4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Kal-Fadhigii labaad ee Ururka Nabad-Raadinta Ogaden

Hiiraan Online
Khamiis, December 13, 2007

 

7dii ilaa 8dii bishan December ee sanadkan 2007, waxaa xarunta nabadda & caddaaladda adduunka ee ku dhex taal jaamacadda magaalada Sandiego ee gobolka California ka dhacay kal-fadhigii labaad ee ururka nabad-raadinta Ogaden.

 

Shirkan oo ay qabanqaabadiisa & martigalintiisaba iska kaashadeen codka nabad raadinta Ogaden & xarunta nabad-raadinta & caddaaladda ayaa waxaa lagu martiqaaday kana soo qayb galay madax isugu jirta heer caalami, heer qaran & heer gobol intaba.  Mudane Maxamed Sheikh oo ah madaxa  codka nabad-raadinta Ogaden isla markaana ah madaxa hay’adda horn of afrika ayaa ku bilaabay kal-fadhiga mahadnaq balaadhan & soo dhawayn ku socota dhamaan madaxda, marti sharafta, aqoonyahanka iyo bulshada reer Ogadenia ee ka soo qayb gashay madashaa.

 

 

        Madaxda ka soo qayb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa :_

 

1-      Mas’uulka  arimaha afrikada bari u qaabilsan wasaaradda arimaha dibadda ee dalkan maraykanka, mudane James Knight. Oo warbixin qoto dheer ka bixiyey siyaasadda  dawladda maraykanka ee  ku aaddan geeska afrika & barnaamijyada ay sida wada jirka ah u wada fulin karaan codka nabad-raadinta Ogaden & wasaaradda arimaha dibadda.

 

Mudane James wuxuu bulshadii shirka ka soo qayb gashay si cad ugu sheegay muhiimadda xaqa-aayo ka tashi ee umadda Ogadenia & sida ay dawladda maraykanka uga go’an tahay  inay is garab taagto riyada shacabka Ogaden.
 

2-      Madaxa hay’adda awoodsiinta umadaha dulman marwo Keif Schleifer oo xog dheerad ah ka bixisay  muhiimadda ay leedahay baraarujinta & barbaarinta jiilkii soo celin lahaa aayo ka tashiga bulshada Ogadenia. Marwo Keif  oo balanqaadday inay si toos ah ula shaqayn doonto codka nabad-raadinta Ogaden ayaa madashii shirka ku soo bandhigtay bandhig muuqaaleed ka turjumaya nidaamka awood-siin ee umad dulman!

 

3-      Madaxa hay’adda hadhaaga ciqaabta cadawga (Survivors of torture, international) mudane David Gangsei oo bandhig taariikheed ada u qiimo badan ka sameeyey raadaynta ciqaabtu ku yeelato maskaxda aadamaha iyo sida looga bogsado. Wuxuu mudanuhu sheegay inuu bulshada Ogadenia ee qurbaha ku nool la samayn doono barnaamijyo aqoon-kororsi ku saabsan sare u qaadidda hamiga bulshada ogadenia.

 

4-       Senetor  Barbara Boxer oo ah madaxa gobolka California ugu jirta aqalka senatarada dawladda maraykana.   Senator Barbara oo arimo degdeg ah dartood ugu suuro-gali wayday inay ka soo qayb gasho kalfadhiga ayaa soo dirtay ergo ka socota xafiiskeeda iyo dhanbaal ku socda Bulshada reer Ogadenia meel kasta oo ay joogaan. Waxayna mahadnaq balaadhan u soo jeedisay ururka nabad-raadinta Ogaden. Waxay Barbara balanqaadday inay wada-shaqayn  joogta ah la samayn doonto bulshada Ogaden.

 

 

5-       Fawzia A/kadir-  Madax  sare, Hay’adda OHRC-  Marwo Fawiza ayaa soo bandhigtay muuqaalo ku abuuray madaxdii, ajnabigii ardaydii & dhamaan bulshada Ogadenia jawi qaracan & karaar-qaadasho hor leh keenay. Muuqaalo-far shaxameedka ay Fawziya soo bandhigtay ayaa isugu jiray siligyo, katiinado & xadhko lagu marjiyey qaar ka mid ah haweenka Ogaden, caruur nolosha lagu aasay, macluul ka muuqata dhabanka umadda dulman ee Ogaden.

 

6-      Dr Maxamuud Ugaas- Madax sare, hay’adda OHRC. Dr Ugaas wuxuu si tafatiran haddana aad runtii u cilmiyeysnayd ka bixiyey sababa keenta soo noqnoqodka abaaraha Ogaden, burburka umadda dhinac kasta ka haysta & xalka loo baahan yahay.   Dr Ugaas wuxuu bandhig muuqaal ku tafatiray, taxane- taariikheed ku saabsan cuno-qabataynta lagu hayo mashaariicda wax-qabadka, caydhinta ururada samafal & lama huraannimada in ururada bulshada sida Ogaden Voice for peace oo kale looga baahan yahay u ololaynta & ka hor tagga dhibka umadda haysta.

 

7- Hamse Warfa- Agaasimaha & isku duwaha hay’adda Horn of Africa isla markaana ah aasaasayaasha ururka nabad-raadinta Ogaden-  Mudane Warfa wuxuu bulshadii u dhildhilay  una soo bandhigay muuqaalo tilmaamaya kaalinta qaxootiga Ogadenia looga baahahn yahay inay ka soo baxaan, wuxuu sidoo kale sharaxaad dheer ka bixiyey raadka ay mushkiladaha la soo gudboonaaday bulshada Ogaden ee ku nool  geeska afrika ku yeelan karaan eheladooda ku sugan waddamada galbeedka & sida looga bixi karo. Wuxuu sheegay inay UNHCR tu haysato warbixintii hore ee qaxootiga Ogaden ee sanadihii 1977dii, loona baahan yahay in la badalo loona gudbiyo warbixinada cusub.

 

8- Agaasimaha xarunta nabadda & caddaaladda caalamka Dr Joyce Nue-  Marwo Joyce  waxay kal-fadhigii ka sheegtay inay warbixinnada & sawirada madasha lagu soo bandhigay ay galin doonto mawqicyada (Websites) jaamacadaha maraykanka si ay ardayda culuumta xuquuqda insaanka iyo taariikhda barata ay manhajkooda ugu darsdaaan qaddiyadda Ogadenia. Waxay sidoo kale mahadnaq ballaadhan u soo jeedisay  codka nabad-raadinta Ogaden oo ay ku dhiiro-galisay hawlaha halgan ee ay ku jiraan.

 

 Guulaha ugu weyn ee ka soo baxay kalfadhgii 2aad ee Codka nabad-raadinta Ogaden (Ogaden voice for peace) waxaa ka mid aha :_

 

A-    Inay xarunta nabadda & caddaaladdu ballan qaadday inay  la wareegi doonaan warbixinada & muuqaalada lagu soo bandhigay madasha isla markaana ay u qaybin doonaan kuliyadaha, jaamacadaha & matxafyada waddankan si ay ardaydu ula socdaa qaddiyadda Ogaden.

 

B-    Wada shaqayn dhex mari doonta guddi loo xil-saaray la shaqaynta jaamacadaha & hay’aadka aan dawliga ahayn si loo kordhiyo warbixinada Ogadenia.

 

C-    Kordhinta  xidhiidhka wasaaradda arimaha dibadda ee maraykanka & hawl-wadeenada u ololeeya xuquuqda insaanka si loo kordhiyo cadaadiska diplomaasiyadeed ee lagu hayo xukuumadda EPRDF.

 

D-    Kordhinta xidhiidhka suxufiyiinta iyo saxaafadahaba si xogta dhabta ah ee ka jirta Ogaden loola wadaago.


 
Kal-fadhigii 2aad ee Codka nabad-raadinta Ogaden ayaa waxaa dhanka kale ka soo qayb galay macalimiinta, aqoonyahanka iyo ardayda jaamacadaha gobolka California & shaqaalaha machadka nabadda & cadaaladda. Waxayna dhamaantood si aan kala joogsi lahayn uga qayb qaateen su’aalihii ay bulshadu la beegsatay madaxa arimaha bariga afrika u qaabilsan dawladda maraykanka, Mr James.

 

Marti-sharaftii madasha maalinkii labaad ka hadashay ayaa waxay isugu jireen kuwo ka kala yimid dalka dibaddiisa & dacaladiisa sida Canada , UK . Tennessee , Dallas , Denver , Ohio   Seattle ,Sanjose,Minnesoto,  & Atlanta

 

 Wuxuu codka nabad raadinta Ogaden dhawaan soo saari doonaa qaraarkii (Resolutions) ka soo baxay kal-fadhigoodi 2aad, waxaana qaraaradaa loo gudbin doonaa dhamaan hay’aadka, ururada aan dawliga ahayn & wasaaradda arimaha dibadda ee dalkan maraykanka.