddii madax u noqon lahayd awaamiirtiisana faafin lahayd.

Qodobka labaad ee ay ururadani ONLF kala midka yihiin waa aaraa’da ay soo bandhigaan oo mar walba ah mid ONLF raali galisa. Haddaan soo qaadanno shirkii ugu danbeeyay ee Ogaden Voice for Peace ku qabtay magaalada San Diego waxaan dhihi karaa waxba kama uusan duwanayn shir ay ONLF leedahay kol haddii dadka lagu martiqaadey ONLF ahaayeen, waxa lagaga hadlayna maslaxadda ONLF ahaa. Waxaa la yaab leh inaan shirkaa isaga ah marna lagu soo hadal qaadin gumaadka joogtada ah ee ay ONLF ku hayso shacabka. Miyeysan halkaas inooga caddeyn in aynan ONLF waxba doorinin oo ay isku mawqif yihiin

Dhibaatada ay dadkannagu qabaan waxaa hooyo u ah ONLF & jah wareerka ay bulshada u horseedey. Haddaba cid kasta oo iyadu rabta in ay dhibaatadaas ka hadasho, waxay ku qasbantahey in ay ONLF faallayso wax yeelladeedana caddayso. Ciddii haddaba arrintaas samayn wayda waa ONLF oo ismaldahaysa dadkannaguna wuu ogyahay oo ku khaldami mayo.

Eegga.com
Editor@eegga.com

 M J ALi it is fine let them wonder 40 years, by the time they came inclusion with reality that lays ahead it is too late and every damage
they could have done to us was already. these are their most intelligent people who are so attached and obsessed  with something far away from the truth

May god bless Somalis in ethiopia and safe them from destruction these few liars spearding



Hiiraan Online 

 

Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 1999-2009 Hiiraan Online